HomeHoggaanka iyo xubno ka tirsan Ururuka Dhalinyarada JIIDALI oo ciidamada Ammaanku caawa...

Hoggaanka iyo xubno ka tirsan Ururuka Dhalinyarada JIIDALI oo ciidamada Ammaanku caawa Xabsiga u taxaabeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidammada Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa Xabsiga u taxaabay Xubbno ka tirsan Ururka lagu magacaabo Jiidali oo ah Urur dhallinyaro oo arrimaha siyaasadda dalka ka hadla, ka dib markii ay Huteelka Crown ee magaalada Hargeysa kaga qeybgaleen Munaasibad lagaga hadlayay Xadhigga Guddoomiyihii Ururka JIIDALI Cabdiraxmaan Xasan Aadan oo maalmihii u danbeeyey isaguna ku xidhan isla Hargeysa.

Maxamed-Cabdikariin-JiidaliXubnahana Jiidali laga xidhay ayaa ah saddex Xubnood, kuwaasoo kala ah Afhayeenkii Ururka Jiidali Faysal Cumar Madar (Qumuj), Xoghayaha Ururkaas Maxamed Cabdikariin Cumar iyo Cabdi Beddel, illaa hadda si rasmi ah Boolisku umay sheegin sababta xadhigga xubnahan ay ugu kaceen iyo ujeeddada xadhiggooda toona.

Munaasibadda xubnahan ay Ciidammada Ammaanku ka qabteen, ayaa ahayd mid ay Ururka Jiidali ku muujinayeen heerka taageero ee Ururku ku leeyahay Hargeysa iyo sida ay Xubnaha Ururku uga xun yihiin Xadhigga Guddoomiyihii Ururkaas oo dhawaan ay Ciidammada Ammaanku ku xidheen magaalada Hargeysa.

Inkasta oo ay Ciidammada Ammaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa markii ay Xubnahan xidhayeen Munaasibadda ay joogeen socotay, haddana buuqa iyo muujinta ka xumaan-shaha dadka goobta joogay ka sokow, Ciidanku wax saamayn ah kumay yeelan Xafladdaas, isla markaana may joojin ee halkeedii ayay ka sii socotay markii ay Xubnahaas ay xidheen ka dhex-qabteen.

Lama oga sababta rasmiga ah ee xadhigga saddexdan xubnood, hase-yeeshee, sida ay wararka qaar sheegayaan Xubnaha Ururkan ku midaysan, ayaa aad u dhalliila Siyaasadda Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, iyagoo naqdiyada dhalliileheeda, waana sababta loo malaynayo inay sal u tahay xadhigga Xubnahan iyo Xubnaha ka horreeyey-ba.

Xigasho: Aftahan News

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories