Home"Huwanta la sheegayaa waa qayb Al-Shabaab ah iyo Puntland" - Madaxweynaha Somaliland...

“Huwanta la sheegayaa waa qayb Al-Shabaab ah iyo Puntland” – Madaxweynaha Somaliland Oo Fasiray Wejiyada Dagaalka Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar kale ku celiyey inay gobolka Sool ka dagaalamayaan Kooxda Al-shabaab iyo maamul-goboleedka Puntland oo taagaeeraya maleeshiyo-beeleed u dhashay deegaanka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta hadalkan ka jeediyey kuliyadda tabobarka Ciidanka ee Cabdilaahi Askar ee Dararweyne oo tabobar loogu soo xidhay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo dhamaystay carbis ciidan oo muddo dhawr bilood ah uga socday Dugsiyada tabobarka Ciidammada Qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in ujeeddada ka dambaysay dagaalka Laascanood ahayd in dagaallada iyo nabad-gelyo-darrada ka jirta Soomaaliya loo soo waarido dhinaca Somaliland, taas oo ay qayb ka yihiin kooxaha argagixisada ah iyo khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliiya ka jira.

Madaxweynuhu waxa uu fasiray magaca Huwanta oo lagu suntay Kooxo kala ujeeddooyin ah oo Isku urursaday magaalada Laascaanood, kuwaas oo dagaal kula jira Ciidanka Qaranka Somaliland.

“Huwanta la sheegayaa waa qayb Al-Shabaab ah iyo Puntland oo doonaysa inay qaab qabiil ku sameeyaan maamul aan Somaliland ahayn, Soomaaliyana ahayn balse Hayb ku dhisan, taasi maaha mid suurto-galaysa,”sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Md Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in Somaliland dhexdeeda xal u raadinayso khilaafka siyaasadeed ee dhex-yaalla Xukuumaddiisa iyo Shacabka Gobolka Sool.

“Ciidanka Somaliland meel uu joogo waxyeelayn maayo qof Somaliland ah, waanu ka xun yahay khasaaraaha gudaheenna ah ee ay wadaan dad ku soo duulay Laascaanood oo aan u tudhayn oo ay ka mid yihiin maamulka Puntland iyo qaybo Al-Shabaab ah ee immika doonaya inay ku sii fidaan,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland oo intaas ku daray inaanay marnaba oggolaanin doonin inay kooxaha xag-jirka ahi fadhiisimo ku yeeshaan Somaliland.

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyey magaalada Laascaanood kula dagaalamayey Malleeshiyo-beeleed u dhashay gobolka Sool oo taageero ka helaya Kooxo Argagixiso ah iyo Maamul-goboleedka Puntland oo udub-dhexaad u ah dagaalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories