HomeHoggaanka KULMIYE oo Kulan gaar ah la qaatay Xildhibaannada xisbiga uga soo...

Hoggaanka KULMIYE oo Kulan gaar ah la qaatay Xildhibaannada xisbiga uga soo baxay Doorashadii Golaha Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay xildhibaannada cusub ee xisbiga uga soo baxay doorashadii golaha wakiillada ee dhawaan dalka ka qabsoontay.

blankKulankan oo ka qabsoomay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Md. Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska iyo Wershedaha, ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, Md. Maxamuud Xasan Sacad(Saajin), Af-hayeenka xisbiga KULMIYE, Md. Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha, Md. Maxamed Muuse Diiriye, wasiirka wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, Md. Cabdirashiid Ducaale Qambi, guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka, Md. Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif), wasiir-ku-xigeenno, la-taliyayaal iyo dhammaanba xubnaha xildhibaannada golaha wakiillada ee xisbiga usoo baxay.

blankKulankan oo ujeeddadiisu ahayd mahadnaq iyo is xogwaraysi, ayaa waxa sidoo kale xildhibaannada cusub ee xisbiga lagu wadaagay salaan iyo tahniyad ka timi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Md. Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) oo markii uu kulanku dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sharraxay ujeedada kulanka loo qabtay.

blank“Kulankaasi waxa ay ujeeddadiisu ahayd, in maaddaama doorasho iyo tartan lagu soo jirey in xubnahan soo baxay loogu mahadnaqo, looguna tahniyadeeyo guushaas ay gaadheen ee golaha wakiillada ugu soo baxeen iyo guusha weyn ee xisbiga KULMIYE kasoo hooyey doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacay.“ ayuu yidhi afhayeenku.

blankDhinaca kale, xubnahan xukuumadda iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE isugu jira, ayaa maanta munaasibad qado ah la qaatay xildhibaannada golaha wakiillada ee xisbiga KULMIYE usoo baxay, taas oo ka qabsoontay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories