HomeHooyo 80 Jir Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo uga dacwootay Wasiir Xukuumaddiisa ka...

Hooyo 80 Jir Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo uga dacwootay Wasiir Xukuumaddiisa ka tirsan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

hooyoHargeysa (SLpost)- Hooyo Caasha Xuseen Maxamed (Caasho ilka-cas) oo ah waayeel 80-jir ah, ayaa madaxweyne Siilaanyo uga dacwtootay Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ay ku eedaysay inuu uga faa’idaysanayo awoodda xilka uu hayo ku-tumashada xuquuqda muwaadiniin taag-daran oo ay ku jirto, iyada oo xustay inuu khasab kaga qaaday dhul ay lahayd oo muddo badan ay deggenayn.

Qoraal xambaarsan farriin dacwad iyo tabasho isugu jirto oo hooyo Caasha Xuseen warbaahinta u marinayso madaxweyne Siilaanyo oo la soo gaadhsiiyey xafiiska shabakadda Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:- “Aniga oo ah hooyo waayeel ah oo reer Somaliland ah oo Magaceedu yahay Caasha Xuseen Maxamed, kuna magac dheer [Caasho-Ilka cas], waxaan Madaxweynaha Somaliland ku salaamayaa Salaanta Islaamka midda ugu qaalisan, bacda salaam;

Md. Madaxweyne Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa cabasho aan ka cabanayo hantidii deegaanka ii ahayd oo hore uu taliskii Faqashtu iiga qaaday iyaga oo yidhi Waxa laga dhigay “xarunta Boosta oo ku taalla xaafadda Jameeco-weyn.

Md. Madaxweyne dhul badan oo ceelal leh oo beero leh oo dhismayaal badan leh ayaa loo celiyey dadkii hore u lahaan jiray, aniga meeshii lay celin lahaa waxa hor istaagan Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif iyo nin kale oo uu isagu wato iyaga oo u shuraakoobay dhulkayga, waxaana uu igu yidhi dhulkan iyo dhismayaasha ka dhisanba waa hanti dawladeed waanan kireeyey, isaga oo ka kireeyey ninkii uu watay. Markii aan idhi maxaad dhulkii iiga qaaday oo nin aan shaqo ku lahayn ku siisay-na, isaga laftiisii ayaa ila dacwiyey oo yidhi ‘ ninkaan doono ayaan siinayaa’.

Haddaba haddii cid laga kiraynayo anigaa xaq u leh oo hantidaydii ka dhisan tahay, gurigayga iyo boostu waa isku gidaar illaa immikana sharcigeedii waan haystaa. Aniguna wasiirka hawlaha guud ergo badan oo dawlad leh, salaadiin leh oo shacbi lehba waan u diray, dhammaantood waa uu soo diiday, ergaduna waxa ay ku salaysnayd in aniga iyo dawladda aanay cidi u dhaxayn ilayn lama arag nin xaqiisii dawladdu ka qaaddo oo ay nin kale ka kirayso.

Markuu wasiirka hawlaha guud na diiday waxaanu nimi madaxtooyada, waxaanan u tegey Wasiir Xirsi, illaahay khayr ha siiyo, waa nin caddaali ah waxaanu u sheegay wasiirka hawlaha guud in haddii dawladu kiraynayso meesha aniga layga kireeyo, wasiirka hawlaha guudna wuu diiday arrintaa.

Markaa Md. Madaxweyne waxaad tahay nin caddaali ah oo cidii la dulmiyayo iyo inta jilicsanba u hiiliya, waxaanan kaa codsanayaa in aad Cabdirisaaq khaliif ah nin aan dal iyo dad u tudhayn iga qabato.

 

Allaa Mahad leh

Codsato: Muwaadinad Caasha Xuseen Maxamed

Hooyo Siddeetan Jir ah oo reer Somaliland ah

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories