HomeHorta Yaa Mujaahid Ah? - W/Q: Fouad Abdisalam

Horta Yaa Mujaahid Ah? – W/Q: Fouad Abdisalam

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Salaamu laahi Caleykum

Fu'aad CabdisalaanMalaha Kaligey kuma ihiye Waxa is weydiiyey misena aan ku dawakhey micnaha iyo qeexitaanka dhabta ah ee uu huwan yahey qof loola baxey ama isugu isku bixiyey mujaahid, Ereyga mujaahid waa erey af carabi ah oo ka soo dhanbalmey ereyga kale ee JIHAAD, oo ah marka luqad ahaan loo qeexayo lagu qeexo in lala dagaalamo cadowga ilaahey iyo ka umadda muslimiinta ah , ama in la xoreeyo taago dhulka islaamka ka mid ah oo cadowga allah heysto ama in wax kasta ood awoodo ugu gargaarto ood ku dagaal gash af iyo adinba cida markaas dagaal kula jirta cadowga allah culimadu markey soo koobeen waxey ku fasixeen jihad i9n uu yahey ka dar ilaahey loo galey.

Jihaadka allah soo dajiyey wuu kala duwan yahey oo uu leeyahey maraatiib kala sareysa, waxaa uu caalimka ibnu qayim tilmaamey in Jihaadku afar nooc yahey oo kala ah , Jihaadka Nafta , Jihaadka sheydaanka , Jihaadka Gaalada iyo jihaadka Munaafiqiinta.

Hadaba inagoo ka duuleyna macnaha iyo jihaadka dhabta ah ee allah quraankiisa iyo xadiista rasuulkiisa Maxamed (N.N.K.H.) Inoo sheegey waxaa inooga soo dhex baxeysa micnaha saxda ah ee uu leeyahey qofka jihaadey ee loogu wan qalayo magaca mujaahid kaas oo macnihiisu noqonayo in qofku u dagaalamo diinta allah sidii ay u sareyn laheyd taas oo ay hoos imaneyso nolosha wanaagsan iyo akhlaaqiyaadka diinteenu ku dhisan tahey. Qofka mujaahidka ahina haduu uu isagoo ku sugan jihaadka allah uu dartiis ugu dhinto waxaa uu abaal marin u helayaa shahiidnimo oo ah shey qaali ah ilaahey cida uu siiyaana ay liibaantey fadli iyo xasanaad badana u sugnaatey daarta danbe ee aakhiro.

Ereyga shahiid waxaa luqad ahaan lagu macneeyaa in ay tahey in qofku wax goob joog u ahaado, se marka loo eegayo tan dagaalka qofka shahidey waxaa laydhaa qofka u dhintey dar ilaahey isagoo u dagaalamaya, isagoo ka dooneynin mansab iyo magac aduunyo se u heelinaya diinta allah kuna taagan sifaha iyo akhlaaqda jihaadku leeyahey.

Somali ahaan waxaan bulshadeena ku dhex faaftey ama aad in badan maqleysaa qof loogu magac dhabey Mujaahid hebel oo loo nisbeynayo dagaal uu cid isaga cadow ah ama beeshiisa cadow ah uu la galey, taas oo kharibtey macnihii dhabta ahaana  lumiseyna qiimaha cida mujaahidka ah iyo cida lala jihaadayaba, waxeyna ina dhaxal siisey in meel lagaga dhaco qiimaha uu jihaadka allah leeyahey, iyo sharafta mujaahidku huwan yahey.

Dagaalo kala duwan oo dalal badan oo muslimiin ah maanta ka socda ayaa salka ku haya arrimo siyaasadeed iyo fidno ayaa loo isticmaalaa in ay yihiin qaar jihad ah iyagoo aaney meelna ka soo galin sifaha jihaadka sharciga ah ee allah jideeyey iyadoo umad badan oo shacab iyo maati ah lagu gumaado inta dagaalameysana ay mujaahidiin isku magac dhabaan kooga ka dhintana shahiid hebel u bixiyaan. Somali ahaan laga soo bilaabo qaskii iyo qalaasihii guud ahaan somalida hadheeyey intii ka danbeysey burburkii dowladii somaliya iyo intii waliba lagu jirey kacdoonkii dowladaas lagu ridey waxaa caan baxey in loo nisbeeyo dagaalo badan oo dhacey in ay ahaayeen jihaad wallow dadka dagaalameyey labada dhinacba ay umad muslimiin ah oo ashahaadaneysa ahaayeen , waxaa marag ma doon ah dulmi iyo tacadi badan oo dhacey oo somalidu dhexdeeda iska geysatey hadana dooda jihaadka iyo mujaahidiinta waxey u baahantahey in loo nisbeeyo axkaamta sharciga iyo diinteena suuban sidey u sifeysey. Wallahu Aclam .

 

Wabilahi Tawfiiq

Fouad Abdisalam Hassan Haji

Qalbi005@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories