HomeImaaraadka Oo Mishiino,Beebab,Raashin iyo Agabkale Soo Gaadhsiiyay Somliland

Imaaraadka Oo Mishiino,Beebab,Raashin iyo Agabkale Soo Gaadhsiiyay Somliland

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Gabiley ( SLPost) Weftigan imaaraadka uga yimid sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen xaalada Abaareed ee saamaysay qaybo ka mida gobolada Somaliland oo uu hogaaminaayey Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta in muddo ahna ku sugnaa dalka una kuurgalay xaalada guud ee abaaraha ayaa maanta waxay u kicitimeen deegaamo hoos yimaada gobolka gabiley, waxaana safarkan ku wehelinaayey Wasiiro ka mida xukuumada iyo Gudoomiyaha Gobolka Gabiley.

IMG_0088 IMG_0085 IMG_0104

waxaanay ugu horayn boqdeen weftigu deegaamada Allaybaday iyo Dameero boob, oo maamul ahaan ka tirsan gobolka gabiley halkaasna waxay gaadhsiiyeen deeqo isugu jira, Agab ka kooban mishiinada ceelasha biyaha oo ay ugu talogaleen in lagaga shaqaysiiyo ceelka Dameero boob oo isagu fadhiyey mudooyinkii u danbeeyey, waxa kale oo ay geeyeen halkaas booyado biyo ah iyo Raashin iyo beeb loogu talogalay ceelka, kuwaas oo ay ugu talogashay hay’adda  khaliifa foundation dadka abaaruhu sameeyeen.

Waxaa halkaa ka hadlay Masuuliyiin dhawra oo hadalka iska daba maray, Gudoomiyaha gobolka gabiley Xamse Maxamed Cabdi oo ugu horayn ka Hadley goobtii deeqda lagu bixinayey, ayaa u  mahad naqayo hay’ada khaliifa foundation oo deeqdii ugu horaysay soo gaadhsiisay dadka abaaruhu saameeyeen ee gobolka gabiley.

Wasiirka wasaarada diinta iyo Awqaafta sheekh khaliil oo isna si faahfaahsan ugu waramay deeqdani ay hay’ada khliifa foundation ugu tala gashay inay gaadhsiiso dadka ay abaaruhu saameyeen ayaa sheegay in ay keeneen mishiin iyo beeb loogu talagalay in lagu dayactiro ceel biyooodka dameero boob iyo caano loogu talagalay in la siiyo ilaa shan boqol oo qoys, Sidoo kalena waxa uu xusay inay wadaan toban booyadood oo biyaa.

Wasiirka wasaarada maaliyada marwo Samsam Cabdi Aadan oo goobta ka hadashay ayaa aad ugu mahad celisay safiirka somaliland u fadhiya imaraadka iyo hay”adda kha’iifa foundation, Waxaanay xustay in ceelka dameero boob uu yahay ceel biyo badan oo in badana dadka anfacaya maantana ay guul u tahay cid kasta oo ka mida deegaanka iyo inta ka agdhaw.

Wasiirada wasaaradaha deegaanka,warfaafinta, iyo agaasimaha wasaarada  biyaha ayaa iyaguna dhamaantood bogaadin iyo mahadnaq u soo jeediyey Ambassador Baashe Cawil Cumar  iyo hay’ada khaliifa foundation ee deeqdan kala duwan soo gaadhiisay dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Maxamed Yuusuf Cige oo ku hadlaayey afka odayaasha deegaanka alleybaday ayaa sheegay in deeqdan maanta lasoo gaadhsiiyey ay tahay mid dadku u baahnayeen isla markaana ay aad ugu mahad naqayaan cidkasta oo ka shaqaysay sidii dadkan abaaruhu saameeyeen wax loosoo gaadhsiin lahaa.

Safiirka somaliland u fadhiya dalka imaaraadka Carabta, Amb Bbaashe oo isna goobta ka Hadley ayaa aad u bogaadiyey ha’yadda khaliifa foundation sida wanaagsan ee ay uga soo jawaabeen baaqii madaxweynaha ee taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen.

Amb baashe cawil ayaa ka dhawaajiyey inay jiraan mashaariico kale oo ay hay’ada khaliifa foundation ugu tala gashay inay wax ku gaadhsiiso dadka ay abaaruhu wax yeeleeyeen ee ku kala dhaqan deegaanada kala duwan ee dalka.

Ugu danbayntii waxa goobta ka Hadlay masuulkii  hogaaminaayey hay’ada khaliifa foundation Jumca Khamiis, oo sheegay in hay’ada khaliifa ay ka shaqayso caawinta dadka baahan, isaga oo  xusay in deeqo badan oo kala duwan ay gaadhsiin doonaan guud ahaan dadka ay abaaruhu  saameeyeen ee dalka oo dhan.

Maaha markii ugu horaysay ee hay’ada khaliifa foundation ay dalka timaado isla markaana ay gacan ka gaysato caawinta dadka tabaalaysan balse hore ayey dalka dhowr jeer u yimaadeen iyagoo uu hogaaminayo  Amb baashe cawil waxanay hore dayactir iyo dhisme uga gaysteen ceel biyoodyo badan iyagoo  mashaarico kala duwan dalka ka fuliyey.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories