HomeHorn Cable TV oo xalay si toos ah u soo tabinayay xafladii...

Horn Cable TV oo xalay si toos ah u soo tabinayay xafladii London iyo Tv-ga qaranka oo ku fashilmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Telefishanka Horn Cable TV, ayaa xalay si too s ah u soo tabinayay xafladii balaadhnayd ee weftigii uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay kula yeesheen magaaladda London Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka UK.
Xafladaasi oo bilaabantay 10:41 habeenimo ee saacadda Afrikadda Bari waxay socotay illaa 12:55 habeenimo. Waxaanay ahayd madal si weyn loo soo agaasimay oo ay bulshadda ku dhaqan goboladda Somaliland oo dhami si weyn uga daawanayeen Telefishanka madaxa-banaan ee Horn-cable TV oo dedaal weyn oo wadaniyadeed u galay soo gudbinta tooska ah ee xafladaasi.
Xidhidhiyihii Barnaajkaasi ayaa ku cel celinayay in xafladan toos ay u tabinayaan Telefishanadda Horn-cable TV iyo SLNTV, hase yeeshee TV-ga qaranku waxba kama uu sii dayn xafladaasi waxaanay hawl-wadeenadda TV-ga ee sugan magaaladda London ay ku guul-daraysteen inay gutaan waajibka qaran ee ka saarnaa soo tabinta xafladaasi oo qiime weyn ugu fadhiday qaranka iyo bulshadda Somaliland ee ku dhaqan gudaha dalka.
“Waa nasiib darro in TV-ga qaranku aanu baahin xafladii balaadhnayd ee Jaaliyadda Somaliland u samaysay weftigii Madaxweynaha halka TV-ga madaxa-banaan ee Horn cable TV uu soo daaayay bilow ilaa dhamaad jawigii ay u qabsoontay xafladaasi,”ayuu yidhi Ismaaciil Nuur oo ka mid ah bulshada ku dhaqan Hargeysa oo ka mid ahaa dadkii sida tooska ah uga daawanayay xafladaasi Horn Cable.
Ismaaciil oo hadalkiiisa sii watay wuxuu yidhi “Waan ku hungoobay dhawr jeer oo aan eegay TV-ga qaranka, haba yaraatee waxba kamay sii daynin kulankaasi taariikhiga ah.”
“TV-ga Horn Cable waxay xalay muujiyeen inay si fudud iskugu xidhi karaan shacbiga Somaliland gudo iyo dibad-ba,”ayay tidhi Farxiya Xuseen Cabdi oo ka mid ah dadkii xalay u saamaleylay inay guryahooda ku daawadaan xafladii xalay.
Waxa kale oo rayul caamka bulshaddu ay xalay ilaa saaka goobaha barkulanka bulshadda ay ku faaqidayeen sida labada TV ay ugu kala tageen tabinta warkaasi, waxaana dadweynuhu ay sheegeen inay u sad-kordhinayaan Horn-cable oo ay sheegeen inuu xalay u qalmay in lagu maamuuso bilad qaran.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxa dadweynaha reer Hargeysa ay xalay hambalyo iyo bogaadi u dirayaan haw-wadeenadda Teleshinka Horn cable iyo maamulkooda, waxaana Wasaaradda warfaafinta la gudboon inay dib u eegto hawl-wadeenadda TV-ga qaranka ee UK oo ay wax ka bedesho qaabka habacsanaanta ay u shaqeeyaan.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories