HomeICTIRAAFKU MAANTUU AGTEENA YAALLAA EE MA KA BADHEEDHNAA?

ICTIRAAFKU MAANTUU AGTEENA YAALLAA EE MA KA BADHEEDHNAA?

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Inkasta oo la moodayey inuu dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyey quwadaha waaweyn ee adduunku inuu dhammaaday 1989kii, ayaa haddana aanay quwadaha ku hirdama hoggaaminta dunida ee ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Ruushku midkoodna aanu si niyad-sami ah gacmaha uga laaban sidii caalamku uga nasan lahaa dagaalkaas. Illaa 25 sanno ayaa dunidu ku wada nooleyd jawi xasilooni,nabad iyo fara-gelin la’aan lagu tilmaami karo, hase yeeshee wixii muddadaa ka dembeeyey ayaa waxa mar kale dunida dib uga soo cusboonaaday dagaalkii qaboobaa, kadib markay quwadaha waaweyn qaar ka mid ahi u sheegteen cudud Millateri dalalka dunida qaarkood, iyagoo ka eegaya kaliya geesta danahooda ay ka arki karaan.

Dalka Ruushka oo uu hadda ka taliyo hoggaamiye Valadamir Putin oo ka mid ah raggii KGB-da ahaa ee ku dhex koray nidaamkii shuuciyadda ee dalkii Midowga Soofyeeti oo lagu tiriyo, inuu yahay shakhsi si adag uga soo horjeeda siyaasadaha reer galbeedka, isla markaana si aad ah u far yaqaan siyaasadahooda, ayaa waxa uu xoog ku galay dalka Georgia iyo qeybaha ka mid ah dalka Ukraine oo labaduba hore uga tirsanaan jiray dalkii burburay ee la odhan jiray Midowgii Soofyeeti, waxanu Crimea oo ka mid ahayd dalka Ukraine, kuna taal goob Istraatiji uu Madaxweyne Putin ku darsaday dalkiisa. Geesta kale waxa uu Putin si buuxda u gacan siiyey haatan Madaxweynaha dalka Suuriya oo intaanu usoo gurman ka hor laga qabsaday dalka intiisa ugu badan uguna muhiimsan, gaar ahaana dulka shidaalka laga soo saaro. Sidoo kale waxa uu mar walba awooddiisa siyaasadeed la barbar taagan yahay dalka Iiraan oo hadda laga qaaday cunaqabatayntii saarnayd muddada 30ka sanno ka badan. Madaxweynaha dalka Ruushku waxa kale oo uu isbahaysi ballaadhan la samaystay dalal ka mid ah Aasiya oo uu Shiinuhu ugu awood weyn yahay xag dhaqaale iyo Millateriba, waxana loogu yeedhaa[Eurasian] oo ay ku jiraan India iyo Brazil.

Hoggaamiyaha Ruushku waxa uu tallaabooyinkan ku dhaqaaqay kadib markuu si casriya u hormariyey Ciidammadiisa dhinac walba, gaar ahaana dhinacyada cirka, dhulka iyo badda, isagoo ka faa’iideystay dhawr labaatankii sanno ee uu yara hakaday dagaalkii qaboobaa oo lagu jebiyey Midowgii Soofyeeti iyo xulafadiisii ay ku bahoobeen Ururkii WARSAW. Muddadaa waxa ay hoggaamiyayaashii dalka Ruushku daawanayeen xulafadoodii Yurubta bari oo maaliba mid lagala hoos baxayo oo lagu darayo dalalka ku bahoobay [EU] midowga Yurub.

Putin isagoo xusuusin siday u galeeb reer galbeedku, ayaa uu isna maanta oo uu awood Millateri yeeshay ka dhex toosay Gobolka bariga dhexe oo kaga yaal dunida meel istraatiji ah, isla markaana hodan ku ah xagga shidaalka, waxayna haatan reer galbeedku marti uga yihiin Gobolka oo aan loogu iman jirin kheyraadkiisa Madaxweyne Putin, iyagoo ka baryaya sidii nabad looga dhallin lahaa colaadaha murugsan ee faraha lagaga gubtay ee ka aloosan Gobolkaasi, taasna waxa lagu gaadhi karaa oo kaliya marka la aqbalo danaha cusub ee uu Putin ka leeyahay Bariga dhexe.

Haddaba, anigoo soo koobaya mawduucan, idiina soo dulmaray sida uu uu dunida uga soo cusboonaaday dagaalkii qaboobaa, ayaa waxan yara iftiiminayaa dulka Istraatijiga ah ee ay ku taal Jamhuuriyadda Somaliland oo ah goob ku wajahan gacanka biyo mareenka Khaliijka iyo ka badda casba oo ah dhuunta uu ka kala goosho ganacsiga Caalamku oo uu kow ka yahay shidaalku. Waqtiyadii hore ee uu dalkani iskii u raacay Soomaaliyadii Talyaaniga ee uu ka wada talinayey Taliskii uu Siyaad Barre Madaxda ka ahaa, waxa ay hadba wixii dano ah ee ku adkaada sida saanadda Millateriga iyo kuwa kale oo badanba ku goosan jirtay Gobolkan, gaar ahaana dhulka xeebaha oo ay Berberina saldhigga u ahayd, iyagoo Mareykanka iyo Midowgii Soofyeeti hadba kii u roon heshiis la geli jireen.

 Qiimihii Istraatijiyadda ee ay lahayd xeebteena dheeri mar kale ayey maanta nasiib wanaag dib usoo laabtay, mar hadduu Gobolka bariga dhexe ka bilaabmay ku hirdanka quwadaha waaweyni, sidaa awgeed waa lagama maarmaan inaan sida ay tahay uga faa’iideysano fursaddan qaaliga ahi inta aanay libdhin ee ay taagan tahay. Waxa kaliya ee loo baahan yahay marka hore waa iyadoo ay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland maqashiiso caalamka, inay wax ka beddelayso siyaasadeediii dibedda, ayna qorsheynayso siday xidhiidh ula yeelan lahayd dalal ka taageeri kara dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha oo ay ugu horreeyaan Ruushka iyo Shiinaha oo waxyaabo badani ka dhaxeyn jireen ama in si hoos ahaana wefdi muddakar ka ah dhinaca diblomaasiyadda loogu diro dalalkaa oo aan hubo haddii hadda lagu dhaqaaqo inta uu taagan yahay qalalaasaha Bariga Dhexe inay wax badan ka tari doonto Ictiraafkeena iyo arrimo kale oo fara badan, waayo waxa horeba loo yidhi[ Ama buur ahaw ama buur ku tiirsanaw.], Carabna taladaa oo qudha ayaan kula gorgortami karnaa. Adduunku waa dano lays dhaafsado oo weliba qaarkood waqtiyeysan iyo kuwa dhaadheer, sidaa darteed maadaama aan muran ka taagnayn in maanta quwadahaa waaweyni baahi u qabaan istraatijiyada aan u leenahay marxaladdan iyo kuwa kale oo dembeba, sidoo kalena aan innagu baahi u qabno helitaanka ictiraaf oo ku jira gacantooda, waa waajib saaran masuuliyiinta hoggaamiya qarankan inay u maraan dariiuq kasta oo u banna
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories