HomeHoos u Dhac Dhaqaale oo Soo Foodsaaray Shiinaha, Inbadan Dalalka Carabta Ee...

Hoos u Dhac Dhaqaale oo Soo Foodsaaray Shiinaha, Inbadan Dalalka Carabta Ee Shidaalka Soo Saara  iyo Wadamo Yurub Ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost)-Suuqa saamiyada ee Dubai ayaa hoos u dhacay 7% halka Sacuudiga uu hoos u dhacay 6%, kadib markii hayadda qiimaysa waddamada iyo shirkadaha dhaqaalahooda ee Fitch ay hoos u dhigtay qiimaynta Sacuudiga.

Free-Nifty-Tips-by-SMS

Toddobaadkii hore, suuqa Dow Jones ee Maraykanka ayaa hoos u dhacay 6%, halka suuqa FTSE ee UK uu sicirka saamiyada shirkadaha uu hoos u dhacay 5%. Maalgashatada ayaa ka walaacsan hoos u dhaca Shiinaha iyo saamaynta uu ku leeyahay dhaqaalaha adduunka.

Faransiiska suuqa Cac 40 iyo Jarmalka suuqa Dax ayaa hoos u dhacay 7% toddobaadkii hore.Bariga Dhexe waxaa jira walaac gooni ah oo ah sicirka shidaalka oo aad u hooseeya, kaasoo hoos u dhacay in kabadan kala badh sanadkan, wuuna sii dhacayay tan iyo bishii May. Saliida nooca Brent Crude oo ahayd $68 barmiilkii, hadda waa $45 barmiilkii.

Hoos u dhaca shidaalka waxaa sabab u ah shidaal badan suuqa yaala, intooda badan waxay ka yimaadeen soo saarayaasha Maraykanka ee saliida Shale soo saara. Saliida Shale ee Maraykanka uu soo saaro ayaa hoos u dhigtay qiimahii ay ku lahaayeen dalalka OPEC ku jira saliidooda suuqyada.

Sacuudi Carabiya, Ciraaq, Kuwait, Qadar iyo UAE ayaa kuwada jira ururka OPEC. Sidoo kale waxaa saameeyay warbixin ay soo saartay hayadda Fitch ee qiimaysa dhaqaalaha dalalka iyo shirkadaha, iyadoo saadaalinta Sacuudi Carabiya ay ka dhigtay mid aan fiicnayn (nagative). Halka ay awal ahayd mid aan isbadal lahayn.

Talaabadan ayaa ka jawaabaysa walaac laga qabo mustaqbalka dhaqaalaha Sacuudiga oo aad ugu tiirsan shidaalka uu dhoofiyo. Saamiyada shirkadaha Shiinaha ayaa hoos u sii dhacaya, iyadoo walaaac laga qabo dhaqaalaha hoos u dhacaya iyo suuq dhaqso isku badalaya ay u keentay suuqa cabsi badan.

dhanka kale Sicirka suuqa Shanghai ayaa xirmay isagoo hoos u dhacay 8.5 boqolkiiba.Suuqa shiinaha ayaa hadda hoos u dhacay in kabadan soddon boqolkiiba tan iyo June dhexdeedii.

Dhamaan Asia, suuqa saamiyada ayaa hoos u dhacay markay xireen maanta oo Isniin ah. Halka suuqa Yurub uu furmay isagoo hoos u dhacay.

Xigasho BBC

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories