HomeHorjooge Isku Hayn Kariwayey 80 Xildhibaan Malagu Aamini Karaa Hogaanka Dalka.‏

Horjooge Isku Hayn Kariwayey 80 Xildhibaan Malagu Aamini Karaa Hogaanka Dalka.‏

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

CIRROC/raxmaan Maxamed C/laahi  oo loo yaqaan ciro waxaa uu waxbarashada Dugsiga sare kaga baxay Iskuulka Shiiikh, waxaana markii danbe ka mid ahaa Basaasiintii Xamar ee wakhtigaasi u shaqaynaysay Dawladii arxanka darnayd ee Siiyaad bare, waxaan amuu markii danbe u gubaday dhankaa iyo ruushka oo uu noqday danjirihii dawladaa u fadhiyey ruushka.

Taariikhda uu leeyahay Cabdiraxmaan Ciro madawgaa tahay  ajar iyo abaal aanu midna dalkan usoo gelin halkankii qadhaadhaa ee dhiiga iyo dhuuxa loosoo shubay aanu maalin gelinkeed u hurin ayuu hadana doonayaa inuu manta ina yidhaahdo maalintii aad dagaalamayseena  basaasbaan ahaa  halgana hadalkiisa daa maantana cod baan idinka donayaa waliba mid madaxweyne kaas miyaan ka aqbalaa waa maya.

Miyaan ka yeelnaa cirro inuu aflagaadeeyo oo caayo Madaxweyne siilaanyo oo ahaa  ninkii isagoo ah wasiir ka door biday inuu duurka galo isagoo ka xumaaday una adkaysan waayey dhibkii iyo tacadigii lagu hayey dadkiisa, 10sanadood kusoo jiray sidii uu markale dib ugu soo celin lahaa qaranimadii luntay isagooo ka duulaayey inay jiilka danbe helaan nolol wacan iyo xoriyad,

Mudane ciro  waxaa uu ahaa toban sanadood gudoomiyaha baarlamanka oo ka kooban 80-xildhibaan waxaa uu maamuli kari la,ayahay 80-kaa mudane ee xeerku dhaqaayo oo ku sameeyaa nin jeclaysi iyo qabyaalad  ka gole baarlamaan horjoogi kari waayey  ma madaxtinimuu qaban karanayaa ?   “ Somalidu kay maqasha kala quusatay geela u dirataa”  dhankastoo la eego ciro malaha astaamaha hogaamineed qarana ma hogaamin karo ninkii diidayaaba ha diidii, dee ninkii ku doonaya qabiilow adeer qabiil waa laga baxay qaranka qabiil ma qaban karo.

Shalay markii lagu dilaayey caruurta la duqaynaayey dumarkana la kufsanaayey, SNM dhalandoolka bacadka iyo gudoodiga ugu jireen badbaadada iyo daafacaada dalka isagu sariirbuu ku jiifay ruushka  oo dalka halkaasuu kazoo daawanaayey  niyadiisana kumay jirin SNM baa wax xoraynaysa,  markii dalka lasoo dhisaayey ee dawlada la abuuraayey  sidaas ayuu barkimo  ugu jiifay.

Ciro haduu abaal leeyahay  Faysal Cali Waraabe oo ahaa shikhsigii ku tabcay ee aqoon  iyo waxkasta soo baray ee dhoofiyey  umuu abaalka dareen oo xisbigiisii kumuu qabsadeen  oo maxkamad laguu galeen, Waxaan leenahay Ciro Taariikh xumo mooyee waxkale kuuma hayno  Hogaanka Dalkana uma qalantid Gudoomiyaha Baarlamaankana waa lagugula  khaldamay.

 

By: Ugbaad Jalaqsan

ubaadjalaqsan@gmail.com

Oslo/Norway 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories