Home​ILAYN MADAXTOOYADU WAA XABSI , MADAX-WAYNUHUNA WAA MAXBUUS

​ILAYN MADAXTOOYADU WAA XABSI , MADAX-WAYNUHUNA WAA MAXBUUS

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Waxaa wakhti badan iyo dhaqale badan lagu lumiyaa in Madaxwayne la noqdo ,waxa aad arkaysaa wakhtiyadan aynu joogno in marka uu doonayo qofku in uu Madaxwayne noqdo in uu u maro dariiq kasta oo uu isleeyahay waxa aad ku gaadhaynaa Guusha Madaxwane nimada ,mararka qaar waxaba laga yabaa in ay ku kalifto in uu cid ku Dilo amma isaga lagu dilo Naftiisana qaaligana uu ku waayo.

Aduunkan aynu ku nool nahay waxa aynu ka wada warqabnaa in Ninkasta oo maanta madaxwayne noqday hadii aad waraysato Sababta ku kalifaysa in uu Madax Noqdo isla markana Umad dhan Masuliyadeedii uu madaxa u saaranayo ,waxa laga yabaa in uu kugu jawaabo si basiid ah,isaga oo ku odhanaya waxa aan rabaa in Dalkan iyo Dadkan aan horu-mar gaadhsiiyo.

Madaxda Afrikana waxaaba dhacda in Dal iyo Dad toona anay waxba uqaban .Qaarkoodna waxaba halis gasha iyagu Nafahooda. Ninka wadan Afrika Madaxwayne ka noqda waxaa khasab ku ah in marka u horaysaba uu Bulshada ka oodmo ,saamaystana cidgara oo isaga iyo Bulshada usoo kala waranta ,Run iyo Beenba .

Waxaa dhacda in Madaxwaynaha iyo Dhamaan qooyskiisuba ay ku oodnadaan, Go-doona ku noqdaan Gurigaasi madaxtoyada ,waxaa kaloo dhacda oo marag-madoona in Madaxwayne kasta oo Afrika jooga marka kaliya ee uu damco in Guriga uu ku jiro Dibada uga baxo ,waxa uu kaxaystaa Cidan xoogle ,malintaasi Madaxwaynahu uu Gurigiisa kasoo baxaa Dadwaynahasi Magaladasi ku Nool waxaa soo wajahda xaalad aad u adag,,marka aad Dadka Su’aal waydiiso ee aad tidhaa maanta maxaa dhacay ilayn waatan ,Magaladii Kacsane sane ,waxa ay kugu Jawabayaan,MADAXWAYNIHII AYAA QASRIGA KASOO BAXAY !!

Arin taasi oo noqotay mid la isla yaqano ,waxa kaloo intaasi dheer bixitaanka Madaxwaynahu Guriga kasoo baxaa waxa ay Malintasi Suuq seejisaa Kumaan kun Dad , iyada oo Baaburtiisa sida Xawliga u socotaa ay Dadka waxyelaan,taas waxaba kasii daran Argagaxa la galinaayo shacbiga, iyada oo Waddo kasta la dhigaayo Cidan iyo Milatari ,Magaladiina ay u ee kanayso mid BANDOO AH ,Dariiq-yada qaarkoodna waxaad ku dhafaysaa Daa’imoow magan , balse Ninkaa madaxwaynaha ahi Marka uu Madaxtoyadiisii ku noqdo ayaa magaladuna Miyir-ugu horaysa ,bal muu kaba joogo.

Qoralkaygan ugama jeedo in Madaxwayne gaar ah aan ku Calamadinayo arintan lakiin waa arin Dhamaan Afrika oo dhan u ah Astaan lagu yaqaano.Somalina ay kaba sii xaq jirto, mararka qaar waxa aan is waydiiya maxaa sababay arimahan:-

a) Ma Ninkan Madaxwaynaha ah ayaa Dadkisa Godob ka galay oo tasaa ka lifaysay in uu baqdo

b) Ma markan uu Kursiga Madaxnimada radinayo ayuu dadka u kala qaybinaya Qabiil iwm

c) Ma Dad kaa xun oo madaxwaynahooda ay Shalay jeclayeen maantana Coladinaya?

d) Ma Kibir iyo isla wayni ayay ka tahay oo waaba Astaan lagu faano Ciidanku iyo Digdigto.?

Hadaad aragto Wadamada Yurubta iyo Wadamada aduunka u waawayn sida Maraykanka iwm ma arkaysid cid muuqata oo aad isleedahay Madaxwaynaha way ilaalinayaan ,marka ay Suuqyada iyo bananada usoo baxaan ,hadii cidi baqanaysana iyaga baqan lahaa ,oo Dunida oo dhan godob ka galay ,balse madaxdooda si Farsamaysan ayaa loo ilaaliya,ee maha teenan I ARKAAY I MAQLAAY GURIGII WAAN KASOO BAXAY !!! ma cadawbuu iska ilaalinayaa mise wuu isugu baqayaa ??

Hadaba Malin Maalmaha ka mida ayaa waxa Magalo Afrika ku taala waxaa ka dhacday in Nin ka mida ragii Madaxwaynaha codka siiyay ayaa waxa uu damcay in Maanta uu soo salaamo Madaxwaynahii uu Codka siiyay , isna bartaan wakhti yarna uu lasoo Sheekaysto.

Waxa uu tagay Guriga Madaxwaynaha amma Madaxtooyada, Albaabka markii uu istagay ayaa sida cadada inoo ah waxaa kusoo Cararay Raxan ilaaladii Madaxtoyada ah, Ninkii waa la Hatigay waana la riixriixay kadibna waxaa lagu yidhi Maxaad halkan kasoo doontay ee ku keenay ? kadibna waxa uu ku jawabay isaguu Argagaxsan waxaan rabaa Madaxwaynaha ,oo waxaan ahaa Dadkii Codka siiyay, waxanan rabaa in aan soo salaamo .

Waxaa loogu jawabay LAYSUMA OGOLA OO MEESHANI WAA MADAXTOYADII ,HADANAD HALKAS KA BIXINO WAANU KU XIDHI !! waa uu fajacay ,waayo si fican ulamay hadan ,intii yaarayd ee uu meesha taagna waxaa ku dhacay Laad iyo Dhirbaaxo, kadibna inta uu ka dhaqaqay ayaa waxa uu yidhi,WAAR MEESHU WAA XABSI , MADAXWAYNUHUNA WAA MAXBUUS.

W.Q :Qareen/ Khadar Ibrahim Aar

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories