HomeILAALINTA SIRTA (Q2aad) – W/Q: Farhan Mohamed Sultan (Rakad)

ILAALINTA SIRTA (Q2aad) – W/Q: Farhan Mohamed Sultan (Rakad)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ilaalinta sirtaIlaalinta sirtu waxay muhiim u tahay qofkasta, shirkadkasta, dawladkasta iyo hawl-kasta oo la rabbo in sirteeda la ilaaliyo.

Ilaalinta sirtu waxay sababtaa in kalsooni buuxda lagugu qabo lagu aamino, lagula tashado, se haddii sirta la ilaalin waayo oo aad noqotid qof aan sir lahayn marka koowaad adiga waxa ku niyad jabin doonna jawaabaha kaaga soo bixi doonna ciddii aad sirta la wadaagtay Tusaale ahaan haddii aad fikir ganacsi haysid, cidkastanna aad la wadaagtid ka dibna adigoo fikirkii haya isla fikirkaagii lagugu dul furo taasi waxay sababaysaa nijadjab iyo calaacal aan joogsi lahayn, sirtu maaha in waxkasta la qariyo se waa in waxkasta lala wadaago cid lagu kalsoon yahay oo aan adiga cadaw kugu ahayn, waa inaad aqoon fiican u leedahay cidda aad wax u sheegaysid, waa in aad ku kalsoon tahay, waa in ay ciddaasi tahay cid aqoon u leh sirta aad la wadaagaysid.

Bal ila akhri dhacdadan yar , Waxay ahayd shaqaale in badan shaqodoon ahaa ka dibna waxay shaqo ka heshay shirkad ka mida shirkadaha dalka, sharciyaddii iyo heshiisyaddii lala galay waxa ka mid ahaa ilaalinta sirta  shirkadda,  se way  ka siibbatay waxaannay si kalsooni leh ula wadaagi jirtay shirkadii tartanku ka dhexeeyay , maalinkasta waxay la wadaagtaa shirarka la gallo iyo hadafyadda la dajiyo,  cidda ay sirta la wadaagaysaa waa shirkad kale oo tartan adag kula jirta shirkadda ay ka shaqeyso se shirkaddani waxay si joogtaa uga heshay sir iyo qorshayaal  aannay waligeed hesheen, waxay si joogtaa oo saaxiibtnimo leh u warraysataa inantan shaqaalaha ka ah shirkadda kale  taas oo aanney dareensiin in sheekadda iyo warreysiga lala wadaagayaa ay sir u tahay shirkadda, markasta oo jaanis iyo kullan lala yeesho waxa laga warraystaa heerka shirkadda iyo waxa ay qorsheynayso, maalintii ugu qiimaha badnayd waxay fashilisay sirtii ugu fiicnayd ee shaqada lagaga joojiyay taas oo ahayd in ay sheegtay adeegyo cusub iyo siro muhiim u ahaa shirkadda oo ay shirkadeedu ku hawlan tahay ka dibna waxa lagu war hellay shirkaddii oo adeegyaddii lagaga  horreeyay iyo  in inantii shaqaalaha xafiiska ahayd oo saaxiibtinimo  ka dhaxayso shirkaddii uu tartanku ka dhexeeyay baadhis dheer iyo cadeymo badan ka dib  oo la ogaaday shaqadiibba waa laga joojiyay, niyad jab baddan ka dib waxay miciin biday Tahriib nasiib xumo se gaadhin ayaa la dhacay.

Waxaan uga socdaa shayga sirtu waa shay muhiimma taas oo ilaalintiisa lagu kala duwan yahay  xag dhalasho iyo xag barasho labadaba, muhiimadda aynu qormooyinkan u qoraynaana  waxa weeye in qofkastaa ilaaliyo siraha soo galla mid shaqo, mid shaqsi, mid dawlad, mid bulsho iyo midkasta oo sabab u noqon karta dambi iyo isku dir bulsho, dawlado iyo ciddii ay quseysaba.

Kaliya dhagayso, kaydi unna adeegso qaabka loogu  tallo gallay iyo cidda loogu tallo gallay se innaga soomaali ahaan haddii waddankaba la iibsannayo sirtiisa si fudud ayaa loo helayaa iyadoo laga hellayo xattaa maamulka ugu sarreeya si aad wax badan u fahantid muhiimadda ay leedahay Sirtu waxaad wax badan ka fahmaysaa Akhriska Buugga Amiin Al Mufti.

Haddii sir lagugu aaminno ciddii kugu aamintay oo kaliya la wadaag , haddii aad sir heshid xagga wanaagsan oo kaliya ka istaag ha iskunna dayin in aad cidda ay quseyso fashiliso ama ugu awood sheegatid.

Haddii aad sir haysid cidkasta ha la wadaagin kaliya cidda ay quseyso, iyo cidda aad ku kalsoon tahay, wakhtiyadda aad u sheegaysidna waxa lagaaga baahan yahay in aad aad uga digtid in aannay dhaafin si aannay caqabad iyo dhib u abuurin, sidoo kale haddii aad sirta baabiin kartid waa qaabka ugu wanaagsan ee aad khayr iyo xasanaadba ku hellaysid waayo haddii aad hal qof la wadaagtid sirtaasi way socotay.

Dhibka ay leedahay Sir la sheegaa waxa ay sababi kartaa, dil, dhac, dhaawac iyo isku dhac dawladeed , ilaalinta aad ilaalsidna waxay sababi kartaa heshiis, wadda noolaansho iyo saaxiibtinimo fog.

Shaqaale badan oo aan arkay waxa shaqadda lagaga joojiyay siro  xafiis oo ay bixiyeen,  haddii aad shaqaale shirkadeed, dawladeed  aad tahay markasta ilaali sirtoodda iyo hadafyadooda shaqo ee ay sammaystaan taasi waxay abuuraysaa in lagu dalacsiiyo oo wax badan lagaala tashado.

Dadka inta badan siraha sheegaa waxa ay noqdaan kuwo aan ciddina la tashan, ciddina waxba waydiin waayo waxa suuqa ugu jira hebel/heblaayo waxba ha iskaga sheegin taasina shaqsiyan  iyo bulsho ahaanba waa kugu nusqaam.

Haddii aad sir heshid, ama aad aragtid, ha laguu sheego ama yaan laguu sheegin markasta qariya oo naftiinna bara in siraha bulshada iyo halka aad ku nooshahayba quruxdeedu tahay in la ilaaliyo oo la xiftiyo.

 

Hadafkii aan ka lahaa ilaalinta sirtu wuxuu ku soo koobmayaa inaad ilaalisaan sirta naftiinna , dalkiinna, diintiinna, dhulkiinna, shaqaddiinna iyo sirkasta oo muhiim intaa aan kor ku soo sheegayba si aad u noqotaan kuwo ilaaliyay sirkasta oo soo gasha.

Dhammaad.

 

Facebook: Rakad Mxd Sultan

Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)

farxaanmxd@gmail.com

Article: 322

Berbera

Tell:- 063-4400319

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories