HomeHoggaanka UCID oo Dowladda Ingiriiska hor-dhigay Xadhig loo geystay Murashixiin Xisbiga ka...

Hoggaanka UCID oo Dowladda Ingiriiska hor-dhigay Xadhig loo geystay Murashixiin Xisbiga ka tirsan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa maanta kulan magaalada Hargeysa kula qaatay Safiirka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Danjire Kate Foster oo socdaal ku timi dalka.

Kulankan oo goob-joog ka ahaayeen Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan oo ay weheliyaan masuuliyiinta sare-sare ee Xisbiga halka safiirka dowladda Ingiriiska ay ku wehelinayeen masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Safaaradda Dalkaas, waxaana kulanka lagaga hadlay Arrimaha Doorashooyinka isku-sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee Somaliland oo dalka ka qabsoomi doona 31-ka bsihan May.

blankWaxa ay masuuliyiinta Xisbiga UCID kala hadleen safiirka Ingiriiska xadhig loo geystay xubno ka tirsan murashaxiinta Xisbiga u metelaya doorashada, sida uu sheegay Murashax Axmed Cabdi Muuse Abyan oo ka warbixiyey arrimaha lagaga hadlay kulanka madaxda Xisbigu la qaateen Safiirka Ingiriiska.

“Waxaanu Kulan Xasaasiya Oo aan Kaga Hadlaynay Arrimaha Doorashooyinka Isku Sidkan ee Golayaasha Wakiilada Iyo Deegaanka ee Dhowaan Ka Dhici doona Dalka La Qaadanay Safiiradda Dalka Ingiriiska Uqaabilsan Arimaha Somalia iyo Somaliland Kate Foster iyo Masuuliyiin kale Oo Ka socday boqortooyada Dalka Britain Oo Xisbi Ahaan Aanu Si Gaara Ugu Soo Dhoweynay Magaalada Hargaysa,” Sidaas waxa bartiisa Facebook ku qoray Murashax Axmed Cabdi Abyan oo ka tirsan masuuliyiinta saresare ee UCID isla markaana u sharraxan Doorashada Golaha Wakiillada.

Murashaxii hore ee madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Prof. Axmed Cabdi Abyan waxa kale oo uu sheegay arrimo khuseeya arrimaha xisbiga oo ay kala hadleen safiirka Ingiriiska.

“Sidoo kale Waxaan Ka wada hadalay Safiiradda & Masuuliyiinta Kale ee ay safarka ku hogaaminasay Xadhiga Iyo beegsiga Murashaxiinta xisbiyada mucaaradka ah, gaar Ahaan labada xildhibaan ee ka Soo jeeda Gobolka Sool, Xildhibaanka la xidhay iyo gabadha keliya ee Sool Golaha wakiikada uga sharaxan oo iyana lagu Daba jiro arintaasi oo meel fiican noo maraysa”. Sidaas ayuu yidhi Murashax Prof Abyan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories