HomeHoggaanka xisbiga KULMIYE oo Kulan la Yeeshay Madaxda Hay’adda SAFERWORLD

Hoggaanka xisbiga KULMIYE oo Kulan la Yeeshay Madaxda Hay’adda SAFERWORLD

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa kulan la yeeshay madaxda hay’adda caalamiga ah ee SAFERWORLD oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, kana shaqaysa xoojinta nabadda, ka hortagista khilaafaadka iyo ka shaqaynta arrimaha dimuqraadiyadda.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Md. Maxamed Kaahin Axmed, Afhayeenka xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaadhaafi) iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta xarunta xisbiga ku qaabilay wefti ka socda hay’adda SAFERWORLD oo ka koobnaa afar xubnood oo uu hoggaaminayey madaxa xafiiska hay’adda ee Somaliland Mr. Cabdijaliil Daahir, waxaanay ka wadahadleen wadashaqayn cusub oo dhexmari doonta xisbiga iyo ururkan caalamiga ah.

Kulanka ayaa ka sakow isbarasho dhexmartay hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiinta hay’adda, waxa lagu falanqeeyey horumarinta dimuqraadiyadda Somaliland iyo arrimaha labada dhinac ka wada shaqayn karaan, waxaanna saraakiisha SAFERWORLD xuseen inay danaynayaan in xisbiga ay kala shaqeeyaan tababarro la siiyo muraaqibiinta ka hawlgali doona doorashooyinka kala duwan ee qorshaysan inay dalka ka qabsoomaan horraanta sannadka 2017. Waxa kaloo ay sheegeen inay kala shaqaynayaan KULMIYE awoodaynta hay’adaha xisbiga.

Dhankooda, madaxda xisbiga KULMIYE waxay soo dhaweeyeen qorshaha hay’adda SAFERWORLD, waxaanay ku wargaliyeen inay diyaar u yihiin la shaqaynta cid kastoo danaynaysa horumarinta nidaamka dimuqradiyadaynta Somaliland.

Weftiga hay’adda SAFERWORLD waxa kaloo xubno ka ahaa; Oliver Chevraen oo ah maamulaha mashaariicda, Marjorie Walla oo ah khabiir sare oo la-taliye mashaariicda ah iyo Cabdi Cali oo isna ah la-taliyaha mashruuca.

© 2016 Microsoft Terms Privacy & cookies Developers English (United States)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories