HomeHubka Casriga Ah Ee Maraykanku U Adeegsan Doono Weerarka Suuriya – W/Q:...

Hubka Casriga Ah Ee Maraykanku U Adeegsan Doono Weerarka Suuriya – W/Q: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

maxamed ilkacaseWaxa isa soo taraya dadaalka Maraykanku ugu jiro weerar Milatari oo dhinaca cirka ah oo uu ku qaado wadanka Suuriya, tallaabadaasi oo imika u muuqata mid soo dhammaatay kaliyana ay inaga xigto inta Koongareeska Maraykanku qalinka ku duugayo ogolaanshaha weerarkaasi oo Obama codsaday gelinkii dambe ee maalinimadii Sabtidii. Hadaba waxa is waydiin leh hub noocee ah iyo weerar noocee ah ayaa Maraykanka u qorshaysan in uu u adeegsado garaacidda wadanka Suuriya. Hub noocee ah iyo tallaabo noocee ah ayuu Maraykanku qaadi doonaa?

Maraykanka oo ah quwadda koowaad ee adduunka dhinaca Milatarigu waxa ay weerarkan dhinaca badda u adeegsan doontaa Laba Markab oo waaweyn oo ah kuwa diyaaradaha iyo gantaalaha xambaara oo magacyadooda la kala yidhaa: USS Nimitz iyo USS Harry Truman. Labadan Markab waxa lagu tilmaamaa in ay yihiin magaalooyin dhan oo guuraya marka aad eegto culayskooda iyo walxaha ay sidaan. Mid kasta dhererkeedu waxa uu dhan yahay 300 oo Mitir, culayskooduna waxa uu dhan yahay 116,400 oo Tan. Mid kastaa waxa uu ku shaqeeyaa awood Nukliyeer ah oo awooddeedu dhan tahay Westinghouse A4W, oo siinaysa tamar koronto oo aan xad lahayn. Dhinaca difaaca labadan Markab waxa u diyaarsan Madaafiicda loo yaqaano Sea Sparrow oo loo adeegsado difaaca iyo ka hor tagga weerarada diyaaradaha iyo gantaalaha ay soo ridaan Maraakiibta dagaalku. Mid kasta waxa saaran 90 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah, kuwoodii ugu casrisanaa waxaanay sidaa labadan Markab ku xambaarsan yihiin 180 Diyaaradood oo isugu jira noocyo kala duwan. Waxa taageeri doona labadan Markab Xayn kale oo ah Maraakiib heerkoodu dhexdhexaad yahay iyo gujisyo casri ah oo hareeraha ka taagan kuwaasi oo ah Xayn awood Milatari oo magaceeda lagu sheego (US Navy Carrier Strike Group).

Dhinaca kale waxa Maraykanka u diyaarsan oo badda Dhexe ku sugan Afar Markab oo kuwa dagaalka ah oo la kala yidhaa: USS Barry, USS Gravely, USS Manhattan iyo USS Ramage. Mid kasta dhererkiisu waxa uu ka badan yahay 150 Mitir. Waxa saaran midkiiba 90 Gantaal oo ah kuwa loo yaqaano ASROC. Gantaalaha ridada dhexe iyo noocyada loo yaqaano Tomahawk iyo Harpoon oo ah Gantaalihii lagu garaacay wadanka Libya.

Dhinaca Gujisyada waaweyn ee gantaalaha xambaara waxa diyaar ah 2 Gujis oo ku shaqeeya awoodda Nukliyeerka oo lagu kala magacaabo USS Georgia iyo USS Florida. Labadan Gujis ayaa waxa ay sidaan Gantaalo ridadoodu dheer tahay iyaga oo duqayn kara meel kasta oo ka mid ah dhulka Suuriya. Gujiska USS Florida waa Gujiskii ka qayb qaatay weerarkii wadanka Liibiya isaga oo wakhtigaasi Liibiya ku riday in ka badan 100 Gantaal oo ah kuwa wax burburiya ee tayadoodu aadka u sarrayso. Labadan Gujis mid kastaa waxa uu ku gaashaaman yahay 154 Gantaal oo ah nooca loo yaqaano Tomahawk, Waxaanay labadan Gujis oo kali ahi weerari karaan in ka badan 300 oo goobo Istaraatiiji ah oo ku yaalla Suuriya. Gantaal kasta oo Tomahawk ah qiimihiisu waxa uu dhan yahay 1.4 Million dollar, waxaanu qaadi karaa Madax culayskiisu dhan yahay 500 oo Kg. Gujisyadani waxa ay sidaan oo kale ciidamo Milatari ah oo aad u tababaran kuwaasi oo wakhti kasta barriga u soo degi kara kana hawl gali kara haddii loo baahdo weerar kedis ah oo dhinaca berriga ah. Waxaase loo badinayaa in aanay wakhtigan Maraykanku doonayn weerar dhulka ah oo Suuriya lagu qaado.

Haddii aynu soo qaadano waxa kale oo jira Markab weyn oo lagu magacaabo Astul 5 waxa uu sidaa diyaarado aanay cidi wadin oo noocoodu yahay Fire Scoute. Nooca diyaaraddaasi waa Global Hawk 737 mana laha duuliye wada waxaanay qaaddaa gantaalo awooddoodu sarrayso.  Global Hawk waxa ay duuli kartaa oo isaga gooshi kartaa masaafo dhan 28,0000 oo Feet. Waxa ay diyaaraddan bilaa duuliyaha ahi kormeeri kartaa oo ay ku wareegi kartaa hawl galkeeda iyada oo adeegsanaysa Raadaar casri ah oo lagu magacaabo (SAR), kaasi oo ay ku rikiban yihiin kamarado ili maqabatay wax ka sawiri kara boqolaal kun oo jeer. Gantaalka Global Hawk ee diyaaradda aan duuliyaha lahayni ridi kartaa waxa uu duqayn karaa 100-kun Oo Km oo isku wareeg ah maalin dagaalkii kali ah.

MQ-8 Firescout: iyana waa diyaarad aan duuliye saaranayn oo weerarkan ka qayb qaadanaysa. Muddo 8 saacadood ah ayay weerar geli kartaa in ka badan 20,000 oo feet iyada oo ku duulaysa, sidii Global Hawk ayay ku gaashaaman tahay raadaar casri ah iyo kamarado meel sare wax ka sawiraya, waxayse tani dheer tahay, waxa ay beegsan kartaa bani aadamka halka ta hore ay inta badan duqaynayso goobaha istaraatiijiga ah sida xarumaha ciidamada iyo goobaha dawladda. MQ-8 Firescout waxa ay bar tilmaameedsan kartaa qof meel iska taagan iyada oo ku duulaysa joog dhan 20,000 oo Feet.

……….La Soco  

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories