HomeHoggaanka Xisbiyada Qaranka oo ka shiray Xilliga Doorashada loo muddeeyey oo khilaafsan...

Hoggaanka Xisbiyada Qaranka oo ka shiray Xilliga Doorashada loo muddeeyey oo khilaafsan muddo-kordhinta Guurtida iyo Mowqifkooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta ka shiray xilliga la qabanayo Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo guddiga doorashooyinku u muddeeyeen 31-ka bisha May 2021-ka, taas oo khilaafsan muddo-kordhin ay Guurtidu hore ugu sameeyeen Golaha Wakiillada oo dhammaanaysa bisha November ee sannadkan.

Komishanka Doorashooyinka oo maalintii shalay la kulmay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa u gudbiyey inay go’aamiyeen in doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ay qaban doonaan 31 May 2021, kaddib markii ay soo gebo-gabeeyeen wejigii 2aad ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo labadii bilood ee u dambeeyey ka socotay dalka.

blankHaddaba, Hoggaanka sare ee saddexda xisbi qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta kulan la qaatay madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, ayaa si wada-jir ah usoo dhaweeyey maalinta ay xubnaha komishanka doorashooyinka qaranku u cayimeen inay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, balse waxa ay farriin u direen golaha guurtida oo iyagu iska leh awoodda ugu dambaysa ee cayimaadda doorashada.

Kulanka kaddib ayay hoggaanka sare ee saddexda xisbi-qaran oo si wada jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada, waxa ay shaaca ka qaadeen inay si buuxda u taageersan yihiin muddada ay xubnaha komishanka doorashooyinku soo jeediyeen in dalka laga qabto doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka.

Ku simaha xog-hayaha guud ee xisbiga UCID, Mudane Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaciyey inay xisbiyada qaranku iyaga oo isku duuban isku raacsan yihiin sidii doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada loo qaban lahaa maalinta ay komishanka qaranku soo jeediyeen oo ah 31-ka bisha shanaad ee sannadkan aynnu ku jirno ee 2021-ka, waxana uu golaha guurtida ugu baaqay inay muhiimad gaar ah siiyaan waqtiga iyo ku midaysan yihiin Axsaata qaranka iyo Komishanka qaranku.

Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa ugu horrayn si niyadsami leh u bogaadiyey dedaallada ay komishanka qaranka iyo xukuumaddu ugu jiraan sidii ay dalka doorasho uga dhici lahayd, isaga oo baaq u diray golaha guurtida, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Maadaama oo maanta aannu dadku diyaar u ahayn doorasho dambe oo dib inooga dhacda, waxannu go’aansannay guurtida inaannu ka dalbanno inay is waafajiyaan maalinta uu komishanku qabtay iyo maalinta ay cayimaan, cid Allaale iyo ciddii gacan ka geysatay diiwaangelinta, haddii ay komishanka tahay, haddii ay xukuumadda tahay, haddii ay odayaasha dhaqanka tahay iyo haddii axsaabta qaranka tahayba aad iyo aad baannu u bogaadinaynaa.”

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa  isaguna hoosta ka xarriiqay sida ay axsaab ahaan ugu wada midaysan yihiin in doorashada la qabto maalinta ay komishanka qaranku u cayimeen qabsoomidda doorashooyinka, isaga oo golaha guurtidana ugu baaqay inay dhegaystaan baaqa axsaabta, si looga dheeraado doorasho dambe oo dib u dhacda.

“Waxa ay xisbiyada qaranku isla qaateen inay si midaysan u taageeraan soo jeedinta ay soo jeediyeen komishanka doorashooyinku, waxa kale oo ay soo jeedinayaan si qaran ahaan aynu u midaysnaanno, dib-u-dhac dambena aanu innagu iman, maadaama oo ay guurtidu hore muddada u kordhisay, in guurtida, xukuumadda iyo xisbiyaduba ka wada hawl-galaan si la isu waafajiyo muddadii hore ee guurtidu tilmaantay iyo muddada imika komishanku soo jeediyeen.” Sidaas ayuu yidhi Md Maxamed Kaahin Axmed.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories