HomeHoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo dhaliilo kala duwna u Jeediyey...

Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo dhaliilo kala duwna u Jeediyey Xukuumadda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaas Jamaal Cali Xuseen,  ayaa ka hadlay xaaladda uu dalku marayo aragtidooda xisbi ahaan, ka dib doorashadii ay ku soo baxeen saddexda xisbi qaran ee ay ka midka yihiin.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxweynaha Jamaal Cali Xuseen oo maanta  si wada jir ah shir-jaa’id ugu qabtay Xarunta dhexe ee Xisbiga UCID iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga UCID, ayaa waxa ay faahfaahin ka bixiyeen Xaaladda doorashadii la galay, fekerkooda ku wajahan saamaynta doorashadu shacabku ku yeelatay, wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, waxa ay ka aamisan yihiin doorasho dambe oo dalka ka dhacda nooca ay noqon doonto iyo arrimo kale oo door ah.

xisbiga ucidUgu horreyn Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaas ka hadlay, ayaa ku bilaabay hadalkiisa,  “Waxa ay ahayd marka masuuliyiinta gobolada ee Komishanka la soo xulayo la doorto masuuliyiin la isla ogol yahay oo axsaabtu ay ka qayb gasho, manay yeelin arintaasi oo kaligood ayey soo sameeyeen, waxa ay ahayd in goobaha codeynta ee laga codeynayey in la isla ogolaado, ilaa hadda ma garanayno inta ay ahayd tirada goob codeyn ee dalka ka jirtay, waxa ay ahayd in marka ay imanayaan waxyaabaha keeni kara in la isku qabsado sida khadka iyo waxyaabaha kale ee la midka ah inaanu goob joog ahaano, waxaanu ka war helay iyaga oo yaala, waxa ay ahayd in la ogaado inta warqad cod bixineed ee lagu soo talo galay ilaa hadda garan mayno inta warqad ah ee la soo daabacay oo waxa codeynayey 850, 000 (Sideed Boqol iyo konton kun), afartii doorasho ee aynu galnay waxa u badnayd tii baarlamaanka oo 650,000 (lix Boqol iyo konton kun) ayey ahayd, iyada oo ay ahayd in halkaasi laga qiyaas qaato, waxaananu u aragnaa in warqadahan imika ee la soo sameeyey rooxaan tan imika ee aananu garanayn in loogu soo talo galay ee soo saartay Waddani iyo Kulmiye mustaqbalka Komishankana waxaanu u daynaynaa shacabka reer Somaliland doorashadaasina waxaanu u aragnaa doorasho khatar ina galisay oo hoos inooga soo dhigtay hankeenii qaranimo,” ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu Xukuumada ku eedeeyey in deegaan aanay maayar ku lahayn aanu soo bixin, “Dawladdu waxa ay jeclaatay in deegaan aanay Maayar ku lahayn aanu soo bixin oo shalay waxa dirqi ku hirgalay doorashadii maayarka Sallaxlay oo maantana waxa taagan doorashada Saylac, waxaananu leenahay Saylac kama duwana degmooyinka qarankee sharcigii lagu dhaqay degmooyinka kale ha lagu dhaqo”.

Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu sheegay in doorashadii dalka ka qabsoontay ay ku dhamaatay inuu soo baxo xisbigooda oo mucaarad ah iyo laba xisbi oo muxaafid ah, isaga oo arrimahasi ka hadlayana waxa uu yidhi, “Doorashadii waxa ay ku dhamaatay in laba xisbi oo isku mid ah iyo xisbiga UCID soo baxeen, waxaanu leenahay shacabka reer Somaliland xisbiga mucaaridka ah ee kaliya ee idiin soo baxay waa xisbiga UCID”.

Musharaxa Madaxweynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isaguns halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in dedaalkii ictiraaf raadinta Somaliland uu noqday mid si weyn looga gaabiyey, “Wax badan ayaa inaga baylah ah sidaa guddoomiyuhu sheegay doorashooyinka iyo qodobadaasi uu sheegay ayaa inaga baylahsan, laba qodob uunbaan ka hadlayaa, waxaad moodaa in ictiraafkeenii iskugu soo hooray arintaasi wada hadalada Soomaaliya, Barigii hore ictiraafka meelo kale ayaa laga raadin jiray oo waa la fir fircoonaa xisbiyada ayaa xitaa ka qayb qaadan jiray, dadkeenii qurbaha joogay xitaa ayaa ka mid ahaa oo ictiraafka raadin jiray, laakiin markii ay arkeen in wixii oo dhan ay isugu soo urureen wada-hadaladii Soomaaliya ayey wax walba isla istaageen, waxaad mooda in rejadeenii dhamayd ay ku xidhan tahay Soomaaliya. Waar nin ku dhaartay dastuurkii Somaliya oo ah in Saylac ilaa raaskaanbooni uu madax u yahay, sideebaad ictiraaf uga sugtaa inuu intuu ku ictiraafo uu iska kaa sii daayo, waxa loo baahan yahay maskax kale oo ah adiga oo wada hadalada Soomaaliya la socda, hadana waa in ictiraafka qorshe loo sameeyo in dadku isku yimaadaan saaxiibadeeniina u yeedhno oo aynu ka hadalno oo aynu nidhaahno waar ictiraafkii maxa inaga hor taagan”. ayuu yidhi Md. Jamaal Cali Xuseen.

Waa markii u horreysay ee masuuliyiinta sare-sare ee Xisbiga UCID tan iyo wixii ka dambeeyey doorashada Deegaanka, ay si wada-jir ah xukuumadda ku dhaliilaan qaabkii ay uga qayb-qaadatay geedi-socodkii doorashada goleyaasha deegaanka iyo weliba dariiqa maamul ee ay u jeexday hagidda siyaasadda Dalka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories