HomeHoggaanka Xisbiga UDUB oo aragtiyo is-khilaafsan ku fasiray Midho-dhalka Shirka Golahooda...

Hoggaanka Xisbiga UDUB oo aragtiyo is-khilaafsan ku fasiray Midho-dhalka Shirka Golahooda Dhexe ee Maanta Bilaabtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Waxa baryahanba khilaaf xooggani ka dhex muuqday gudaha Xisbiga UDUB gaar ahaan masuuliyiinta ugu sarreeya ee Xisbigaas, oo ay ku jiraan raggii xilalka ka hayey dawladdii talada lagaga guulaystay, kuwaas oo is-maan dhaafkoodu keenay kala duwanaansho aragtiyeed oo ku aaddan Majaraha iyo kalsoonida siyaasadeed ee Xisbiga.
Isaga oo khilaafkaasi jiro, waxa maanta magaalada Hargeysa ka furmay Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB oo ay ka soo qayb galeen ergay ka kala socotay gobollada Dalka. Shirkan oo sida la sheegay dib loogu habaynayey golaha Dhexe ee Xisbiga isla markaana lagu hawl-galinayey guddiga fulinta ee Xisbigaas.

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB mr. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa qabsoomidda shirka ku tilmaamay mid lagu dhammaystirayey xubnaha Golaha Dhexe isla markaana lagu diyaarinayo xubnaha xisbiga uga qayb-gali doona doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Dalka.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Shirkan maanta bilaabmay waa sannad-guuradii Xisbiga iyo Golaha Dhexe, waxaana ugu horreyey in la dhammaystiro xubnihii golaha Dhexe wixii dhintay iyo wixii ka tagayba, taasina way dhammaatay. Go’aamada kale ee aanu maanta isla qaadanay waxa ka mid ah Guddiga Fulinta oo loo igmaday inay kaabaan xeerarkii Xisbiga, waayo waxaanu doonaynaa inuu xisbigu yeesho Guddoomiye, Murashax madaxweyne iyo murashaxiintii ka qayb-gali lahaa Doorashooyinka kale.”

Shirkan oo ay masuuliyiin badan ka hadlayeen ayay ka soo baxayaan dareenno ku aaddan shaqada iyo hawlaha ay qabanayaan Xubnaha Golaha Dhexe ee maanta la meel mariyey, taas oo dadka qaarkood ku tilmaameen ku-celinta tallaabo dil-dilaac hore uga dhex abuurtay oo Xisbiga UDUB oo masuuliyiintii ugu miisaanka weynaa ay saaka ka maqnaayeen kalfadhiga u furmay Golaha Dhexe.

Muj. Cali Guray, Afhayeenka Xisbiga UDUB, oo sababaynaya faa’idada kaldhiga Golaha Dhexe u leeyahay Xisbiga iyo bahweyntiisa ayaa yidhi, “Golaha Dhexe Dhiig-joojin ayuunbuu noqonayaa. Hadduu halkaa ku joogsado, barnaamijka dib-u-habaynta UDUB maaha mid Gole Dhexe ku dhammaanaya, waana hawl faro badan.” Cali Guray waxa uu carabka ku dhuftay in Golaha Dhexe iyo doorashadiisu maanta ku koobnayd isla markaana shirka laga soo saari doono Guddi fulineed oo loo baahan yahay in Golaha Dhexe Anisixiyaan. Haseyeeshee, waxa uu sheegay inaanu garanayn halka ay ka soo baxayaan iyo Cidda Ansixinaysa Guddiga Fulinta ah oo tilmaamay haddii aanay maanta ansixin Golaha Dhexe, “Anigu ma garanayo cid ansixinaysa Guddiga Fulinta haddii aanay Golaha Dhexe ee maanta la dhammeeyey ansixin,” ayuu yidhi Cali Guray.

Dhanka kale, Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlaya hawsha ay qaabilsanaanayaan Gudiga la dooranayo ayaa yidhi, “Golahan Dhexe waxa uu igmanayaa guddiga Fulinta oo ka hawl-galaya kaabidda xeerka. Xeerkana waxa loo kaabayaa Guddoomiyihii Xisbiga iyo Murashaxiintii baa la kala qaadayaa. Midda kale, waxa la soo hormarinayaa shirweynaha Xisbiga oo laga ansixinayo Murashaxiinta.”

Hoggaanka Xisbiga UDUB oo wali gacanta ugu jira xubnihii ka tirsanaa xukuumaddii talada dalka lagaga guulaystay ayaan ilaa haatan aanu caddayn mustaqbalka Xisbiga iyo halka ay geyaysiin doonaan maadaama shacbigu ka codeeyeen.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo difaacaya dhaliisha kor saaran Xisbiga iyo rakaabkiisa ayaa ku dooday in wasiirradii UDUB ay ka tayo wanaagsan yihiin ragga kale ee dhiggooda ah, isaga oo arrintan ka hadlayana waxa uu yidhi, “Kolley waxa laga hadlayaa waa wasiirro, wasiiradii UDUB-na waxaan u arkayaa inay yihiin ragga dalkan ugu Tunka weyn. Markaa waxaan ugu arkaa in la xaasidayo.” Isaga oo ka hadlaya inay soo bandhigayaan wejiyo umadda iyo saaxadda siyaasadda ku cusub waxa uu yidhi, “Kolley imika waxa Golaha Dhexe iyo Fulintaba soo galay dad ‘New Blood’ ah, annaga oo weliba xoogga saarayna haweenka iyo dhalinyarada.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories