HomeHub-Wareejintii Ciidankii Sancaani iyo Gobonimadii Beesha Arab W/Q: Cali Cabdi Coomay

Hub-Wareejintii Ciidankii Sancaani iyo Gobonimadii Beesha Arab W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

2-dii bishii Feb ee sannadkii 1994-kii ayey si rasmi ah u bilaabmatey hub-ka-dhigistii maleeshiyaadkii daydayga ahaa ee garabyadii SNM. Hub-ka-dhigista waxa laga bilaabay Garoonka Kubbada cagta ee Hargaysa Istaadyoon, waxaan halkaasi hubkoodii ku wareejiyey Ciidankii Sancaani, waxa aanay sameeyeen Gobonimo iyo dhiiranaan tii ugu weynayd abid. Ciidanka Qaranka ee aynu maanta arkayno halkuu taagan yahay, waxa seeska u taagay Ciidankii Sancaani ee hubkoodii ku wareejiyey Dawladii Maxamed X. Ibraahin Cigaal. Waxaana bilaabmay hanaanka geeddi socodka nabadda ee dhisidda ciidan Qaran oo dalku lahaado. Si looga guuro hab-beeleedkii ciidanku u dhisnaa, oo looga dhigo kuwo dawladeed, waxa loo qaybiyey ciidankii daydayga ahaa Afar Qaybood oo kala ahaa , Ciidan Qaran , Boolis , Asluub Iyo Ciidanka Birmadka. Dharaar weliba tilmaan leh, maalintani waxa ay tilmaan gaar ah ku leedahay Qaranka Jamhuuriyadda Soomaalilaan.

Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Iyo Go’aankii Taariikhiga Ahaa.Iyada oo la isugu tegay Garoonka Hargaysa Istaadyoon si looga tashado sidii hubka looga dhigi lahaa Maleeshiyaadkii hubaysnaa ee garabyada SNM ka tirsanaa, ayuu Suldaan Maxamed Suldaan Faarax (AHN) oo ku suntanaa suldaankii halganka ahaana suldaanka guud ee Beesha Arab ayaa ka dhexkacay madax-dhaqameedkii ku sugnaa madasha, kuna dhawaaqay go’aan ka farxiyy Beelaha Soomaalilaan waxa aanu yidhi “Beeshayada yaa kow ka noqonaysa hub-ka-dhigista , haddii billad lagu bixinaayo iyo hadii shahaado lagu bixinaayo, anagaa ugu horraynna.”Ka dib ciidanka muusiga baanboyda ayaa u tumay heestii astaanta calanka Soomaalilaan, halkaasni waxa ka dhacay mashxarad iyo damaashaad aan la soo koobi Karin.

Sheekh Ibraahin ayaa hadal kooban oo duco iyo bogaadin isugu jira madasha ka jeediyey, waxa ku xigay Madaxeyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo khudbad dheer ka jeediyey goobtii wuxuuna yidhi “iga raali ahaada marka aan faraxsanahay hadalkaygu hag-hago ayuu yeeshaa maanta ma jiri karto wax la barbar dhigi karo Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, waayo, wuxuu go’aan ku qaatay goob aanay beeshiisu la joogin kulana tashan, waa taa geesinnimadda dhabta ahi.”

Wuxuu Madaxweyne Cigaal intaasi raaciyey oo uu yidhi “ waxaan halkan dorraad iyo tii ka horaysay idinka idhi, qoodh maaha nimaan SNM ahayni, cid garab istaagi kartaana ma jirto , maantana hadduu Axmed Siilaanyo I garab fadhiyo , isagaa iga mudan “ . Madaxweyne cigaal oo khudbaddiisu dhincayo badan taabanaysay ayaa u ducueeyey Suldaan Maxamed iyo kooxdii sancaani ee hubkooda isla goobtii ugu tirisay dawladda kuna wareejisay, waxa kale oo xusid mudan in hoggaamiyihii Ciidankii Sancaani uu hadalka qaatay isaga oo hubkoodii xabbad xabbad u yeedhiyey. Waxaanu ugu dambeyntii yidhi “waa kaa hubkayagii ee mudane madaxweyne naga guddoon.” markii hadlkaasi uu dhammeeyey ayuu garoonkii hal mar isla-oogsaday dabaal-deg iyo mashxarad. Goobtaasi waxa billadii iyo shafatii ku qaatay suldaan maxamed suldaan faarax (AHN) iyo Beeshiisii.

Khudbadii Xasan Ciise Jaamac

 Waxa isna hadalka qaatay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaalilaan Xasan Ciise Jaamac oo ku bilalabay hadalka salaantii islaamka” ,Aslaamu Calaykum , sidii uu sheegay Cumar Boobe oo ahaa duqii magaalada Hargaysa, maanta marka koowaad waa sannad guuradii saddexaad ee xoreyntii dalka jamhuuriyada soomaalilaan ,saddex sanno ayaa laga joogaa maalintii dalka la xoreeyey, waa in aynu ilaahay ugu mahad-naqno. Marka labaad waa tii diinta islaamu tidhi “qofkii aan adoomaha ilaahay u mahad niqin ilaahayna uma mahadnaqo”.

Markaa waa inaynu SNM u mahad-naqno, saddexdaa sanno ee SNM dalka xoraysay waxa ina soo maray wakhti adag, dhinaca kale markaan ay ka eegno agoontii SNM, naafadii SNM ciidamada SNM iyo hawshii ahayd dib u u dhiska dalka wax badan ayaa ka dhiman, fari kama qodna. Isla-markaa dhinaca kale markaan ka eegno arrimo taariikhi ah iyo guulo lagu faano ayaan laga joogaa , hawsha ay SNM gashay .

waa kow, SNM dalka ayey xoraysay ,waxa ay ku dhawaaqday soomaalilaan oo xor ah oo soomaalilaan gudaheeda looga taliyo . Saddex, waxa ay ku dhawaaqday mabda’i’yin in maamulka keliya ee jiri kara ee ummaddani ay geydaa uu yahay maamul islaami ah. Afar SNM mudadii ay iyadu qabsatay markii ay dhammaatay ,ummada ayay taladii soo dhexdhigtay oo ay tidhi “ walaalayaal labadii sanno ee aanu qabsanay way naga dhamaatay ee kaalaya”. 

 Waa dhif iyo naadir waddan soo koroya oo afrika ku yaaala jabhad inay dawlad ka dhisto, oo markii mudadii ka dhamaatay tidhi way naga dhammaatay ee naga qabsada. Waxa aan ilaahay ugu mahad naqaa inaan SNM maanta waxba laga sugayn oo aan la odhanayn maxaad halkaasi waxa uga qaban weydeen , ee ay tahay ta xisaabtamaysa . Salaadiinta SNM iyo dhalinyarada waxa aanu idinku guubaabinaynaa inaad midnimada ummadda kow ka ahaataan.

Qofka SNM daacada ka ahi ee qaata gobol magaciisa ama qoyskiisa ee qabyaalad ku dhaqmaa wuu is-sharaftiray heer qaran ayuu ku dagaalamayey , SNM-eey waxa inoo balan ah inaad kow ka ahaato midnimada ummadda. waa la inaga sugayaa waa loo halgamay shacabka soomaalilaan mid baan u sheegay inay SNM xaq ku leeyihiin inaad u mahadnaqdaan.” Intaasi ayuu Xasan Ciise ku af-meeray khudbadii taariikhi ahayd ee uu madasha ka jeediyey.

Sidaasi ayay Beesha Arab ku noqotay beeshii ugu horraysay ee hubkooda ku wareejisa dawladdii maxamed xaaji ibraahim cigaal, waxa aanay beeshu halkaasi ku muujisay gobonimo tii ugu weyneyd. Waxa la waayey Beel la mid noqota oo ku dhacda in ay hubkeedu ku wareejiyso xukuumaddii Cigaal, ka dib deyrkaasina waxa jebiyey Beesha Arab, oo tidhi anagaa horseed ka noqonayna ee nagaga dayda hub wareejinta. Dhamaan salaadiintii kale ee goobta fadhiday waxba kumay dhawaaqin, waxa ay ku gaabsadeen “wada tashi ayaanu beeshayada dib ugu noqon Beeshayada.” Markii dayrkii ay jabisay Beesha Arab ayey Beelihii kale ee Soomaalilaan kaga daydeen. Halkaasin waxa toos loogu gudogalay Hub-ka-dhigistii daydaygii ka tirsanaa garabyadii SNM ee dhibta ku hayey shacabka Soomaalilaan guud ahaan. Beelaha qaarkood ayaa Beesha Arab kula kaftamay maxaydin ku dagaallami, kol haddii aad hubkiinii wareejiseen? markaasay ugu jawaabeen” waxa aanu ku dagaallami hubka kuwa na soo doonta ayaanu ka qaadi, oo aanu ku dagaallami.”

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Soomaalilaan.  

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Keydka Cajaladaha Tilifiishanka Space Channel ee 1994.

Dhaxalkii Gobonimada (2013)………Maxamed Faarax Qoti.

Waraysi Qoraa Cali Qoryooley Hargaysa 2014.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories