HomeHoggaanka Sare ee Kulmiye oo Waxba kama jiraan Sharciga Baalmarsan ku tilmaamay...

Hoggaanka Sare ee Kulmiye oo Waxba kama jiraan Sharciga Baalmarsan ku tilmaamay Kulan Deg-deg ah oo Madaxweyne ku-xigeenku ka Dalbaday Guddida Fulinta ee Xisbiga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Sare ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in shirweynaha Xisbiga ee dhawaan la muddeeyey qabsoomiddiisa aanay waxba iska beddelin, isla markaana wakhtigan lagu gudo-jiro diyaar-garowga ay guddida qaban-qaabadu ugu jirto diyaarinta ajandaha iyo Qorsheyaasha Shirka.

Hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye oo daba-socda baaq uu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici kulan deg-deg ah isugu yeedhay guddida Fulinta ee Xisbiga, ayaa sheegay in guddoomiyaha Xisbiga oo kali ahi go’aamin karo kulan ama fadhi laysugu yeedho Guddida Fulinta isla markaana ay sharciga baalmarsan tahay waraaqda uu madaxweyne ku-xigeenku isugu yeedhay, waxaanu hoggaanka xisbigu guddida Fulinta ugu baaqay inaanu shirkaasi waafaqsanayn shuruucda iyo xeerarka Xisbiga.

Maxamed KaahinSidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, kaas oo u qornaa sidan:Shirweynaha 3aad ee xisbigha KULMIYE waxa uu ku mudaysanyahay 21/01/2014, hawshii shirweynaha  waxa gacanta ku haya Gudiga Qabanqaabada ee loo xilsaaray diyaarinta iyo abaabulka shirweynaha, waxaanna u qabsoomay guddiga:

1.  In la doortay  Guddoonkii Guddiga oo kala ah;Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeenno, xoghaye iyo Afhayeen
2. Waxay diyaariyeen  xeer-hoosaadkii hagayey hawlaha Guddiga
3. Waxay magacaabeen  Guddi-hoosaadyadii u xilsaarnaa hawlaha kala duwan ee Qabanqaabada
4. Waxay diyaariyeen qorshe hawleedkii  (work  plan) guddigu ku shaqaynlahaayeen.

Hawlahaas oo dhammaan ay guddiga Qabanqaabadu si madaxbannana u fuliyeen, sidaa darteed, hawlihii Qabanqaabada shirweynuhu waxay u socdaan si habsami ah,  shirweynuhuna waxa uu qabsoomayaa muddadii loogu talogalay sida uu dhigayo xeerka xisbiga KULMIYE.

Fadhiyada Guddiga fulinta xisbiga waxa isugu yeedhi kara Guddoomiyaha xisbiga, ajandeyaasha Guddigana  waxa diyaarinaya Xoghayaha Guud ee Xisbiga.

Sidaa darteed, warqada uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland isugu yeedhayo Guddiga Fulinta ee waliba uu ugu yeedhayo gurigiisa uu ku noolyahay, waxa ay baalmarsantahay sharciga iyo hab-dhaqanka xisbiga.

Arrintaasina waxay muujinaysaa shir gaar ah oo lagu wiiqayo habsami-u-socodka  hawlaha qabashada shirweynaha xisbiga, kaas oo  ka gudbay marxalado badan oo hore. Xubnaha Gudiga Fulintana waxa lagu wargalinayaa in aan shirkaasi waxba jirin.”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Saylici), ayaa war-saxaafadeed uu xalay soo saaray kulan deg-deg ah oo gurigiisa loo qorsheeyey isugu yeedhay guddida fulinta ee Xisbiga, isaga oo waraaqda uu ku shaaciyey yeedhmada Guddiga fulinta ku kala dhantaalay hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee uu doonayay inay goob-joog ka ahaadaan kulankaas, waxaanu ku soo qaatay waraaqdiisaas inay goob-joog ka ahaanayaan Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Kulmiye Xildhibaan Waabeeye iyo guddoomiye ku-xigeenka 3aad Cabdiraxmaan Talyanle. Waxaanay arrintani soo shaac-saartay dhaq-dhaqaaqyo ay durba bilaabeen shakhsiyaad hunguri kaga jiro hoggaaminta iyo murashaxnimada xisbiga, wejigii koowaad ee loolankana siyaasadeed lagaga adkaaday, balse wakhtigan quud-darraynaya inay tushuush siyaasadeed ku furaan shirweynaha qaban-qabaabadiisu socoto ee masiirka xisbiga Kulmiye iyo taagerayaashiisu ku xidhan yihiin. 

XIGASHO: Hawdmedia.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories