HomeHoggaanka Xisbiga Kulmiye oo shaaciyey Liiska Rasmiga ah ee Xubnaha Golaha Dhexe...

Hoggaanka Xisbiga Kulmiye oo shaaciyey Liiska Rasmiga ah ee Xubnaha Golaha Dhexe oo la Xaqiijiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa maanta baahiyey Liiska rasmiga ah ee Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ka soo baxay Shirweynihii 4aad ee Xisbiga, kadib markii hubin iyo xaqiijin lagu sameeyey liis hore loo baahiyey 10-kii bishan October 2020-ka.

Liiskan oo ka kooban xubnaha Golaha Dhexe ee ka yimaadda Gobollada dalka, Maayarrada iyo xildhibaannada xilka iyo Doorashada kaga mid noqday Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxa rasmi ahaan u saxeexay Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere).

Liiska hore loo baahiyey ee sixitaanka lagu sameeyey ayaa ka koobnaa 8 Xubnood oo Hoggaanka sare ee xisbiga ah, 239 xubnood oo gobollada ka soo galay iyo 54 xildhibaan, kuwaas oo wadarta tiradoodu ahayd 301 xubnood.

Haseyeeshee, Sixitaanka lagu sameeyey ee ku soo baxay liiska cusub ee xubnaha Golaha Dhexe ayaa ka kooban 6 Xubnood oo hoggaanka sare ee Xisbiga ah, 239 xubnood oo gobollada ka yimi, 5 Maayar iyo 48 Xildhibaan, kuwaas oo wadarta tiradoodu isku noqonaysa 298 Xubnood oo noqonaya tirada rasmiga ah ee Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Sida ku xusan lifaaqa u dambeeya, waxa liiska ka maqan 7 xubnood oo loo banneeyey Guddoomiyeyaasha Gobollada ee xisbiga, kuwaas oo la sheegay in lagu dari doono marka la soo dhammeystiro. Sidoo kale, waxa ay laba xubnood ka maqan xubnaha ka imanaya gobollada dalka.

Hadda, Shaxda hoose kaga bogo Liiska rasmiga ah ee Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee maanta la shaaciyey

blank
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
blank
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
blank
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
blank
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
blank
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
blank
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
blank
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
blank
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye
blank
Liiska Rasmiga ah ee Golaha Dhexe ee Kulmiye

Shirka 7aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa la filayaa inuu magaalada Hargeysa ka furmo maalinta Arbacada ah ee Todobaadkan oo ku beegan 28-ka bishan October, sida uu hore u shaaciyey Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories