HomeHooyo Baafinaysa Caruur Ay Dhashay Oo Tahriibay

Hooyo Baafinaysa Caruur Ay Dhashay Oo Tahriibay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)- Tahriibka ayaa noqday masiibo labaatankii sanadood ee u danbeeyay soo food saartay guud ahaanba bulsahda Soomaalida gaar ahaana dhallinyarada. Sanad kasta kumanaan dhallin yaro Soomaali ah ayaa ku naf-waaya badaha, iyada oo ay qaarkoodna ku dhintaan dhulka saxaraha ah inta ay ku sii ijraan safarka tahriibka, kuwaasi oo gaajo iyo haraad u dhinta.

blankSidoo kale kumanaan dhallinyarada tahriibayaaasha ah ayaa qaarkood sanado badan ku jiraan xabsiyada dalalka ay sii maraan oo lagu xidhaa, halka ay kuwo kalena dhibaatooyink kale duwan kala kulmaan dalalka ay sii maraan.

waxaana dhacda in jidh-dil iyo gabood falo ay la kulmaan dhibaatooyinka iyo haligaadaha masiibada tahriibku ma aha mid ku kooban dadka tahriibayaasha ah oo qudha, balse waxay sidoo kale ma hadhooyin iyo raadad aan la soo koobi karin ku haysaa waalidiinta dhalay dadka tahriibayaasha ah iyo eheladooda.

Boqolaal waalidiin ah, oo ku nool Somaliland oo caruur ay dhaleen tahriibeen wakhtiyo hore ayaan ilaa hada ogayn meel ay ku sugan yihiin dadkaasi ay dhaleen, kuwaas oo aan laga warhaynin nolol iyo geeri midka lagu tirin karo.

Waalidiintaasi ay dadkoodu tahriibeen ee aan raq iyo ruux midna laga haynin ayaa walaac iyo murugo joogto ah ku haya waalidiintaasi.

Hooyo Xaliimo Xasan Maal, oo degan magaalada Burco ee gobolka Togdheer oo Khadka Telefoonka ugu waramaysay shabakadda wararka ee Somaliland.Org,  ayaa sheegtay in gabadh ay dashay oo magaceeda la yidhaahdo Gudoon Ismaaciil Obsiiye iyo ninkii qabay oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cabdi Daad, oo laba sano iyo badh ka hor ka tegay magaalada Burco aanay ilaa hada ogayn meel ay ku sugan yihiin, geeri iyo nolol midka lagu tirinayo.

Hooyadani ayaa sheegtay in horaantii sanadkii 2009, inanteeda,  ninkii  qabay iyo 35 qof oo kale ay ka baxeen dalka, kuwaasi oo ka kooban labaatan qoys, isaguna kula jiray qaar walaalo ah, kuwo ilma-adeer ah, kuwo isqabay iyo qaar kale oo ahaa ehelo aan sidaasi u kala fogayn, waxaanay hooyadani intaasi raacisay dhallinyaradasi oo isugu jiray rag iyo dumar tiradooda guud ahayd 37 qof, kuwaasi oo 5- ka mid ah ay ka tegeen ama ka yimaadeen magaalada Ceerigaabo, 5 kalena ka tegeen magaalada Hargeysa, halka inta kalena ay ka tegeen magaalada Burco.

Hooyo Xaliimo Xasan Maal, ayaa sheegtay in gabadha ay dhashay iyo  ninka qabay ay ugu danbaysay warkooda muddo hada laga joogo laba sano iyo badh, markaasi oo la soo xidhiidheen iyaga oo ka sii baxayay dalka Liibiya una sii jeeday dhinaca dalalka Yurub, isla markaana aanay ilaa hada ogayn meel ay ku sugan yihiin, iyada oo arrimahaas ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxaa noogu danbaysay laba sano iyo badh ka hor, markaasi oo ay nala soo xidhiidheen habeenkii ay Liibiya ka sii baxayeen, ilaa wakhtigaa wax war ah kamaan helin ah oo dhimasho iyo nolol midna inay bada ku qaraqmeen iyo inay ka baxeen midna ma ogin.”

Waxaanay intaasi sii raacisay “Markay 15 habeen ka sii maqnaayeen Liibiya, waxaa nagu bilaabmay telefoono la nagula soo xidhiidhayo oo marka aanu ka qabanana aan lanala hadlaynin, marka aanu ku celinana af Carabi ayaa lanagula hadlayaa ka dibna waa nalagu jarayaa oo cidi nalama  hadlayso, leeleel iyo dhibaato ayaa noo dhamaaday, waxaanu ka shakisan nahay inta badda laga soo qabtay in Liibiya lagu soo celiyay oo ay ku xidhan yihiin.” Ayay tidhi hooyo Xaliimo.

Hooyo Xaliimo Xasan Maal ayaa u soo jeedisay xukuumada Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya hawlaha tahriibka inay ka caawiyaan raadinta labadaasi qof geeri iyo nolol midka ay ku sugan yihiin, waxaanay tidhi “waxaana ka codsanayaa dawlada Somaliland iyada ayaa awood u leh inay la kaashato hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya tahriibka iyo arrimaha binu’aaadamka raadinta dadkaasi, sida Bisha Cas inay naga caawiyaan geeri iyo nolol mid uun si aanu uga samirno ama ula xidhiidhno.”

Hooyadani ayaa ugu danbayntii ugu baaqday dhallinyarada Somaliland ee ku hamiyay inay tahriibaan in aanay isku deyin arrintaasi oo ay sheegtay mid dhibaatadeedda leh, isla markaana ay aaminaan dalkooda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories