HomeHoggaanka Kulmiye oo Ka Hadlay Xubno Xisbigooda ka tirsan oo ka Qayb-galay...

Hoggaanka Kulmiye oo Ka Hadlay Xubno Xisbigooda ka tirsan oo ka Qayb-galay Caleemo-saarkii Madaxweynaha Jubaland

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

blankHargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka hoggaamiya ee Kulmiye, ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadayaan xubno ka tirsan xisbigooda oo ka Qayb-galay xafladdii Caleemo-saarka ee Madaxweynaha Maamul-goboleed Soomaaliya ee Jubaland Axmed Madoobe oo shalay ku qabsoontay magaalada Kismaayo ee Koonfurta dalkaas.

Maxamed Ilkacase oo xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala duwan ee Kulmiye iyo Yusuf Garas oo isagu xilal ka soo qabtay xukuumaddii hore labadoodubana ka tirsan Xisbiga Kulmiiye, ayaa ka qayb-galay xafladda Caleemo-saarka ee madaxweynaha Jubaland iyagoo aan oggolaanshiyo ka haysan xisbigooda, waxaanu xisbigu sheegay inay ku gafeen sharciga Dalka iyo ka xisbigaba, sidaas awgeedna xisbigu ka jawaabi doono tallaabada ay ku kaceen.

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Ilka-case oo saxaafadda kula hadlay goobta xafladda caleemo-saarku ku qabsoontay, ayaa sheegay in lagu soo marti-qaaday munaasibadda, go’aanka uu ku aqbalay ka-qayb-galka xafladduna yahay mid isaga u gaar ah oo aanu cidna ku metelin. Waxa kale oo uu sheegay inay halkaas u tagay hawl-shaqo oo u gaar ah. Haseyeeshee, Yuruf Garas oo xilligan fadhigiisu yahay dalka Itoobiya, ayaanan isagu ka soo dhex-muuqaan shirka iyo saxaafadda, balse la sheegay inuu ka qayb-galay.

Haddaba, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo u warramay telefishanka SAAB oo wax ka weydiiyey go’aanka xisbigoodu ka qaadanayo xubnaha ka tirsan ee shirka ka qayb-galay, ayaa sheegay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan xubnahaas.

Muuqaalka Hoose kaga bogo Hadalka Guddoomiyaha Golaha Dhexe iyo Mowqifka xisbigooda Kulmiye ee ku aaddan labada Xubnood.

 

Somalilandpost.net
somalilandpost.net
Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories