HomeIllaahay Dartii u Caawi Hooyo la Dhibaataysan Caruur Maskaxda ka Bukta oo...

Illaahay Dartii u Caawi Hooyo la Dhibaataysan Caruur Maskaxda ka Bukta oo Cunaya Biraha iyo khashinka jidhkooda ka soo baxa.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hooyo Xabiiba Aw Axmed Diiriye Waxay haystaa Caruur Maskaxda ka Xanuunsaysa oo ay tureen Waalidkii dhalay isla markaana  hooyadii dhashay Caruurtan lafteedu Xanuunsanayso halka Aabohood ku Xidhanyahay Wadanka Itoobiya. Nolosha Caruurtan yayar oo ay la soo Tacaashay hooyo Xabiiba  Aw Axmed ayaa Xaaladooda Caafimaad laga Dayrinayaa, Caruurtan oo kala ah Seddex wiil iyo gabadh dhamaantood  Maskaxda ka Xanuunsanaya (Waalan) kuwaasi oo Cunaya Waxyaabo noloshooda galaafan kara sida Biraha, Ciida, Qoryaha, dhagxanta iyo Wax kasta oo jidhkooda ka soo baxa sida Saxarada iyo kaadida.

Laba ka mid ah Caruurtan oo Warbaahinta la tusay Dhibaatada nololeed ee ku habsatay iyo Qoys ahaan Saamaynta ay ku yeelatay Xanuunka Caruurtaasi ayaa waxaa ka muuqday Darxumo aad u naxdin badan kuwaasi oo ku xidhnaa geed hoostii isla markaana aan haystay Xataa Dhar ay dhaxanta ka xidhaan, iyaga oo ay intaasi u sii dheertay in aanay awood u lahayn inay xajistaan kaadida iyo saxarada oo ay ku sii dayayaan meel kasta oo ay joogaan. Cudurka Caruurtan ku dhacay oo ay ku dhasheen Mid ku cusub Wadanka kuwaasi oo aan Awoodin Hadalka, iyo inay ka baydhaan dabka, biyaha, ooda, jarka, iyo baabuurta.

Hooyo Xabiiba Aw Axmed Diiriye oo soo korisay Caruutan oo ku Sugan Tuulada Jameecada ee Duleedka Magaalada Gabiley oo u Waramaysay Wariye ka Tirsan shabakada Gabiley News ayaa Sheegtay in illaahay mooyee cid wax kala qabatay aanay jirin dhibka ka haysta Caruurtaasi ay illaahay dartii ugu gargaarayso, iyada oo xustay in ay ubaahan yihiin Cusbitaal Badbaadiyada noloshooda oo halis badani ka muuqato.

Hooyadan oo sheegtay in aanay meelna ka tagi karin Caruurta sidan ah isla markaana iyaduba iska xanuunsanayso oo ay tahay qof wayn oo la daalaa dhacaysa koriinka Awlaadan masaakiinta ah ee Cudurku ku habsaday.

Hooyo Xabiiba Waxay muslimiinta ka Codsatay in ay garab ku siiyaan Badbaadinta Awlaadan mucjisada ah ee ubaahan in bulshadu wax ku qaadato iyada oo ka Codsaday in ay Qof kasta oo muslim ahi ku gargaaro wixii Awoodiisa ah ee uu uheli karo. Mucjisooyinka illaahay way badanyihiin, dhib kasta oo aan hore loo Arag waxa Wax lagu tusaa Bulshada ku xeeran in ay wax ku Qaataan, oo ay ugu damqadaan dadka Masaakiinta ah ee u baahan gargaarka, sadaqaduna ay ku baxayso, haddaba waxaa laga Codsanayaa Dadka Muslimiinta ah ee Fariintani soo gaadho in ay illaahay dartii uga Qayb qaataan Gargaarka Caruurtaasi Xanuunku ku habsaday, kuwaasi oo aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban Karin, Hooyada soo korisayna aanay Awood dhaqaale oo ay cusbitaal ku gayso iyo mid ay noloshooda ku dabarto midna u haynin.

Wixii Faahfaahin ah kala xidhiidh Tilifoonada hoos ku qoran:

0025-22-4044779 Aamina Maxamed

002522-4490999

ama ugu shub Dahabshiil Account GEBD-0227

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories