Home"Horumarka Somaliland Ka jira, waxa uu u muuqda inay ka faa’iidaysteen kor...

“Horumarka Somaliland Ka jira, waxa uu u muuqda inay ka faa’iidaysteen kor u kaca dareenka caalamiga ah”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Matthew Gordon oo ah diblomaasi Jaamacadda London ku diyaarinaya shahaadada PhD, isla markaana bartay siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, ayaa faallo dheer ka qoray sawirka laga qaadan maro dooddii uu Baarlamaanka UK ka yeeshay qaddiyadda ictiraaf-raadinta Somaliland.

Diblomaasigan shahaadada sare ee PhD ku diyaarinaya cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, ayaa sheegay in doodda Baarlamaanka UK tilmaan ama tusaale u tahay isbeddelka ka soo foolka leh Badda Cas.

blank“Iyadoo Gobolka Geeska Afrika ay ka aloosan yihiin mawjado dagaal, ayaa Jamhuuriyadda yar ee madax-bannaanideeda ku dhawaaqday ee Somaliland, waxay muujinaysaa jiritaankeeda dhinaca dimoqraadiyadda iyo doodaha furan..” ayuu yidhi Matthew Gordon, waxaannu intaa ku daray, “18-kii January 2022, waxa xarunta Baarlamaanka isugu yimi ilaa labaatameeyo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, si ay uga doodaan aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland. Sida la yaabka leh ee tirada badan ee dadka u soo baxay iyo soo bandhigidda is-afgaradka xisbiyada Somaliland, ayaa abuurtay rejo..”

Matthew Gordon waxa uu qoraalkiisa ku xusay in dooddii Baarlamaanka Ingiriisku ka dhalatay markii madaxda dawladda UK ku adkaysteen in aanay waxba ka beddelin mowqifkooda ku aaddan in Somaliland ictiraaf la siiyo, maaddaama guux isbeddel ka aloosan yahay badda cas ee Somaliland ku laalayso.

“Doodda Baarlamaanka Ingiriisku waxay ka dambeysay markii Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda UK ay ku adkeysteen inay si madax-adayg ah u sii wadaan xaaladda hadda jirta (aqoonsi la’aanta Somaliland). Waxa kale oo dooddan abuuray in dawladaha reer galbeedku doorteen inay arrinta Somaliland u daayaan Soomaaliya iyo dalalka kale derska la ah Somaliland ee Afrika si ay u hoggaamiyaan isbeddelka” ayuu yidhi.

Khabiirkan siyaasadeed waxa kale oo uu qoraalkiisa ku yidhi, “Soddonkii sanno ee la soo dhaafay Somaliland waxay urursatay guulo ay ka gaadhay ilaalinta nabadda iyo qabashada doorashooyinka. Horumarradaas waxay ku muteysteen in si gaar ah isha loogu hayo, dawlado shisheeye iyo siyaasad dejiyeyaalna ku ammaanaan arrintaas, laakiin kuma ay guulaysan aqoonsi diblomaasiyadeed.”

Khabiirku waxa kale oo uu sheegay in reer Galbeedku lumiyeen xulafadoodii Geeska Afrika, xilli Somaliland isku taagayso xuddunta dhaqaalaha gobolka, waxaanu yidhi, “Arrintan ayaa qeyb ka ah in reer galbeedku lumiyeen xulafadooda gobolka Geeska Afrika, xilli Somaliland isu taagayso xuddunta ganacsiga gobolka, ka dib markii ay heshiis la gashay shirkadda DP World oo dibu-habayn ku samaysay dekedda Berbera.”

“Horumarka Somaliland Ka jira, waxa uu u muuqda inay ka faa’iidaysteen kor u kaca dareenka caalamiga ah. Taas waxa daliil u ah beryahan dambe waxa si cad u soo shaac baxayay hawl-wadeennada siyaasadda Maraykanka ee ku waajahan Somaliland, taana waxa ka mid ahaa booqashadii weftigii ugu horreysay abid ee shaqaalaha Koongareeska ah ay ku tageen Somaliland bishii hore,” ayuu yidhi Mathew.

Waxa kale oo uu ka hadlay doorka siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland ka ciyaartay xod-xodashada Maraykanka, waxaanu yidhi, “Hawlgalka xaqiiqo-raadinta ee Koongarayska Maraykanka laftiisa ayaa ahaa natiijadii tooska ahayd ee ka ololaynta xubnaha Koongarayska ee wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ee Washington tagay, sidoo kalena waxa lagu wadaa in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu dhawaan safar ugu baxo Washington. Marka la eego, isbeddelladan is daba-joogga ah ee beryahan dambe ku soo kordhay Somaliland, waa in dunidu la jaan-qaaddo xaqiiqda Somaliland”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories