HomeHorumarka Dalka Iyo Daymo La’aanta Dadka: Wasaaradda Waxbarashada – W/Q: C/raxmaan Muuse...

Horumarka Dalka Iyo Daymo La’aanta Dadka: Wasaaradda Waxbarashada – W/Q: C/raxmaan Muuse ~ Q.3aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

1. Hordhac :

Cabdiraxmaan Muuse
Cabdiraxmaan Muuse

Waxa tan iyo markii lagu wareejiyay xilka xukuumadda tallada dalka haatan haysa socda dedaalo horumarineed oo lagu samaynayo dalka kaasi oo ay kamid yihiin: Dhisitaan wadooyinka waaweyn,Biriishyadda,waxbarashadda,deyrarka wasaaraddaha, Iyaduna  waxa guud ahaanba la kordhiyay mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda, sidoo kale waxa la xadiday mushaharka, madaxweynaha, kuxigeenka, wasiiradda, agaasimeyaasha iyo weliba goleyaasha,qaranka.

Ujeedo:

Haddii an ka hadlo Ujeedada hadalkaygan oo ku saabsan qiimaynta wasaaradaha dalka iyo waxqabadkooda dhabta ah waxaan maanta oo ah maalintii Saddexaad  ee qoraalkayga ka hadli doonaa  wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare taasi oo qaran kani u qaabilsan masuuliyad aad ubaaladh oo kusaabsan horumarinta tayadda waxbarasho ee dalka haddii ay noqoto Dugsiyadda Sare iyo waliba jaamacadda hadaba waxa muuqata intii xukuumadda haatan taladda dalka haysaa ay jirtay in  wasaaradani samaysay waxqavbad la taaban karo intii uu wasiirka ka ahayd Marwo Samsam Cabdi Aadan taasi oo samaysay horumaro faro badan oo dhinacwalba leh haddii ay noqoto waxbarashadda Dadban ama (Voluntry Education) iyo waliba in bilaash laga dhigay dugsiyadda hoose dheexe (Enrollement Rate).Waxayna  taasi  aad iyo aad wax weyn ka bedeshay korodhkii Ardayda.

Sidoo kale waxay marwo Samsam Cabdi Aadan sii hergelisay Barnaamijkii Waxbarashadda loo dhan yahay(EFA), Iyo Heshiiskii lagu gaadhay Dalka Ghana ee MDG(Millennium Development Goals) kaas oo lagu heshiiyey in Sanadka soo socda ee 2015ka, qof kasta oo Duniddan ku nooli Waxna Qori karo Waxna akhriyi karo, Hadaba waxa  iyada oo  laga duulayo oo la hergelinayo Barnaamijyaddaa Wax qabadka , ayaa Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo ay Hogaaminayso Marwo Zamzam Cabdi Aadan iyada oo kaashanaysa Haayadaha  aan Dawliga ahayn ee xidhiidhka dhow la,leh wasaaradda sida (UNta, INGOs, LNGOs ka) ayaa ay ku talaabsatay in laga hirgeliyo dhammaan goboladda dalka Jasmhuuriyadda Soomaaliland.
Waxbarashadda loo dhan yahay waa maxay Ujeedadeedu?
1. Waa in aan qof ama ilmo xaq u leh in uu wax barto aan loo diidi Karin
2. In aan laga takloori Karin qof ama qolo
3. In wiil iyo gabadhba loo dhan yahay
4. In dhammaan wixii looga baahnaa waxbarashaddaasi ay dhan tahay
5. In loo siman yahay Adeegaasi iwm
Si kastaba ha ahaatee,halkan waxaan ku soo qaadaynaa Hawlaha Waxqabad ee ay wasaaradda waxbarashadda iyo Tacliinta Sare iyada ay kaashanaysa Hay’adda ADRA ee gargaarka ka hesha E.Uda oo kala hawl gasha Goboladda Barriga, ee Sool iyo Sanaag Intii laga hegeliyey Goboladdaasi iyada wada shaqeynta Hay’adda iyo Wasaaradda WAxbarashadda iyo Tacliinta Sare uu ka masuul yahay
Gudoomiyaha Waxbarashadda ee Gobolka(REOga), kaas oo had iyo jeer warbixinta u soo gudbiya Xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare
Waxqabadkii koobnaa Waxa ka mid ah:
1 6 Fasal oo Cusub oo la dhisay
2 52 fasal oo la habeeyey
3 9 musqulood oo la sameeyey
4 7 Xafiis oo la habeeyey iyo mid cusub oo la dhisay
5 5 Taangi biyood oo la dhisay
6 Sheekooyin yar yar oo loogu tallo gallay carruurtu in ay akhristaan oo la sameeyey oo ay qoreen qorayaasha wasaaraddu oo ku kooban grade 1- grade 4.

Talo-Bixin

1.Marwo Samsam Cabdi Aadan waad mahadsanatahy wasiir ilaahayna hawsha adage e aad udhabar adaygtay qabatayna hakugu garab galo sida horumarku ka muuqdo ee aad uwadana ilaahay ha kaa cawiyo.

2.Marwo Samsam waxa jira iskuullo(Schools) aan ku yaalin magaalo ama tuulo oo badhtan ku yaalla hadaba wasiir macaliminta schools kaasi ma jiraa qorshe idiinka yaalla soo qaadsitooda ama in baabuur losameeyo  maadama xiisaddu dhacayso inta uu macalinku soo lugaynayo soo lugaynayo oo

3.Wasiir waxa jira (Private Schools) iyo (Government  Schools)ka awoodana waxa imika lasiiyaa (Private Sectorka) furitaankooda oo soo badanaya awgeed oo saamayn kuyeelanayaa iskuuladda dawladda  qorshe aad ku joojoinaysaan ma jiraa ama aad ku tayaynasaan dawladda.

Gabo-Gabo

Mudane wasiir ilaahay  ha kugu garabgalo shaqadda aad hayso ee adga waxaanan ku leeyahay hayaanka iyo geedigana halkaa kasii wad

 

C.raxmaan Muuse Yuusuf

002522-4414124

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories