HomeILBAXNIMO!!

ILBAXNIMO!!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

 

Is baddalada nololeed ee aadamuhu waxay soo martay meerto nololeedyo kala duwan, midkastaana leedahay waayeheeda gaarka ah, balse taariikhdu marna ma hilmaamin haarihii iyo rafaadkii dadkii darjiidhay shuruucda Rabi “Subxaanahuu Watacaalaa” iyo waxkasta oo ay aadamuhu ku heshiiyeen dhexdooda oo waafaqsan waxyiga. Waxa xusid mudan in aan dhugano dhambaalka Rabi Kitaabka Kariimka ah iyo Sunaha sugan oo war oo dhami ku idil yahay.

Il’baxnimo waxaa loo fasiran karaan qeexid kala jaada kuna qotama umad walba caqiiddadeed iyo caaddadeed, balse Islaamka iyo dunida casriga ahi waxay ku kulansanyihiin in ilaalinta sharciga iyo ku dhaqankiisu yahay halkay ka biyo cabbto waxa la yidhaado ilbaxnimo hore iyo dambaysaba. Haddii tusaalaha uga habboon usoo qaaddano ee noloshan gaaban iyo nolosha dhabta ah ee geerida ka dambaysa, kuna bayaansan gabbagabadii waxyiga sammada ahna dastuurka caalamiga ah ee Allaah Subxaanah ugu talo galay in Dunida oo dhan lagu dhaqo, aayadihiisa waxaad ka dheehan kartaa amaanta dusha laga saaray dadka ku toosnaada waddadiisa toosan ilaaliyana xuduuda shareecadu u markasta iyo meelkasta, loona yaboohay guul adduunyo iyo mid aakhiraba, jano ku nagaadi doona. Dhinaca kasoo horjeeda waxaa goodi iyo dhaabad adagi hortaalaa cida ku xadgudubta xeerarka lagu dayray xuduuda rabi u dhigay aadamaha in aanay ka tallaabin, waxaana loo yaboohay hoog iyo hallaag ay u hayaamidoonaan Naaraha rabi, Allaah ha inaga dhawree.

Dhanka kale dardaarankii Rasuulku” Naxariis iyo Amaani Dushiisa ha ahaatee”, wuxuu ku qotamay in gaws dambeedka lagu qabsado Kitaabka Rabi iyo Sunihiisa sugan ee suuban, waxaan Dareemi karnaa qiimaha weedhahaasi qaaliga, oo tilmaan toosan u ah in la xejisto oo lagu dheganaado sharciga halka lagu qabanayaana aanay ahayn gacanta balse afka dalqadiisa halka ugu dambaysa ee gawsaha, si la inoo dareensiiyo ilaalintiisa gaarka ah iyo in lagu sugnaado sharciga Rabi, waana dardaaranadii ugu cuslaa ee gabagabada noloshii Rasuulka “Naxariis iyo Amaani Dushiisa ha ahaatee” sidaa daraadeed sharci kasta oo aan khilaafsanayn Kitaabka iyo Sunihiisa oo ummadi ku heshiisay in ay si habsamiya ugu wataan noloshooda, waxa dabar iyo dhaabad adag u ah in lailaaliyo waxa lagu heshiiyay, taasi oo sumad iyo tilmaan u ah in ummadaasi horumar diineed iyo mid adduunyaba gaadhay, ama mid adduunyo sida ummada gaalada ah ee ixtiraama shuruucda ay dhigteen,

Cumar ibnu khadaab markuu ka haddlaayay sharafta ama ilbaxnimo sida uu qofba u fasirto waxaa uu yidhi waxaanu nahay umad Allaah ku Ciseeyay Diinta, haddaanu ka daydayno sharaf meel aan Diinta ahayn Allaah wuuna Dulaynayaa sida hadda jirta. Waayo dadku waxay ku noolaayeen cahdi madaw oo ah is xukunka kaynta sida habar dugaag iyo waxay caga ku qaataan sharciga u yaalaana waa kaa xoog wayni oo kaliya taasi oo kale ayaa dunidan lagaga noolaa intaan iftiinka Islaamku soo shaac bixin, waxayna carabtu halhays u ahaa “haddaanad wax dulmiyin adigaa lagu dulmiyi, “ninkaan Darkiisa xoog ku ilaashan xoog baa laga dumini” sidaa daraadeed Cumar Ibnu Khadaab Allaah Raali ha ka ahaadee waxa uu ku ladhay noloshaasi in “ Islaamka waxa dhadhaminaya qof yaqaana Qadhaadhka Diin la’aanta”  hadal macnihiisu sidaasi udhawaa.

Tusaale kooban sida loo ilaalin jiray Sharciga iyo ka amarqaadashada Rasuulka Naxariis iyo Amaani dushiisa ha ahaatee, markii Dagaalkii huwantii isgaashaan buuraysatay kusoo duuleen Magaalo maddaxdii Rasuulka ee Madiina xaaladuna faraha ka baxday oo cabsi aad u xeel dheeri jitay, waxa uu Rasuulku “Naxariis iyo Amaani dushiisa ha ahaatee” waxa uu diray Saxaabi si uu war uga keeno huwanta waxaanu usheegay in aanu wax ficila samayn, markii uu dhextaglay waxa arkay hoggaamiyihii ciidanka Abuu Sufyaan oo intuu dhabarkiisa qaawiyay dab kulaalaya kaasi oo islaamku ka hadhsan waayay 23 sanadood intaanu islaamin, saxaabigii waxa uu isa saaray leebkii iyo qaansadii balse waxa uu xasuustay haddalkii Rashuulka “Naxariis iyo Amaani dushiisa ha ahaatee” waanu ka joogsaday ficilkiisii, bal jaaniskaa eeg iyo sida uu u ixtiraamay sharciga maantana xaalada waad arkaysaa in dad muslimiina dhiigooda si caddaana loo xalaashaday.

Waxaa sunne Rabaaniya ah in Allaah cidkasta oo Caddaalad dhexdooda ku dhaqanta aanu mulki’gooda dumin ilaa ay is dulmiyaan ama fasahaad xad dhaafa la yimaadaan waxaan taasi marag u ah waxa waaqaca yaala oo ishaa macalinay soomalidu tidhaa.

 

 
Qalinkii: Ahmed Ali Kaahin

 

ahmedckahin@gmail.com

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories