HomeHOLLAND: Maxkamad Holland ah oo si Khasab ah ugu Fulisay Daahir Calasow...

HOLLAND: Maxkamad Holland ah oo si Khasab ah ugu Fulisay Daahir Calasow Xukun Dacwad ay kaga Guulaysatay Shirkadda Dahabshiil

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dahabshiil-LogoHertogenbosch (SLpost)- Maxkamadda Racfaanka ee dalka Holland, ayaa si khasab ah ugu fulisay xukunno ay hore ugu riday nin la yidhaa Daahir Calasow oo lagu helay dacwad ay ka gudbisay shirkadda Dahabshiil.

Maxkamadda Racfaanka ee ku taal magaalada Hertogenbosch oo ay hortaalay dacwad shirkadda Dahabshiil ku oogtay Daahir Calasow oo ah nin Soomaali ah oo degan dalka Holland bishii Oktoobar ee sannadkii 2012, taas oo la xidhiidhay qoraallo iyo maqaalado dhawr ah oo been-abuur ah oo uu ku dacaayadaynayey magaca iyo sumcadda shirkadda, kuna faafiyey dhawr shabakadood oo uu samaystay, gaar ahaan Sunatimes, ASOJ iyo Waagacusub, ayey maxkamaddu ka soo saartay xukunno lagu riday ninkaasi 16kii bishii December 2014.

Maxkamadda oo go’aamisay in qoraalladaasi ahaayeen qaar meel-ka-dhac iyo magac-dilis ku ah shirkadda Dahabshiil, waxay ku xukuntay Daahir Calasow inuu ka noqdo oo uu meesha ka saaro maqaaladahaasi, si buuxdana u qoro, uguna faafiyo shabakadihiisa in qoraalladaasi ahaayeen been-abuur ula-kac ah oo uu ugu talogalay magac-dil shirkadda Dahabshiil, isla markaana waxay ku xukuntay inuu qoro farriin sixitaan ah oo waafaqsan qodobadaasi hore uu habka internetka (email) ugu dirayo dad badan oo uu hore dhawr sanno ka hor la wadaagay eedaymaha been-abuurka ah. Waxa kale oo maxkamaddu ku xukuntay Calasow inuu bixiyo guud ahaan kharashkii shirkadda Dahabshiil kaga baxay dacwadda intii ay socotay, iyada oo weliba xaddiday ganaax maalinle ah ku waajibaya haddii uu jebiyo ama ka soo bixi waayo arrimaha xukunka maxkamaddu waajibiyey.

Haseyaashee, xukunkaasi oo uu si buuxda uga soo bixi waayey Daahir Calasow dartii, ayaa maxkamadda Racfaanku 3-dii bishan February soo saartay amar si khasab ah uu ugu fulinayo xukunka ninkaasi. Waxaanna saraakiil ka socda maxkamadda iyo ciidammo boolis ahi ugu tageen Calasow guriga uu ka degan yahay Holland oo ay awood u adeegsadaan inuu u fuliyo xukunka ku dhacay.

Waxa kale oo loogu hanjabay in boolisku si joogto ah ugu soo noqon noqon doono ilaa si buuxda u fulinayo xukunka maxkamadda iyo ganaaxa la saaray.

Arrintaasi waxay keentay in markiiba Daahir Calasow uu ku dhaqmo qodobadda maxkamaddu ku heshay, isagoo qoraallo uu ku qirayo in maqaalladii uu shirkadda Dahabshiil ka baahiyey ay been-abuur ahaayeen ku baahiyey bogga ugu sarreeya ee degalladiisa sida Sunatimes, laguna amray inay muddo ku jiraan oo cid waliba aragto, sidoo kale uu farriin (email) uu ku sheegayo inuu wixii uu Dahabshiil ka qoray been ahaayeen u kala diro dad badan.

Afhayeen u hadlay shirkadda Dahabshiil oo arrintani ka hadlayey, ayaa yidhi, “Daahir Calasow waxa uu caadaystay in badan inuu isku dayo inuu ka been abuurto oo xajiimeeyo ama dhaawac u gaysto magaca iyo sumacadda shirkadda, waanuna soo dhawaynaynaa go’aanka maxkamadda oo caddeeyey in aannaan wax eed ah ku lahayn eedaymihiisa oo ay muuqatay inay been-abuur iyo ceebayn keliya yihiin.”

“Shirkadda Dahabshiil waxay xidhiidh togan oo wanaagsan la leedahay saxaafadda Soomaalida iyo tan caalamkaba, kumana faraxsanin runtii inaanu Calasow iyo qayrkii toonna saxaafadda dacwado maxkamado gaadhaa na dhexmaraan, waxa kelifay isaga oo olole dhagaraysan oo sumcad dil ah joogtaystay, kaas oo waajibiyey in aan af-ku-xooglaha xoog-ku-doonka ahi guulaysan,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories