HomeHoggaannada Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI oo siyaabo kala duwan uga hadlay Geerida...

Hoggaannada Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI oo siyaabo kala duwan uga hadlay Geerida Naxinta leh ee Marxuum Mujaahid Ooto Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Waxa Cad Raadkii Muuse Biixi Uu Jidgooyada U Galay Madaxweyne Siilaanyo , Waxaana Qoyan Hagar-daamooyinkii Uu Dalka U Geystay ” Musharax CiroHargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta ugu sarreysay Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, ayaa shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay Geerida naxdinta leh ee ku timi mid ka mid ah mujaahidiyiinta dhifta ee dalka Marxuum Maxamed Biixi Caalin (Ooto Biixi) oo maanta ku geeriyooday Cusbitaalka Edna Aadan ee magaalada Hargeysa.

Alle Ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto Biixi) oo muddooyinkii u dambeeyey cusbitaallo kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa u jiifay xannuun ka haleelay beerka, ayaa ka mid ahaa haldoorka mujaahidiinta dalka, isla markaana si weyn looga yaqaanay guud ahaan waddanka, gaar ahaan magaalada Hargeysa.

Haddaba, war-qoraallo kooban oo ka soo baxay xafiisyada labada xisbi oo ay ku muujiyeen murugada ay ka qabaan geerida ku timi mujaahidka, oo loogu talo-galay war-baahinta ayaa loo soo kala gaadhsiiyey sidan hoos ku xusan:

Ugu horeyn, war-qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa u qornaa sidan:-  “Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 05/06/2017.

Marxuum Mujaahid Ooto Biiixi
Marxuum Mujaahid Ooto Biixi

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku tilmaamay Marxuum Maxamed Biixi Caalin (Ooto) ku tilmaamay mujaahid naftiisa iyo dhiiggiisaba u soo huray dib-u-xorayntii dalka iyo dadka reer Somaliland oo ka baxay qaranka maanta, isla markaana ka qaybgalay halgannadii hub-ka-dhigista iyo dib-u-heshiisiintii beelaha Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.” Sidaaas ayaa lagu sheegay war-qoraalka Xusbiga KULMIYE kaga hadlay geerida Marxuumka.

Sidoo kale, war-qoraal ka soo baxay xafiiska warbaabinta ee xusbiga WADDANI, ayaa u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa MadaxweynahaXisbiga  WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo  taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee kala jooga gudaha  iyo dibadda dalka,  wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo maanta 5/06/2017. ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, wuxu  sidoo  kale  tacsi u dirayaa ehelkii, qaraabaddii, qoyskii iyo caruurtii uu ka baxay marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto)  isagoo ku sifeeyey Marxuumka  inuu ahaa Mujaahid ka soo qayb-qaatay halgenkii dib u xorreynta dalka iyo dib u heshiisiintii –beelaha Somaliland,

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro wuxuu tilmaamay inuu Marxuum Ooto Biixi Caalin ahaa shakhs helyey qaran oo la tebi doono. Inaa Lillaahi Waa Inaa Ilayhi Raajicuun.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-qoraalka WADDANI ee xambaarsan tacsida geerida marxuumka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories