HomeHoggaanka Kulmiye oo si rasmi ah u shaaciyey magacyada iyo tirada Guddiga...

Hoggaanka Kulmiye oo si rasmi ah u shaaciyey magacyada iyo tirada Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga oo wax ka beddel lagu sameeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Xisbiga KULMIYE ayaa xalay ku heshiiyay in la kordhiyo Gudida qaban qaabada shirweynaha xisbiga iyo Gudida fulinta ee xisbigaba, waxaanay ka tallaabsadeen oo ku guulaysteen inay ka gudbaan khilaaf maalmihii ugu dambeeyay la soo weriyay inuu ka dhex oognaa.

Hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo Gudida fulinta ayaa shir jaraa’id oo ay caawa ku qabreen Guriga Madaxweyne Ku xigeenka waxay ku shaaciyeen qodobo ay ku heshiiyeen oo ay ugu diyaar garoobayaan shirweynahooda oo lagu wado inuu qabsoomo bisha December ee fooda innagu soo haysa.

kulmiye
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isagu halkaasi ka akhriyey qodobadda heshiiska xisbigiisu ka gaadhay khilaafkii maalmahan u dambeeyey ka dhex aloosnaa, waxa uu yidhi “Shirar u socday Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE maalmihii u dambeeyey si loo hagaajiyo diyaargarowga shirweynaha xisbiga ee soo socda; Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE markii ay muddo lafa gurayeen oo aan guddoomiyey, markii aan dhegaystay soo jeedintii Guddiga Fulinta iyo hal-doorka xisbiga iyo cid kasta oo ay khusaynaysay, markii guddiga fulintu qoladayada hoggaanka u soo jeedisay in la kordhiyo tirada Guddiga Qabanqaabada oo markii hore ahayd 19 xubnood, kadib markii meelo badan cabasho ka timi haddii ay beelo tahay, waxaannu isla garanay.

???In Guddiga Qabanqaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE lagu daro 8 xubnood oo tirada rasmiga ah ee Guddiga Qabanqaabadu noqoto 27 xubnood.

Guddiga Fulinta ee KULMIYE waxay ansixisay oo ay isku raacay in Guddiga Qabanqaabada shirweynuhu noqoto 27 xubnood, waxaanna codkii loo qaaday ogolaaday 31 xubnood, 2 kale way ka aamustay, guddoomiyuhuna ma codayn, sidaasi ayey ansax ku yihiin 27-kaasi xubnood inay noqdaan Guddiga Qabanqaabada ee shirweynaha KULMIYE.

???Qodobka labaad ee la isla qaatay waxa weeye, Guddiga Fulinta ee KULMIYE waxaannu kordhinay 7 xubnood oo aannu ka soo qaadnay ururradii RAYS, DALSAN iyo UMMADDA ee KULMIYE ku biiray. Waxa kaloo la buuxiyey 5 xubnood oo ka dhinaa Guddiga Fulinta oo ahaa wax dhintay iyo wax xisbiga ka baxayba oo tiradoodu noqotay 35 hore iyo 7 lagu daray oo isku noqonaya 42 xubnood.
Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Guddiga Fulinta ee KULMIYE dadaalkii iyo niyad-samaantii ay isku raacday.”

“Qoladiina saxaafaddu in badan waxaad tidhaahdaan dhul-gariir ayaa ka imanaya KULMIYE, horta KULMIYE xisbi dhul-gariir ka imanayo maaha, qaar saxaafadda ka mid ahi maalmahanba waxay doonaan ayey qorayeen oo qaarkood ayaan warka xun iyo beenta mooyee wax kale qorin, haddaanay xisbiyada kale doodda aqoonin, haddaanay xisbiyada kale sharciga isku qabsan, haddaan dad kale qayladooda la maqal KULMIYE caado ayey u ahayd markuu shirayo in dood kululi ka dhacdo.

Waxa kale oo aan u sheegayaa saaxiibadayada mucaaradka oo muddo iibinayey sariirihii baanu sii diyaarinay dhaawaca KULMIYE la dhigi lahaa iyo gurmadkooda ayaanu soo galaynaa, waxaan leeyahay sidaa aannu ku bilownay ayey ku dhammaanaysaa, horena waad u taqaaneen oo weligiiba KULMIYE oo shirayaa ma gariir-waayin, haddana natiijo fiicani kamay soo bixiwaayin, markaa waxaan u sheegaynaa qaranka iyo ummadda Somaliland waxa u dan ah KULMIYE inuu go’aan wanaagsani ka soo baxo, caawana (xalay) kii la rabay ayaa ka soo baxay.”
“Sidoo kale, qolooyinka mucaaradka iyo saxaafadda ee cimri-dherer ka dhigtay KULMIYE iyo xukuumaddu way is hayaan oo Ina Biixi, Ina Kaahin iyo qolada meesha lagaga tagay, waxaan leeyahay xisbiga KULMIYE Madaxweynihiisa, Guddoomiyihii iyo taageerihiisu horta talo midaysan ayey leeyihiin, taladaa caawa (xalay) la soo saarayna KULMIYE meel kasta oo uu joogo wuu u dhamaa Madaxweynaha ka soo bilow ilaa ka ugu hoseeya mid aanan dhegaysan codkiisa iyo talo-soo-jeedintiisa muu jirin, maanaan qaadan go’aanka ilaa intaan waday, markaa waxaan idiin sheegayaa xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waa mid, xukuumaddu waa tii codka xisbiga lagu dhisay, hawlaheedana wuu ku kormeerayaa oo wuu ilaalinayaa, barmaamujkii xisbigana way ku socotaa,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
kulmiye 3
Sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo sheegay in xisbiga KULMIYE yahay mid dimuqraadi ah oo ay suurto-gal ka dhex tahay dood adag iyo tanaasul labadaba. Waxaanu bogaadiyay go’aanka ay soo saareen xisbigoodu.

1. Aamina Yuusuf Aar

2. Faarax Yuusuf Nuur (Xadhigle)

3. Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

4. Abubajar Xaamud Jibriil

5. Sahal Maxamed Jaamac

6. Farax Faarax Cali

7. Dr. Cumar Cilmi Dixood

8. Cabdirisaaq Waabari Rooble

9. Xil. Saleebaan Cawad Bukhaari

10. Amaal X. Axmed Miisaan

11. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdi Giirre)

12. Xil. Maxamed Jaamac Cabdi

13. Xil. Siciid Cilmi Rooble

14. Cismaan Garaad Soofe

15. Xil. Maxamuud Axmed Obsiiye

16. Mustafe Faarax Dhoorre

17. Xil. Ibraahim Axmed Haybe

18. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

19. Xil. Maxamuud Jaamac Warfaa

20. Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabiley)

21. Maxamuud Axmed Saalax

22. Yaasiin Maxamuud Cabdi

23. Ibraahim Cawke

24. Fu’aad Maxamed Cumar

25. Yuusuf Nuur Maxamed (Gurruuje)

26. Xasan Mowliid

27. Cabdiraxmaan Maxamuud Carraale

Somalilandpost.net

Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories