HomeHuman Rights Watch Oo cambaaraysay Go'aanka Sii-deynta Madaxweynihii hore ee DDS Itoobiya

Human Rights Watch Oo cambaaraysay Go’aanka Sii-deynta Madaxweynihii hore ee DDS Itoobiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Human Rights Watch waxay aaminsan tahay Sii-deynta Cabdi Illey ay tahay fariin ah in isla xisaabtan la’aanta ay weli ku sii badan tahay Itoobiya”

New York (SLpost)- Hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa dhaleeceysay go’aanka dowladda Itoobiya ay ku laashay dhammaan eedeymihii loo haystay iyo sii deynta madaxweynihii hore ee DDS Cabdi Maxamuud Cumar “Cabdi Illey”, kaasoo Khamiistii lasoo dhaafay laga sii daayay xabsiga uu xidhnaa in ka badan shan sano.

Hay’adda HRW ayaa ku andacoonaysa in tallaabadan ay dib u dhac weyn ku tahay la dagaallanka isla xisaabtan la’aanta dambiyada ay geystaan madaxda sare ee dalka Ethiopia.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Human Rights Watch, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ahaa aasaasaha iyo taliyaha guud ee bixin jiray awaamiirtii ay u hawl-gali jireen ciidamada gaarka ah ee deegaanka Soomaalida ee loo yaqaanno “Liyuu Boolis” muddadii uu xilka madaxweynenimo ee Deegaanka ka ahaa sannadihii 2010 ilaa 2018.

Hay’addu waxay ku eedaysay Ciidamada Liyuu Boolis inay mas’uul ka ahaayeen xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo geystay dad rayid ah, kuwaas oo ay ku jiraan dilal sharci darro ah, jidh-dil iyo kufsi.

Siday HRW sheegtay, dacwaddii lagu soo oogay Cabdi Illey waxa laashay Wasaaradda Cadaaladda ee Itoobiya, waxaana go’aankaas lagu sababeeyey iyadoo loo eegayo danta guud.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa sanadkii 2018 Cabdi Illey u xidhay inuu geystay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo hurinta colaado isir iyo diin ku salaysan ka jiray deegaanka Soomaalida. Sannadkii 2019-kii waxa lagu oogay doorkii uu ku lahaa maalmihii ugu dambeeyay ee uu xafiiska joogay oo ay kooxo dhalinyaro Soomaali ah oo isaga daacad u ah oo weeraray dad aan Soomaali ahayn oo ku sugnaa xuduudka dowlad-deegaanka Oromada.

Si kastaba ha ahaatee, Human Rights Watch ayaa ku andacoonaysa inaanay Dowladda Federaalka Ethiopia ay ka gaabiyeen inay ku soo oogaan dacwado la xidhiidha dambiyadii uu galay sideeddii sano ee uu xukunka hayay.

Human Rights Watch waa ay ugu baaqday dowladda Federaalka Itoobiya in ay ka laabato go’aankeeda oo ay muujiso sida ay uga go’an tahay in lala xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada halista ah.

Gebo-gabadii, hay’adda Human Rights Watch oo waxa ay ku doodday inay urur ahaan aaminsan tahay in go’aanka lagu sii daayey ex-madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ay tahay farriin muujinaysa in isla xisaabtan la’aantu weli ku sii badan tahay dalka Ethiopia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories