HomeHoggaanka Sare ee Kulmiye oo maanta ka shiray Go’aan la sheegay inuu...

Hoggaanka Sare ee Kulmiye oo maanta ka shiray Go’aan la sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo kaga tanaasulay Murashaxnimada Madaxweynaha iyo qaraar ay ka soo saareen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

shabeelHargeysa (SLpost)- Xisbig talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa ka dareen-celiyey warar shalay lagu baahiyey Warbaahinta Maxalliga ah ee dalka, kaas oo lagu sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay murashaxnimada doorashada madaxtooyada ee sannadka soo socota la filayo inay dalka ka qabsoonto ugu meteli doono xisbiga Kulmiye, wakhtiganna uu ku hawlan yahay sidii loo diyaarin lahaa shakhsigii beddelkiisa geli lahaa.

Warkan oo lagu baahiyeyh qaar ka mid ah wargeysyada dalka todobaadkan, ayaa lagu sheegay in go’aanka tanaasulka ee madaxweynaha uu ka soo baxay isla markaana lagu gaadhay kulan madaxtooyada ku dhex-maray Madaxweynaha, Wasiirro xukuumaddiisa ka tirsan iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, halkaas uu madaxweynuhu uga sheegay inaanu awood ahaan sii wadi karin loolanka hoggaanka dalka, wakhtiganna loo baahan yahay ciddii beddelkiisa geli lahayd, isla markaana halkaas lagu soo qaaday in xisbigu tartanka madaxweynaha inuu uga qayb-galo u wakiisho saddex xubnood oo laba wasiirro xukuumadda ka tirsan ah iyo Guddoomiyaha Kulmiye, inta doorashada ka hadhayna loo hawl-galo sidii loo kala saari lahaa saddexdooda xubnood.

Hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, ayaa kulan ay maanta yeesheen oo ay kaga arrinsadeen warka laga baahiyey madaxweynaha, ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo yahay murashaxa kaliya ee xisbiga u meteli doona doorashada madaxtooyada, isla markaana uu been-abuur yahay warka lagu baahiyey saxaafadda dalka qaarkeed.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo warkan iyo go’aanka xisbiga uga yaala murashaxnimada madaxtooyada lagaga hadlay, ayaa u qornaa sidan:- “Xisbiga KULMIYE Wuxuu Si cad u Beeninayaa Warka Shalay ku Soo Baxay Labada Jariidadood ee kala ah Ogaal iyo Geeska Africa ee lagu Sheegay inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Go’aansaday inuu ka Tanasulay Murashaxnimadiisa Doorashada Madaxtoyada Ee 2015-Ka ka Dhici Doonta Dalka.

Iyadoo Warkan Lagu Sheegay inuu Madaxweynuhu Go’aankiisa ka Sheegay Laba Kulan oo Madaxtooyada ka Dhacay oo ay Goob joog ahaayeen Xubno Kooban Oo Golaha Wasiirada ka mida iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

Haddaba, Madaxda Sare ee Xisbiga KULMIYE oo Shir ay (Maanta Oo Ah Axad 12-10-2014), Isugu Yimaadeen Xarunta Xisbiga Kulmiye oo Aay Kaga Wada Hadlayeen Warkaa Been Abuurka ah ee Ku Soo Baxay Labadaa Jariidadood, Wuxuu Gudoomiyaha Xisbigu Halkaa Ka Cadeeyay In isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo ay is Aragooda ugu Danbeysay Maalinti Ciidal Adxada.

Maalintii Madaxweynuhu Dhoofayay iyo Afartii Malmood ee Ka Horeeyayna Uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muse Bixii Cabdi iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Koowad ee Xisbiga Maxamed Kaahin Iyo Madax kale oo Kamida Madaxda Xisbiga iyo Xukuumaduba Waxay ku Mashquuleen Baadigoobkii Maydkii Marxuum Nuux Xuseen Ee Daadku ku Qaadey Dooxa Dacar budhuq.

Haddaba,Hogaanka Sare ee Xisbiga KULMIYE Wuxuu si Buuxda u Cadaynayaa inu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Yahay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ee Doorashada 2015-ka ka Qabsoomi Doonta Dalka.

Waxa La Wada Xusuusanyay inay Markii hore Jireen Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa Laba Murashax Madaxweyne oo kala ahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi Arrintaasi oo Sababtay Xisbiga Dhexdiisa Khilaaf Culus Oo Xisbiga kala Qaybiyay,balse kadib, markay labadooda Murashax gaar u Wada Hadleen ayuu Gudoomiyaha Xisbigu ku Dhawaaqay inuu Murashaxnimadii Madaxweynenimo uga Tanaasulay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Sidaa ku Noqday Murashaxa Kaliya ee u Taagan Xisbiga KULMIYE,Sidaana u Taageero Buuxda ula Taaganyahay Hogaanka Sare ee Xisbigu.

Xisbiga KULMIYE wuxuu Ummadda reer Somaliland u Cadeynayaa inay Arrimaha Doorashooyinka iyo Soo Saarida Murashaxiinta ay yihiin Arrimaha Xisbigu ku Shaqo Leeyahay iyadoo ay Talaabo kasta kala Tashanayaan Madaxweynaha oo ah Odayga Xisbiga,Sidaas Daraadeed, Waxaanu Ummadda Reer Somaliland u Sheegaynaa inaanay Dheg u Dhigin Wararka been Abuurka ah ee had iyo jeer laysla dhex maro,balse kaliya ay wax ku qabsadaan wixii war ah ee Rasmiya ee Ka soo baxa Xisbiga KULMIYE.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories