HomeHURGUMO (GABAY)- W/C: Xiis Maxamed Cilmi (Shanfool)

HURGUMO (GABAY)- W/C: Xiis Maxamed Cilmi (Shanfool)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabaygan Waxaa La Yidhaahdaa Hurgumo Waxaa Curiyay Abwaanka Da.Da Yar Ee Xiis Maxamed Cilmi (Shanfool) Gabaygan Hurgumo Wuxuu Ka Hadlayaa Taariikhda Halgankii Dib U Xoraynta Dalkan Somaliland Loo Soo Maray Isagoo Si Gaar Ah U Xusaya Bisha May Oo Ah Maalin Qiimo Badan Ugu Fadhida  Dalka & Dadka Reer Somaliland,

Gabaygan Hurgumo Wuxuu Ka Mid Yahay Gabayada Ugu Caansan Ee Loogu Jecelyahay Murtida Hal Abuurnimo Ee Abwaan Xiis Maxamed Cilmi.

Sidoo Kale Isaga Qudhiisa Ayaa Xusay Inuu Yahay Ahminka Fan Suugaaneedkiisa Ee Uu Sida Gaarka Ah Ugu Dhaato,

Gabaaygan Oo Aan Hore U Gelin War Baahinta Isagoo Qoraal Amaa Cod Duuban Ah Balse Abwaanku Wuxuu Xaflado Badan Ka Tiriyay Wakhtigii Uu Ololaha Xisbiga Kulmiye Ku Jiray

Xusbigaas Oo Uu Abwaanku Ahaa Taageerayaashii Xag Jirka Ahaa Ee Xisbiga Kulmiye Bilowgii Ilaa Dhamaadkii Ololayaasha Taageero Doon Aakhirkiina Ku Noqday Xisbi Muxaafida Oo Talada Dalka Qabtay Lagunaa Doortay Madaxweynaha Imika Talada Haya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Haddaba Gabaygan Wuxuu Abwaanku Curiyay 23kii May 2008 Maalin Jimce Ku Beegnayd, Waxaanu Yidhi Sidan Hoos Ku Qoran.

  1. Markay hugunto xaajadu ragbaa haamo buuxsada,e.
  2. Nin hal qudha adduunyaba lehoo haynta kaligeed ah.
  3. Haddii ay hadaan kaga dhacdoo halaq kasoo jeesto.
  4. Hamaasade libaax iyo dhurwaa lagu hareereeyo.
  5. Hogga ugu badheedh iyo si kale hawl u fuliyaaba.
  6. Wuxuu horre gadaal dibu u socod hilinka jeesjeesto.
  7. Ama gogosha laalaadsho uu hoosta ka gunuuso.
  8. Hanfi iyo wuxuu gaajo maro amase haydaaro.
  9. Mar uunbuu hantiyi geesigii aan heddii geline.
  10. Hawl yari kumuu iman dalkani dib u haleelkii.
  11. Ragbaa hilib dalqaha kula xarbiyay horor liqiisiiye.
  12. Hub la riday dagaal hooto waran laysku hadateeshay.
  13. Haab shidan hilaac qiiq watoo aradku huuboobay.
  14. Halis dhagara hadalkoo la jaray hoosna laga shawray.
  15. Hamad go,ay haraatidi ku tiil hebel gartii sheegtay.
  16. Halyay lee’day haadkoo ku shiray hilib la googooyay.
  17. Habaar ooy dulmigi hara jabee hooyga lala jiifay.
  18. Hujuun nacab hantida shacab la dhacay oo la halan beeyay.
  19. Qoys nabad ku hoydoo mar qudha hobiye baabiiyay.
  20. Hebel sheeg halkeebuu jiraa hooyo lagu toogtay.
  21. Hangash iyo basaasiin bulshada duuba hadalkooda.
  22. Holi xamar hargaysana duqee haaruf lagu jiidhshay.
  23. Habar habarti loo kala jabiyo haaligii caddowga.
  24. Hayaay iyo tolaaydii dhacdee layska hadhi waayay.
  25. Halkan dega hadhoowtana ka guur maati habaqlaysay.
  26. Hirig mari qaxoontiga haligan maxas haraad laayay.
  27. Hiirtaanyo nagu raagtay iyo nabaro haaraystay.
  28. Hunguftiga cadaawuhu wuxuu nagu hantaaqeeyey.
  29. Hoog iyo cadaabtii ifkee laantu halasowday.
  30. Wixii hagar la,aan laygu muday daalabta haliisha.
  31. Halgan adag hurgumo doogatoo layska hadhi waayay.
  32. Intaas oo is wada haysatoo hayb-na wada gaadhay.
  33. Ayay helida MAY ay ku timi hadiyad may hayne.
  34. Diricyaan habeen seexan jirin oo hudda u galaye.
  35. Qaarbaa ku hoobtoo u tegay hooygi aakhiro,e.
  36. Harag waafi mee iyo lixliyo hanadadii guushu?.
  37. Inta geesi hadow jiidhay ee soo habqamo jeexday.
  38. Halyay-nimadi ina biixi iyo hiilki dhega weyne.
  39. hal adaygi wayso cadde iyo hilin wadaagtiisa.
  40. Waa haybe laanbade kuwaan lagu hungoobaynin.
  41. Xasan ciise iyo heegankii huuga wada tuuray.
  42. wuu haybad badanyee tolwaa halacyo dhiirdhiiran
  43. Ha hilmaami karo maxamed cali hoonki uu tumaye,
  44. Hanaankiisa ina kaahinbaan cidi hilmaamayne.
  45. Hogaansamaha siilaanyo iyo hanadyo maamuus leh.
  46. Tuurkii hufnaayee isagu libinta soo haabtay.
  47. Iyo boqol kaloo hagar la,aan hawlo fulinaayay.
  48. Ayaa hurin dagaal kaga dhacsaday halaqi waagaase.
  49. Hadday heeg wax qabanayso ooy cid u hanbaynayso.
  50. Hogga lagu cadaab moorganbaa lagu horayn-laaye
  51. Cali samatar haariga dhul kale ma hindiwaaseene.
  52. Intoo la hantiyaabuu xabsiga hoodh ku noqonlaaye.
  53. Wuxuu shacab haween iyo labood hawsha wada qaato.
  54. Hawraarsanaantii SNM haybad lagu gaadhye.
  55. Hirdankii macaashkuu dhalaan ku hadhsanynaaye.
  56. Taan shalay hogaanka u jaray way si hafaysaaye.
  57. Halaaggi igu dhacay shalay hadduu xamarna haaystaaaye.
  58. Nabsigay hulaabteen wakaa toodi heensadaye.
  59. cuqubadi hadhuub dhaaftaybay la hetinysaaye
  60. Hareeraha aduunyadaa haddii layga wada hiisho.
  61. Ama hadafka Somali weyn laygu gacan haadsho.
  62. Hayinkaygu inu koonfur tago waan la heli hayne.
  63. Ninkaa taa u himiloonayooy waa hadh kaa tegaye.
  64. Waa hees walwaaleed ninkii huursi sugayaaye.
  65. Ninka tiin hadh qoodaar ku riday hoyga dhinaciisa.
  66. Timir haabka kuma sii ritiyo gurasho hoobaane.
  67. Tus hilaacay hogol curatayoo hoos usoo lulata.
  68. Hoogaansi mayay hoorayoo heego daba joogto.
  69. Heemaalka wayskaga egnahay hiimse hiimsaha’e.
  70. Hoosta iyo guudkaba ka jira teenu waa hodane.

DHAMAAD

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories