Home"IGAD Waxaan Leeyahay Marnaba Ha Isku Khaldina Somaliland Iyo Somalia" Wasiirka arrimaha...

“IGAD Waxaan Leeyahay Marnaba Ha Isku Khaldina Somaliland Iyo Somalia” Wasiirka arrimaha dibada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa  (SL.Post) Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire,  ayaa ka hadlay Shirka IGAD ee shalay ka furmay Muqdisho, waxaanu sheegay in Shirkaasi aanu ahayn mid Somaliland khuseeya, waxaanu IGAD iyo Beesha Caalamkaba ugu baaqay inay tixgaliyaan madax banaanida iyo jiritaanka Somaliland.

 

sacad-cali-shire-310x207

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika oo aanu arkan ka soo xiganay, ayaa sidoo kale sheegay in saxaafadda iyo Xukuumadda mid walba looga baahanyahay inuu ilaaliyo  Dastuurka iyo xuquuqda ay leeyihiin,  waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, Wasiirka oo aanu ugu horeyn wax ka weydiinay Shirkan IGAD ee ka furmay Muqdisho ayaa yidhi “Shirka IGAD ee ka furmay Muqdisho, kamuu furmin Somaliland ee Somaliya ayuu ka furmay, kamana xumin, balse IGAD waxaan leeyahay marnaba ha isku khaldina Somaliland iyo Somaliya, waa laba wadan oo kala madax banaan, IGAD oo qudha maaha ee Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika iyo guud ahaan Beesha Caalamka waxaan leeyahay jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland waa muqadas wax walba iyo shuruud walba oo Wadan looga baahan yahayna waanu fulinay, oo waanu buuxinay, ee marnaba ha nagu khaldina Somaliya, waxaana mar walba wanaagsan in lagu soo dhawaado xaqiiqada Somaliland waa wadan jira oo xad caalamiya leh, oo Calan leh, oo Ciidan leh oo Dastuur leh, oo Madaxweyne leh, oo Maxkamad leh oo Barlamaankiisa leh, haddii aanu nahay Somaliland waxaanu doonaynaa in aanu Somaliya noqono Wadan aanu jaar nahay, oo uu naga dhexeeyo wanaag, oo aanu ku wada noolano jaarnimo iyo xidhiidh wanaagsan”.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Kenya iyo Somaliland ayaa yidhi “Kenya waa Wadan cilaaqaad taariikhiya aynu leenahay,waxa Kenya ku nool dad badan oo reer Somaliland ah, halka dad badan oo Kenya u dhashayna ay ka shaqeeyaan Somaliland, waxaanu doonaynaa in xidhiidhka inaga dhexeeya Kenya in aanu sii xoojino dhinaca walba, haddii ay tahay adeegyada arrimaha Bulshada, Waxbarashada iyo dhinaca walba, mana haboona inay Somaliya ka xumaato xidhiidhka labada dal”.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu mar uu ka hadlaayey Saxaafadda Somaliland ayaa yidhi “Saxaafaddu waa rugni muhiim u ah nidaamkeena siyaasi ee aynu qaadanay, Dastuurkana qeexaya xuquuqda Saxaafaddu leedahay, xaqa iyo xuquuqda ay Saxaafaddu leedahay, Dawladduna waa inay ilaaliso xaqa lagu leeyahay, Saxaafadduna waa inay ilaaliso milgaha iyo xaqa lagu leeyahay,waxaana labada dhinacba looga baahan yahay in masuuliyad la isa saaro sidii loo xaqiijin lahaa qodobada Dastuurka ee khuseeya”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiska Dekadda Berbera oo uu sheegay in wax weyn ka tari doonto horumarka iyo dhaqaalaha dalka.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories