HomeImaaraadka Carabta Oo Soomaaliya ka reebay Waddamo Dadkooda la ogolaaday iyo Somaliland...

Imaaraadka Carabta Oo Soomaaliya ka reebay Waddamo Dadkooda la ogolaaday iyo Somaliland Oo Lagu Daray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankAbu Dhabi (SLpost)- Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa fasaxday in Dadka Ajaanibka ahi ee deggan ay dib ugu noqdaan Imaaraadka, haddii iyagoo dalka dibeddiisa ku maqan uu ku dhacay Xayiraaddii uu sababay cudurka Covid-19.

Dawladda ayaa fududaysay habka dib ugu laabashada ee Imaaraadka, sida ay sheegtay Waaxda Deganaanshaha Ajaanibka ee Imaaraadka Carabta, waxaana Dadka ku noqonaya ay hab Online ah ku gudbin karaan Foomkooda degganaanshaha dalka Imaaraadka Carabta, si loo xaqiijiyo.

Shuruudaha laga rabo qofka Imaaraadka dib ugu laabanaya waxa ka mid ah inaanu qabin Xanuunka Covid_19, sidoo kalena uu 72 Saacadood ka hor tagiddiisa Imaaraadka uu iska baadho Xanuunka, waxa kale oo laga rabaa Qofka Xanuunka iska baadhay Shahaado caddaynaysa inuu shaybaadh maray, laakiin arrintaasi kuma jiraan Dadka u dhashay Imaaraadku.

Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay shaacisay Magacyada Dalalka ay dadkoodu dib ugu laabanayaan Imaaraadka, waxaana Dalalkaasi ku jira Somaliland, balse waxa Imaaraadku uu Waddamada dadkoodu deggan yihiin Imaaraadka isla-markaana dib ugu laabanayaan ka reebay Soomaaliya.

Dalalka Dadkoodu deggan yihiin Imaaraadka waxa ka mid ah Afghanistan, Angola, Argentina, Bangladesh, Brazil, Cambodia, Chile, Croatia, Cyprus, Czech Republic, Djibouti, Egypt, Eritrea, Ethiopia, Georgia, Ghana, Guinea, Hungary, India, Indonesia, Iran, Iraq, Israel, Ivory Coast, Jordan, Kenya, Lebanon, Malta, Montenegro, Morocco, Myanmar, Nepal, Nigeria, Pakistan, Philippines, Romania, Rwanda, Russia, Senegal, Slovakia, Somaliland, South Africa, South Sudan, Sudan, Syria, Tajikistan, Tanzania, Tunisia, Turkmenistan, Uganda, Ukraine, Uzbekistan, Vietnam, Zambia, Zimbabwe.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka dadkoodu deggan yihiin isla-markaana ka shaqaystaan Imaaraadka Carabta, balse sababta uu Imaaraadku uga reebay dalalka dadkoodu ku noqonayaan ayaa u muuqata mid siyaasadeed, maaddaama oo khilaaf culus ka dhexeeyo Dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.

Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa Toddobaadkan sheegtay inay Dawlad ku meel-gaadh ah u aqoonsatay Maamulka Farmaajo, maaddaama oo muddo-xileedkiisu dhamaaday, arrintaasi oo kor u si qaadday khilaafkii siyaasadeed jiray.

@Geeska Afrika Newspaper

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories