HomeHorta Waa Maxay Dufankan Baas ee ka ura Siyaasiga Soomaalilaand?

Horta Waa Maxay Dufankan Baas ee ka ura Siyaasiga Soomaalilaand?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ibraahim_HawdMid wasiir ah oo aannu qaraabo nahay baan maalmahan oo dhan ka daba wareegayay oo kabihii igaga idlaadeen. Shaqo doon baan ahaa. Dee meeshu maxaad taqaan ma aha ee waa yaad taqaan. Wasiirku i ma yaqaan, haddii se aan mar uun helo waan u abtirsan oo waxa aannu isu nahay baan xusuusin, gaar ahaan in ay labadayada Ayeeyo habra-wadaag ahaayeen oo weliba gu’ la wada guursaday. Inkaar qabaha aniga oo soo qaban la’, ayaan helay mid wahaabi ah oo ay isaga ilmo adeer yihiin. Wadaadka isaga aad baannu isu naqaan oo waannu soo wada kornay, sida kale se hadh isu ma jiidno oo aad baannu u kala fikir duwan nahay.

Goor galab ah ayuu i geeyay gurigii wasiirka oo ahaa guri qaali ah, laba baabuurna dhex yaalleen. Qolka fadhiga ayaa na la geeyay, marwada reerka iyo dhawr dhallinyaro ah baana na salsalaamay oo na la fadhiistay ama na ag marmaraya. Wasiirkii wuu hurdaa ee inta uu soo toosayo in aannu sugno ayay noqotay. Reerka in kasta oo ladnaani ka muuqato haddana wax aan garan waayay oo naftaydu diidayso ayaa jira. Haa, dufan aanan urtiisa jeclaysan baa reerka ka soo kakamaya, xaydh la shiilay wax aad mooddo.

Intii shaaha na loo diyaarinayay ayuu noo yimid wasiirkii oo is foohaarinayaa. Waan la yaabay isaga qudhiisa in dufanku ka urayo, diiqad baanan dareemay. Shaahii baa na loo keenay, oo bilaalayaal na loo gu shushubay. Yaabku se wax uu ahaa, bilaalihii shaaha la ii gu shubay isagana dufankii baasaa baa ka soo uraya, diiqaddii baana i gu sii badatay. Wadaadkii isagu shaaha markii loo gu shubi lahaa ayuu ka cudurdaartay oo sheegay in uu soomman yahay. Aad baan u la yaabay beentiisa intaa la’eg, waayo maqaaxidii aannu is ka soo raacnay waannu ka soo wada qaxwaynnay.

Aniga oo aan niyad wanaagsanayn baan wasiirka codsigaygii u bandhigay. Maya, codsiga wax aan u ga horraysiiyay ka sheekaynta waxa aannu isu nahay iyo hebel iyo hebla warkooda. Ma aan degdegine, horta waxa aannu isu nahay baan dareenkiisa qabyaaladaysan ku salaaxay, oo ku salaaxay, oo ku salaaxay, ilaa uu sidii hal igadh ah qalbiga iyo nafta ka dunuunucay. Markaas baan isaga oo saani u godladay codsigaygii hor dhigay. Alla qabaygu wax uu ii sheegay in uu dhowaan wasaaraddiisa ka shaqaaleeyay sagaal qof oo uu adeer u yahay, taa darteed uu u baahan yahay waqti ay indhaha dadku ka jeestaan. Ballan adag buu se ii qaaday in uu meelayn doono0 goorta ay habboonaato.

Intaasi markii ay dhacday in aannu baxno ayaan jeclaystay, waayo diiqaddii iyo urtii dufanka ayaa i gu soo noqday, taas oo intii aan wasiirka godlayay i ga maqnayd.

Waannu kacnay aniga iyo wahaabigii saaxiibkay ahaa, markii aannu debedda u baxnayna wax aan wayddiiyay sababta uu shaaha u diiday? Kuye: ”Waar nin yahow duulkan siyaasiyiinta la yidhaahdo anigu guryahooda waxba ka ma cuno, waayo dee waxoodu waa xaaraantii ay umadda ka soo xadeen.””Waar miyaad kaftamaysaa?! Ma siyaasi oo dhan baad lee dahay wixiisa oo dhami waa xaaraan iyo xatooyo?”

”Dee haa oo xitaa mushaharkiisa waxaa qarqiyay booliga uu soo xado. Ninkaa aannu ilmo adeerka nahay sidaas bay wixiisu i ga yihiin. Gurigiisa, dharka uu gashan yahay, waxa reerkiisu cuno, dharka ay marwadiisu ku xarragooto, dufanka ka soo uraya, wuxuba walaal waa xaaraantii umadda iyo agoonta. Xaydha baas oo guriga ka uraysa sow ma aad dhibsan? Wax kale ma aha ee waa xaaraanta ay karsanayaan. Ka fogow weligaa waxa siyaasiga.”

Ibraahin Yusuuf Axmed “Hawd”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories