Home‘Imanmayso Somaliland-ta aad u Alwanaysaane’ – Prof Maxamed S. Gees

‘Imanmayso Somaliland-ta aad u Alwanaysaane’ – Prof Maxamed S. Gees

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gees“Adduunbay addoon kula noqdeen iib la dhaafsado’e, ammaana alla waydiin bannaan labada oofoode”

Aqoonyahan Maraykan ah oo wax ka dhiga Jaamacad ku taalla Gobalka North Carolina oo la yidhaa (Davidson College), laguna magcaabo Ken Machouse oo khabiir ku ah arrimaha siyaasadd, isla markaana qoraallo badan ka qoray Soomaalida oo Dawladda Maraykanku kala tashato Arrimaha Soomaalida, ayaa marar badan yimid Hargeysa oo la kulmay siyaasiinta Somaliland iyo waxgaradkeeda, waxa uu ku yidhi; “Markii ay iswaraysteen idinka iyo Soomaalida Konfureed waxa ku kala duwan tihiin. Idinku arrimihiina idinka ayaa maamulayaa, dib-uheshiin, axdi-nabadeed, axdi-qarameed, Dastuur, afti-dastuur, ururo siyaasadeed, doorosho dawladda hoose, soo-saarid saddex xisbi qaran, Doorasho Baarlamaan, Doorasho Madaxweyne.”

Xagga konfureed marka aan la kulmo waxgaradkooda waxay hadal iigu soo horreysiiyaan, “Goorma ayaa caalamku dawlad noo samaynayaan?” Waxay dunida ka sugayaan in dawlad loo sameeyo.

Mar aan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo aannu la wada shaqayn jirnay Hay’adda WSP/Interpeace, aan weydiiyey oo ku idhi; maxaad wax maamul ah isugu dayiwaydeen qolladiina Hawiye waxa uu iigu jawaabay; “Maya, Dawlad Soomaaliyeed oo la ictraafsan yahay ayaan sugaynaa.” Waa kaa maanta Madaxweyne ka noqday dawlad loo ictiraafay inay tahay dawladii Soomaaliyeed, haseyeeshee boqlaal kun oo carruur iyo dumar ah, ayaa tabaalo u dhintay intii la sugayey dani kama hayso dhimashadooda iyo darxumadooda.

Professor Ken Machouse oo sideetannaadkii joogay Xamar oo cilmi baadhis ka wada dadka Baantuga ah ee Juubooyinka ku nool, waxa uu ciyaari jiray Kubadda Kolleyga Naadigii la WAGAD ee Xamar, sidoo kalena waxa ku la Taliyey Mrs Clinton iyo dawladda Maraykan, talaabada ay qaadeen.

Ken Machouse hadalkiisu amaan ma ahay ee waxa uu u jeeday qolada sugaysa in wax loo sameeyo oo saabka wax ka sugaysa, ayaa la rabaa, waxayna dadka Somaliland ku guulaysatay oo ay weli dedaalkii waddo oo loo dabar adaygay dawlad dhisiyo nabadayn iyo horomarin ee looguma telegelin in shahaadad iyo bogaadin laga hello shisheeye ee waxa loogu talagalay in nabad iyo nolol lagu sameeyo dadweynaha Somaliland, haddii dedaalka waxqabad lagu saleeyo baahid dadka.

Haddaba, Siyaasadda Dawladda Somaliland ee hadda loo janjeedhiyey dhinaca dhaqaalaha iyo maalgashiga shisheeyaha, ayaa ah muftaaxa hormarka ee ha la garabgallo oo ha la taageero oo qallin daarka ha laga daayo. Maalgashigga sida somcable, shirkadaha shidaalka baadhayaa Wershadda Cocacola oo ah geddigood tallaabooyin ay muwaadiniin Somaliland ah iyo shisheeye iska kaashanayaan; Dekadda Berbera oo wadahadal loo furay maalgashi shisheeye, Maxjarka Aljibri iyo Indhadeero.

Sidoo kale, Dawladda Somaliland oo ku bilaabantay miisaaniyad hal milyan oo dollar ah oo maanta ku dhaw laba boqol oo milyan oo doolar, halka Reer konfureed waa ay heleen dawladoodii; ready made ka ahay. 14shir oo loo qabtay, iyaga oo huteelo qaali ah la dejiyay oo gunno la siiyey, dastuur loo sameeyey, labaatan kun oo ciidan washaysi ah oo yamyam iyo qadaadweyn ah oo nabadgelyadood gacanta ku haysa, baarlaman iyo dawlad mushahar ka qaata shisheeyaha oo loo yabooho. Ictiraaf daaqadda ah, roog casan oo lagugu qaabilayo, shirarka addunka oo laga qaybgallo. Wax walibi waa readymade.

Waqtigii aan korayey ee Ingriisku joogay Somaliland dharka waa la fasilan jiray dhawr dawarwale ayaa jiray, dawarwaluhu waxa u noqday farsamo qaali ah, waxana loo bixin jiray Hebel Dawaare, Faarax Dawaare, Maxamuud Dawaare. Shaqo cusub oo dalka timid ayey ahay, iyada oo xaaladdu sidaas tahay, ayaa ganacsade Beesha Ugayslabe ah oo dukaan ku lahaa Masaajidka Cali Mataan agtiisa keenay Shaadhadh iyo Saraawiil tolan ama fasilan ugu horrayntii, dabadeedna waxa soo baxda ereyga Readymade. Ganacsadahaa waxa la odhan jiray Cali Nuux, inankiisii Siciid Cali Nuux waa xubin Golaha Guurtida.

Haddaba, qoloba way ku dedaashay ayey heshay, dawlad hoosta laga soo dhisay iyo mid Readymade ah. Aabbahay Siciid Maxamed Gees (Aabbahay iyo Aabihiiba Berbera ayey ku dhasheen) oo hadda sagaashankii ku dhaw oo imika deggan New York ee dalka Maraykan, ayaa wax uu ee sheegay inay macruuf u ahaayeen reer Suldaan Cabdullaahi Suldaan Diiriye waxa uu igu yidhi aniga iyo Cabdulqaadir (Dhabeeye)oo ahaa inankiisa oo maalin la fadhina Suldan Cabdullaahi ayuu Suldaanka ku yidhi; “Aabbo maxaad u diidaa wixii Ingiriisku kula yimaado.” Waxa Suldaankii waxa uu ugu jawaabay; “Waar ninkan anigu afkiisa iyo fikarkiisa ma aqaan, wixii uu ila yimaaddo maya ayaan odhanayaa ,ee marka aad barataan afkiisa iyo dhaqankiisa wixii aad doontaan ka yeela.’’

Haddaba waxa Somaliland xukuumadda iyo waxgaradka horyaalla afeeftaas Suldaan Cabdullaahi oo ahaa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir Awoowgii. Waxaad moodaa ineyn weli afgaran gaalkii caddaa oo qolada konfureed ayaa afgaratay ee inta aan baranaynu mayayda aan ku joogno. Qolla waliba ha iimaansato waxay dhisatay ee doogsin cararka ha la iska daayo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories