HomeImtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe/Sare oo si rasmi ah maanta Dalka uga...

Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe/Sare oo si rasmi ah maanta Dalka uga bilaabmay iyo Bushaarada Guddoomiyaha Imtixaanaadka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[H]argeysa (SLpost)- Waxa maanta degmooyinka iyo gobollada dalka si rasmi ah uga bilaabmay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee sannad-dugsiyeedka 2011/2012 oo ay guud ahaan ka qayb-galayaan 17, 531 (Todoba iyo Toban kun, Shan Boqol iyo Sodon iyo Kow Arday).

blankGuddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada Md. Daa’uud Axmed Faarax, ayaa ugu bushaareeyey Ardayda imtixaanka ka qayb-galaysa iyo waalidkooda kalsoonida iyo Cadaaladda nidaamka maamul ee xafiiska Imtixaanaadka Qaranka isaga oo sheegay in culayska hawsha Xafiiska uu guddoomiyaha ka yahay ay sahal ka dhigtay waayo-aragnimo uga dilaacday muddo 15 sanno ah oo ay hawshan soo wadeen awgeed.

“Waxaan rabaa inaan kalsooni siiyo ardayda iyo waaalidiintaba. Imtixaanka dugsiyada Dhexe waa sannadkii 15aad, kuwa sarena 13 ama 14 midkoodbaanu maraynaa baan filayaa. Arrintaas waxaanu ka kasbanay waayo-aragnimo faro-badan,” ayuu yidhi Guddoomiye Daa’uud Faarax, isagaa hadalkiisa sii raaciyey, “Waxaan jecelahay inaan kalsooni idinku siiyo; caddaalad ayaa runtii halkan (xafiiska imtixaanaadka) taala. Intii Tamartayada ahna waxaanu ku dedaalnaa ardayda Somaliland ee walaalaha ah, inaanu ku maamulno in natiijadoodu si caddaalad ah ku soo baxdo.”

Guddoomiyaha oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiska imtixaanaadka waxa uu xusay in hawl-wadeeennada xafiiskooda imtixaannadku ku dedaalaan inay aqoon ahaan la tartamaan dalalka horumaray, “Hawl-wadeennada xafiiska imtixaanaadku waa rag hamigoodu yahay, in kasta oo dalkeennu yahay dal yar oo aan wali la aqoonsan, in haddana aqoon ahaan kula tartanno dunida. Sidaa awgeed, waxaanu had iyo jeer ku dedaalnaa in ardayga ugu sarraynaya imtixaanku noqdo arday la majeerto markuu dalkeenna ka tago ee imtixaan dibadeed galo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Daa’uud Axmed Faarax.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa 16 June shaacisay in  5,846 Arday ay u fadhiisan doonaan Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Somaliland oo dhan kana dhacaya 42 goobood oo degmooyinka iyo gobolada dalka ah, halka 11,667 arday u fadhiisanayaan imtixaanka dugsiyada Dhexe oo ku qabsoomaya 98 goobood.

Imtixaankan ay u noqonaya ardayda Dugsiyada Dhexe sannad-dugsiyeedkii ugu horreeyey ee ay ardayda fasallada 8aad waxbarashada ku dhammeystaan lacag la’aan, tan iyo intii xukuumadda Kulmiye ka dhalatay dammaanad-qaadday daryeelka macalinka isla markaana waalidiintu ka reysteen Gunnadii ay macalimiinta ka siinayeen waxbarashada ubadkooda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories