Home“Hunguriga ugu weyn ee I hayaa waan inaan ummadeydii iyo dadkaygii sii...

“Hunguriga ugu weyn ee I hayaa waan inaan ummadeydii iyo dadkaygii sii badsado (Barashooda)”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo muddo shan bilood ah dalka ka maqnaa ka dib markii uu hore Somaliland u yimid bishii July ee sanadkan sii galbanaya , ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa oo uu dib ugu soo laabtay.

Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo lix bilood ka hor ka noqday Mabda’ii Soomaali-weyn ee uu hore u aaminsanaa, ayaa qolka Nashada ee Madaarka Hargeysa oo uu ka soo degay goor dhaweyd saxaafadda uga waramay waxyaabaha uu Somaliland u soo faa’ideeyay mudadii koobnayd ee uu maqnaa, maadaama oo uu hadda yahay muwaadin aaminsan gooni isu-taaga iyo Madax-banaanida Somaliland, waxaanu sheegay in mudadii shanka bilood ahayd ee uu maqnaa uu ku dedaalay inuu beesha caalamka gaadhsiiyo xaqiiqada Somaliland iyo waxa ay kaga duwan tahay Soomaaliya.

Samater-11Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo ugu horeyn u mahad-celinaya masuuliyiintii soo dhaweeyay oo uu ka mid ahaa Wasiirka xidhiidhka golayaasha Somaliland, ayaa yidhi “Waxaan u Mahadnaqayaa Madaxda Xafiiska Madaxtooyada Somaliland ee na soo dhaweeyay, waxaanan salaamayaa dadka reer Somaliland, waxaanan leeyahay waynu is arki doonaa oo waynu is wareysan doonaa, Madaxda dalkana inaanu is wareysano oo isfahamkeenu sii gun-dheeraado ayaan rejaynayaa”

Prof. Samater, oo la waydiiyay waxa uu Somaliland u soo faa’ideeyay mudadii koobnayd ee uu ku maqnaa dalka Maraykanka oo uu deggan yahay, ayaa ku jawaabay “Waddan dhan horusocodkiisu waa dadka oo dhan, qof ama laba wax ay tari karaan way iska yar tahay, laakiin shantii bilood ee aan idinka maqnaa annigu waan dedaalay oo dhul badan ayaa ka hadlay, Telefiishanada Maraykanka waan ka hadlay, Madaxda Maraykanka qaarkood waan la hadlay oo arrinta Somaliland-baan ka hadlay, siday uga duwan tahay waddanka intiisa kale ayaan ka hadlay, waxay qabsadeen dadka Jamhuuriyaddan ku nooli, oo ay ugu yar tahay dadkii qoxootiga u baxay markii Hargeysa iyo Burco ay garaacayeen ciidamadii dawladdii (Siyaad Barre) ee ka baxsaday cadaawaddii halkan ka taagnayd ay dib ugu soo noqdeen dalkoodii oo dib u dejin dalkoodii loogu sameeyay, taasi weli kamay dhicin Koonfurta Soomaaliya, markaa waxyaabo badan oo u gooni ah dadka reer Somaliland, ama taariikhiyan ha noqoto ama siday maanta yihiin ayaan isku dayey inaan adduunyada gaadhsiiyo, wax badana aan ka qoro, in badana waad dhageysateen ayaan filayaa doodo badan, markaa is xil-qaanka aan is xilqaamay wuxuu noqday inaad safiir bilaash u noqdo Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray isaga oo ka jawaabaya su’aal uu Waydiiyey Wariye ka tirsan Bahda Somalilandtoday.com, oo ahayd inuu diyaar u yahay inuu qabto haddii Madaxwaynuhu xil u Magacaabo “Su’aashaa Madaxwaynaha ayaad weydiinaysaa.”

Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo sidoo kale, la waydiiyay inuu hunguri kaga jiro inuu galo siyaasadda Somaliland, ayaa ku jawaabay sidan “Hunguriga ugu weyn ee I hayaa waan inaan ummadeydii iyo dadkaygii sii badsado (Barashooda),”ayuu yidhi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories