HomeIiraan Oo Ka Qaybgalaysa Shirka Degdega Ah ee Dalalka Islaamka Oo Ka...

Iiraan Oo Ka Qaybgalaysa Shirka Degdega Ah ee Dalalka Islaamka Oo Ka Dhacay Sucuudiga iyo Xiisada Labada Dhinac

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Dowlada IRAN ayaa wafdi u dirtay dalka Sucuudiga si ay uga qeyb galaan shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan dalalka xubnaha ka ah ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka OIC oo ka dhacaya magaalada Jeddah.

Wafdiga IRAN ayaa waxaa hogaaminaya Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibada Abbas Aragchi oo ah mas’uulka u qaabilsan Sharuucda Caalamiga ah, isla markaana ah nin ku xeel dheer dhanka gorgortanka.

Shirka ka dhacaya Jeddah ayaa si gaar ah looga hadlayaa xiisada ka dhex taagan wadamada Sucuudiga iyo IRAN. Shirkan ururka OIC ayaa lagu wadaa inuu furmo maalinta Khamiista ah.

Abbas Aragchi ayaa kamid ahaa diblumaasiyiintii IRAN ee wax ka dhisay heshiiskii Barnaamijka Nukliyeerka ee dhexmaray IRAN iyo dalalka Reer Galbeedka, waana wafdigii ugu horeeyey oo ka socda Dowlada IRAN oo taga Sucuudiga tan iyo intii ay siixoogeysatay khilaafka labada dal kadib dilkii wadaad shiico ah oo ay xukuumada Sucuudiga qisaastay.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sucuudiga Adel Al-Jubeir ayaa ka codsaday Xoghayaha ururka OIC Iyad Madani in shirkan deg dega ah la isugu yimaado dalka Sucuudiga.Boqortooyada Sucuudiga ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waday olole diblumaasiyadeed oo ka dhan ah wadanka IRAN, waxaan todobaadkan soo shaacbaxday in Sucuudiga dowlada Soomaaliya uu siiyey $50 milyan si ay xiriirka ugu jarto dowlada IRAN, sida ay baahisay wakaalada wararka ee Reuters.

Dhinaca kale dowlada Pakistan ayaa war ay soo saartay shalay ku sheegtay inay diyaar u tahay inay wadankeeda ku qabato shir ay ku dhex dhexaadineyso IRAN iyo Sucuudiga.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories