HomeHorumarinta Gobolka Gabiley iyo kaalinta uga bannaan Qurba-Joogga – W/Q: Xildhibaan...

Horumarinta Gobolka Gabiley iyo kaalinta uga bannaan Qurba-Joogga – W/Q: Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi (Golaha Degaanka Gabiley)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dhammaan Akhristayaasha Sharafta leh waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka.

Maqaalkaygan gaaban waxaan jeclaan lahaa inaan si kooban ugaga hadlo kaalinta ay Qurba-Joogu ku leeyihiin guud ahaanba horumarinta dalka hooyo, waxaanan si gaar ah ugu falanqayn doonaa kaalinta kaga aaddan ee uga bannaan Qurba-Jooga ka soo jeeda Gobolka Gabiley horumarinta Gobolka.

NimcoWaxaan aaminsanahay in Dareen Garasho oo Togan iyo Damiir wadaninnimo uu Bulshada u diro inay horumar ku tallaabsadaan. Sideedaba, Ummaddii horumarka jeceli waa kuwii isku boorriya ee isku baraarujiya inay horumariyaan Bulshadooda, Degaanka, Degmada, Gobolka iyo Dalka ay u dhasheen. Qof ahaan waxaan qirayaa in guud ahaanba Qurba-Joogga reer Somaliland ay kaalin muuqata oo laxaad leh ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarinta dalkeena. Ha noqoto lacagaha tooska ah ee ay Qurba-Jooggu bil walba soo diraan, ha noqoto dib u dhiska guryihii dumay ama kuwo cusub oo ay dhisaan, goobaha ganacsiga, Huteellada waaweyn, Warshadaha, Jaamacadaha iyo goobaha kale ee waxbarashada iyo waxyaabo kale oo badan. Isku soo wada duuboo doorka Qurba-Jooggu ku leeyihiin horumarinta Dalka iyo Dadkaba waa mid aan la iska indho-tiri karin, waxana lagama maarmaan inay halkaa ka sii wadaan kaalinta ay ku leeyihiin Horumarinta Dalka.

Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay gobollada ugu hodansan JSL marka dhan kasta la eego. Ha noqoto tiro dad iyo aqoon, duunyada xoolaha, dalagga beeraha ama khayraadka dabiiciga ahba. Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay gobollada ugu dakhliga badan ee Qaranka JSL u soo xereeya cashuuraha ugu badan ee hawlaha qaranka lagu maamulo.  Dhinaca kale, Gobolka Gabiley waxa ku yaalla Irridda Ganacsiga ee Geeska Afrika ugu muhiimsan (Tog Wajaale), taasoo ah laf-dhabarta ganacsiga u kala gudba JSL iyo dalweynaha Itoobiya.

Haddii aan u soo noqdo nuxurka maqaalkaygan oo ku saabsan kaalinta uga bannaan Qurba-Joogga Gobolka Gabiley sidii ay uga hawl-gali lahaayeen ama uga qayb-qaadan lahaayeen Horumarinta Gobolka Gabiley; maanta dalkeena Jam. Somaliland, waxa muuqata in Qurba-Jooggu yihiin kuwa la isku dhaafay ee ay isku dhaafeen Horumarka ka socda Gobollada JSL. Gobolkii ay Qurba-Jooggiisu si dhab ah ugu hawlgaleen ee ay si wadajir ah ugu guntadeen horumarkiisa, wuu ka horreeyaa dhinac walba Gobolkii ay Qurba-Jooggiisu hagradeen.

Sidaan isleeyahay, Gobolka Gabiley wuxuu ka mid yahay Gobollada JSL ee ay Qurba-Jooggiisu ugu tirada iyo aqoontaba badan yihiin Qurbaha. Qurba-Jooga ka soo jeeda Gobolka Gabiley waxay u badan yihiin dad iyagoo aqoon leh oo da’ yar Qurbaha u dhoofay. Anigu Xildhibaan ahaan waxaan is leeyahay, malaha Qurba-Joogga u dhashay Gobolka Gabiley sidii la rabay ugamay qayb-qaadan, ugumay hawlgalin amaba ugumay  guntannin(intii itaalkooda ah) inay wax ka qabtaan baahiyaha baaxadda leh ee ka jira Gobolka Gabiley.

Haddaba, markaan eego tirada iyo tayada aqooneed ee ay leeyihiin Qurba-Joogga ka soo jeeda Gobolka Gabiley ee ku nool dacallada dunida iyo sida aanay uga qayb qaadan ama aanay xil isaga saarin Horumarinta Bulshada Gobolkooga, waxaa ii muuqata oo aan dareemayaa inay jirto dhalliil iyo hagrasho weyn oo dhankooda ah. Waxa xusid mudan oo aan doonayaa inaan hoosta kariiqo in Haweenka Qurba-Joogga ah ee ka soo jeeda Gobolka Gabiley ay yihiin kuwa kaliya ee intii itaalkooda ah ka qayb qaata taageerada iyo horumarinta bulshada Gobolka. Kuwa aan muuqooda iyo magacoodaba la haynin ama aan ka muuqanin kaalintii kaga aadanayd Gobolka waa Ragga Qurba-Joogga ah ee u dhashay Gobolka Gabiley.

Dabcan, way jiraan Ururro Samafal iyo Shakhsiyaad ka soo jeeda Qurba-Joogga Gobolka Gabiley oo iyagu mar walba xil iska saara sidii ay uga qayb qaaadan lahaayeen horumarinta Bulshada ku nool Gobolka. Waxaan halkan ku xusayaa oo aan tusaale wanaagsan u soo qaadanayaa Ururka Samafalka ee Gardo, Ururka Haweenka Gob. Gabiley ee Khayriya, Ururka Walaalaha Arabsiyoiyo Ururka Haweenka Nomad. Waxa kale oo iyadna jirta oo ii muuqata oo aan dareemayaa in Qurba-Joogga u dhashay Gobolka Gabiley ayna haba yaraatee wax maal-gashi ah ku samaynin Gobolka, sida goobo ganacsi, huteello, warshado iyo meherado kale oo Bulshada Gobolka u abuuri lahaa fursado xagga shaqada ah.

Waxaan is leeyahay malaha haddii ay Qurba-Joogga Gobolka Gabiley dareemaan oo ay gartaan  xilka iyo waajibaadka ka saaran Gobolka iyo Bulshadooda, oo ay la yimaadaan dareen iyo cudud midaysan; waxay Gobolka ku soo kordhin karaan waxyaabo badan oo lagama maarmaan u ah Horumarinta Bulshada Gobolka Gabiley. Tusaale ahaan:

a)    Qurba-Jooggu waxay keeni karaan taageero dhaqaale oo midaysan taasoo lagu horumarinayo Adeegyada Asaasiga ah ee Bulshada Gobolka Gabiley, sida: Waxbarashada, Caafimaadka, Wax-soosaarka Beeraha, Adeega Biyaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iwm.

b)    Qurba-Jooggu waxay soo kordhin karaan aragti, fikir iyo xirfado cusub oo lagu dabbaqi karo horumarinta Gobolka Gabiley, maadaama ay soo arkeen dalal kale oo ay ka soo heleen waayo-aragnimo iyo khibrado durugsan.

c)    Qurba-Jooggu waxay ku noolaayeen ama ay weli ku noolyihiin oo ay la soo dhaqmeen umado iyo dawlado horumaray, waxayna fahmayaan sida Horumarinta Bulshada loo maamulo iyo sida Dawladda wax looga helo.

d)    Qurba-Jooggu waxay fursad u heli karaan inay la xidhiidhaan hay’adaha iyo ururrada Bulshada caawiya ee ka dhisan magaalooyinka ama dalalka ay ku noolyihiin taasoo ay uga faa’iideyn karaan horumarinta Gobolka Gabiley.

Waxaan maqaalkaygan ku soo af-meerayaa hadallo guubaabo ah oo toos ugu socda Qurba-Joogga u dhashay Gobolka Gabiley, Rag iyo Haweenba, waxaanan walaalayaal idin  leeyahay: Karti baa la isku dhaafee kaalintiinnii baa bannaan; Ifkaa wax laysu taraaye Aakhiro wax la isuma aha!  Qurba-Joogga Gobolka Gabilayow, Adduunyaduna Hir weeyee, Heerkee baad ka joogtaan?? Yaad ka sugaysaan inay Bulshada Gobolkiina Horumariyaan !!??

 

Wa Billaahi Tawfiiq,  <Xildhibaan Nimco Axmed Cabdi >< Golaha Degaanka Gabiley>

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories