HomeIla Tali!

Ila Tali!

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Laydhka ama korantadu aad ayay gabaabsi u ahayd waayadii hore. Waan xasuustaa gooraha ay qorraxdu godkeeda sii galayso, ayaa uu laydhku soo dhici jiray. Badi dhallinta xaafaddu

waxa ay isku arki jireen oo lagu soo ururi jiray guriga reer Maxamed oo Tv yaallay. Waa waayadii dagaalka Ciraaq bilaabmi doono, ma ay sii fogayn.

Maalintii iigu farxadda badnayd, runtii marka aan dib u jalleecana aan garwaaqsado in ay ahayd maalin ku suntan dhagarteeda, waxa ay ahayd maalintii waalidkay oggolaaaden in Tv guriga la keeno. Waa waayadii dagaalka Ciraaq bilawday. Waan ku garaadsaday daawashadiisa, run ahaantiina TV-gu waxa uu si baaxad leh uga qayb qaatay hab nololeedkayga, hab u dhaqankayga, iyo waliba si u aragayga. Maalinba flimka ama waxa aan habeenkii tagay daawaday ayaan ka tusaalo qaadan jiray. Aad ayaan u jeclaa ku ciyaarista bastooladaha carruurnimadii, imikana hadalkeedaba daa, ta runta ah ayaan u xadhko xidhanahay soo iibsashadeeda.

Dhab ahaantii TV-gu waxa uu noqday halka kali ah ee aan xogta ka qaato, sida caadada inoo ahaydna waxa aan aad u daawan jiray filimmada dagaalka ah. Aad ayaan u jeclaaday dagaalka, mar walba waxa maankayga ka guuxi jiray sidii aan wax u dili lahaa, dagaalkayguna aad ayaa uu u batay.

Markii aan koray ee caqli iyo cilmiba ii kordhay, kollay waa dariiq badankeennu soo mareen’e, waxa aan gaadhay da’dii aan ka tashan lahaa timaaddadayda, go’aanna ka gaadhi lahaa, mihnaddi aan timaadada ku shaqo tagi lahaa. Fikir aan muddo dheer qaadan, waxaan ku go’aansaday, Askarinimo! Waxyaalaha aan ku doortayna dhammaan waxa ay ku salaysnaayeen waayo’aragnimodii aan ka dhaxlay daawashada Tv-ga. Mar kasta oo aan daawado filim Askarigu waxa uu ahaa kii guulaysta, waxa uu ahaa geesiga aan baqin, waxa uu ahaa ka awoodda badan leh, kana suurtawdo arrimmo badani. Haddana fikir dheer kadib oo qaatay sannado waxan garwaaqsaday, mihnadda Askarinimo in aanay ahayn mid ku habboon halkan aan ku noolahay, oo ay aad u halis badan tahay. Runtii askarinimadu waxa ay ahayd riyodayda kali ah, se waayaha iyo duruufta uu ku nool yahay askarigeennu markii aan u fiirsaday waxaan garwaaqsaday in aanan marna ka helahayn mihnadda askarinimada noloshii aan rabay.

Kollay haddii la noolyahay, isbaddalku waa muhiim. Mar qofku isbaddalo, mar muuqaalkiisu is baddalo, amaba fikirkiisu iyo mar waayuhu is beddala ba.  Muddo yar kadib waxan go’aansaday in aan barto mihnad cusub oo ah ‘Chemical Engineering’ (Mareegta Weedhsan.com ayaa qoraalkan lagu baahiyay) oo runtii ah mihnad aad u qaali ah. Maxaa yeelay, waxa aan garawsday in askarinimadu tahay mid aanan ka guul gaadhi karin, sidaa awgeed waxaan garwaaqsaday in aan barto mihnaddan cusub si aan timaaddada ugu shaqo tago. Se run ahaantii markii aan aad u dhuuxay, filimmo badanna aan daawaday waxaan ogaaday in barashada mihnaddan cusubi ay aad uga khatar badan tahay tii hore, filim kasta oo aan daawado oo ka hadlaya ama laga matalay argagixiso, waxaan arki jiray iyaga oo  afduubanaya qof aqoon u leh mihnaddan aan maanka ku hayay barashadeeda. Intaa kadib, waxan haddana mar labaad go’aansaday in aan iska illoobo barashada mihnaddan aniga oo ka duulaya fahamka ama aragtida aan ka helay daawashada filimmo badan oo aan ka daawaday Tv-ga. Hadda ogow oo daawashada filimmadu waa ta kali ah ee saamanaysa is badbaddalka, aragtidayda ama si u araggayga timaaddada amaba mustaqbalka, mana jiro wax kale oo saamayn igu lihi.

Mar saddexaad waxaa is baddalay si u araggaygii. Waxa aanan mar saddexaad go’aansaday in aan barto mihnad kale oo la yidhaa iyadana Petroleom Engineering. Waa maaddo aad u fiican, run ahaantiina ah mid Soomaalidu u baahan tahay. Waan is baddalay, waan waynaaday, mana ihi qof Tvga uun wax ka qaata, se markii aan la tashi badan sameeyay, talooyin bandanna ururshay, waxan ogaaday, in mihnaddani tahay mid aanan marnaba kaga shaqaysan karin waddankayga waqti xaadirkan. Maxaa yeelay Somaliland oo dhan ma laha wax soo saaraa dhinaca shidaalka ah ama khayraadka dabiiciga ahba. Aakhirkiina waxaan garwaaqsaday in aan barashada mihnaddani faa’iido ii lahayn.

Haddaba akhriste waxaan kaa codsan laha hadii aad wax khibrad ah leedahay ila tali, maxaad igula talin lahayd in aan barto?

Taladaadu waa ii muhiim, waxaanad talada iigu soo hagaajin kartaa Emailkan: cab_dir@hotmail.com.

Cabdiqani Iid Cilmi

Email:cab_dir@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories