HomeHubka Maraykanka Oo Gacanta U Galay Alqaacida

Hubka Maraykanka Oo Gacanta U Galay Alqaacida

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Dagaalyahanno ka tirsan kuwo Suuriya ee uu Mareykanka tababaray ayaa qaar ka mid ah qalabkii dagaalka ee la siiyay waxa ay ku wareejiyeen jabhad xidhiidh la leh Al-Qaacida.

Waaxda difaaca Mareykanka Pentagon ayaa sheegtay in dagaalyahannada ay sidaa u sameeyeen si ay u helaan marin xasiloon oo ay ku gudbaan

Fallaagada ayaa la sheegay in wareejiyeen lix gawaarida dusha ka furan ah iyo xoogga rasaas ah, kuwaas oo u dhigma afar meelood meel qalabkii uu Mareykanka siiyay.

Waxaa la rumeysan yahay in ay ku wareejiyeen jabhadda Nusra Front ee Al-Qaacida ku xidhan, si ay gobolkaasi si nabadgelyo ah ugu maraan.

Mareykanka ayaa tababar u fidinayay fallaagooyinka la dagaallamaya ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamiga ee Suuriya. Pentagon-ka ayaa sheegay inuu baadhayo sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale, Hogaamiyaha ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah, ayaa xaqiijiyay in heshiis xabbad joojin lix bilood ah ay gaadheen fallaagada Suuriya iyo xooggaga taabacsan xukuumadda Dimishiq.

Ururka Xisbullah ayaa muddo dheer ka garab dagaallamaya ciidammada maamulka Bashar Al-Assad, si uu u sugo ammaanka soohdinta ay Suuriya la leedahay Lubnaan.

Dagaalyahanno ka tirsan fallaagada la dagaalamaysa ciidammada dowladda, ayaa ku go’ doonsan magaalada Zabadani, waxaana ay weerarro xooggan kala kulmeen ciidammada maamulka Assad.

Dhanka kale waxaa jira laba deegaan oo ay degan yihiin dad Shiico ah, kuwaasi oo iyagana weerarro joogta ah kala kulma xooggaga fallaagada.

Gobolka Idlib ayaa gebi ahaanba waxa uu gacanta u galay isbahaysiga fallaagada ee la magaca baxay Jeyshul Fatxi.

Qaramada Midoobay ayaa isku dayaysan in ay heshiis dhex dhigto dhinacyadaasi dagaallamaya.

Hogaamiyaha Xisbullah ayaa hadda sheegay in heshiis xabbad joojin ah la gaaray, isla markaana dagaalyahannada fallaagada laga daadgureyn doono magaalada Zabadani, taa bedelkeedana kumannaan rayid ah loo ogolaan doono in ay ka baxaan labada deegaan ee ay fallaagadu ku hareereysan tahay.

Heshiiska xabbad joojinta ayaa waxaa lagaga baaqsaday dhiig ku daadan lahaa labada aag ee ka tirsan furimaha dagaalka Suuriya.

Labada dhinac ee iska soo horjeeda ayaa sidoo kale dareemaya in ay gaareen guul ay ku qabsadeen dhul horleh

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories