HomeHoggaanka Iskaashatada Nafaqo oo maalintii todobaad Sifo Sharci-darro ah Xabsiga ugu xidhan

Hoggaanka Iskaashatada Nafaqo oo maalintii todobaad Sifo Sharci-darro ah Xabsiga ugu xidhan

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyihii ururka Nafaqo, Guddoomiye ku-xigeenkii iyo Xoghayihii urur-weynaha Nafaqo, ayaa maalintii todobaad iyada aan maxkamad la horgeyn ku xidhan saldhigga Booliska ee Qudhac-dheer, ka dib markii ciidamada boolisku ku soo qab-qabteen amar uu bixiyey ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex.
Guddoomiyaha Nafaqo Maxamuud Xasan Cali (Guray) ayey ciidamo Boolis ahi ka qabteen Suuqa Waaheen halka Guddoomiye ku-xigeenka ururka Farxaan Axmed Ibraahim iyo Xoghaya iskaashatada Maxamed Cabdi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Hiliblayaasha Caasimadda la xidhay wakhti ay booqasho ugu tageen Guddoomiyaha oo ku jira Saldhiga booliska ee Qudhac-dheer, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid guddida Iskaashatada Nafaqo.
Naasir Maxamuud Cabdilaahi iyo Siciid Xasan Aadan oo ka tirsan hiliblayaasha Caasimadda oo u warramay Shabakadda Wararka ee Somalilandpost, waxa ay sharci-darro ku tilmaamay xadhigga hoggaankooda oo ay sheegeen inuu Taliyaha Saldhigga Booliska Qudhac-dheer ku gacan-saydhay in la horgeeyo Maxkamadda degmada si loogu qaado eedaha loo haysto oo ay sheegeen inaanay ilaa hadda garanayn.
In kasta oo ay iftiimiyeen in xadhigga Guddida Iskaashatada xidhiidh la leeyahay Guddi kale oo dhawaan lagu dhisay Shirweyne aanay u dhammeyn isla markaana waxba ka ogeyn hiliblayaasha lixda degmo ee Caasimaddu ka kooban tahay, haddana waxa ay sheegeen inaanay garanayn dambiga loo haysto isla markaana aanay arag Cid fal-dambiyeed ku soo oogaysa oo ay arkeen.
“Muddo laga joogo Todoba maalmood, waxa la xidhay Guddoomiyihii iskaashatada Nafaqo ee Lixda Degmo Maxamuud Xasan Cali (Guray), Guddoomiye ku-xigeenkii Farxaan Axmed Ibraahim iyo Xoghayihii Maxamed Cabdi, todoba cisho ayey imika ku xidhan yihiin saldhigga Qudhac-Dheer, Maxkamadda haddaanu u tagneyna, lanooma keenin ayey yidhaahdeen, Cid ala cid haysatana maanaan arag, cid aanu u raacno kiiskoodaasna maanaan arag. Markaa ciddii naga masuulka ahayd ee noo dhaq-dhaqaaqaysay meelo ka mid ah xukuumadda ayey arrimahoodu gaadhsiisan yihiin,” sidaa waxa yidhi Naasir Maxamuud Cabdilaahi oo ka hadlaya xadhigga hoggaankooda, waxaaanu intaas ku daray, “Raggaas todobada maalmood xaq-darrada ku xidhan ee wax lagu oogay iyo wax loo haystaa aanu jirin, waxaanu leenahay xukuumadda sharafta leh arrimahayaga hoos ha u eegto arrimahayaga. Annagu ma garanayno cidda na haysta ee hiliblaha lixda degmo wuxuu isugu yimaaddaa Sayladda, kaawaanka iyo Sariibadaha, dalka, dadka iyo Xisbiga talada haya ee Kulmiyena way taageersan yihiin.”
Isaga oo ka hadlaya dhismaha ururka, sharciyadda u taala iyo xidhiidka wada-shaqayneed ee iskaashatadu la leedahay hay’adaha khuseeya hawlaha ay bulshada u hayaan, waxa uu yidhi, “Sharcigayagu maxkamadda wuu yaallaa, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Bulshada, dawladda Hoose, Guddoomiyaha Gobolka, Baarlamaanka, dhammaan goob-joog ayey ka ahaayeen sharcigayaga markii la samaynayey, intuba wada-shaqayn, sharaf iyo karaamo ayey naga mudan yihiin. Hadday Maxkamadda tahay, Hadday Maayarka, ku-xigeenka iyo Xogahaya Dawladda hoose Yihiin, hadday Booliska yihiin, waanu u mahad-celinaynaa wixii sharcigayaga eegay ee nagu tixgeliyey. Cidda Xukuumadda ka mid ah ee aan Sharcigayaga u fiirsanna waxaan leenahay Sharciga Iskaashatada Nafaqo sida loo beddelo iyo nidaamka sida loo dhiso u doonta waxa uu yaallaa Maxakamadda, Arrimaha Gudaha, Arrimaha Bulshada, Dawladda Hoose.
Waxaan u soo jeedinayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha inuu Arrimahaga hoos u eego, go’aan cadna ka gaadho oo wixii aanu sharci iyo xaqayaga aan lana duudsiyin haddii aanu aanay Iskaashatada nafaqo. Ugu dambayn waxaanu u mahadcelinaynaa ciddii nagala shaqaysa arrimahayaga ee sharciyaga nagu eegta, ciddii kalena ay sharcigayaga u dhug-yeelato.”
Xubanahani waxa ay Xadhigga hoggaankooda oo ka dambeeyey dhismaha guddida loo sameeyey ururka Nafaqo, ku sababeeyeen eedayn loogu jeediyey inay xisbiyada mucaaradka ah ka tirsan yihiin iyo inay abaabulayeen mudaraadyo la xidhiidha cabashadooda, “Waxaan ka hadlayaa shakhsiyaad aanaan ujeeddadooda garanayn, welina aanaan aqoonsan oo dhowaan la yidhi guddibaa loogu sameeyey Hotel Imperial oo hiliblayaasha lixda degmo ee caasimaddu aanay ka soo hawl-galin oo aanay waxba kala socon arrinkaas. Markii arrinkaasi soo baxay, iskaashatada Nafaqo waxa ay go’aansatay inay ka daba-tagto, wixii jirana hubsato. Hubsigii ayaa haddana Barobagaandho ugu tagney suuqa oo la leeyahay xisbiyada mucaaradka ah ayey galeen iyo shoobaro ayey wadaan oo way mudaharaadayaan. Waxaanu xaqiijinaynaa inaanay waxaas waxba ka jirin, xukuumadda aanu dooranayna u hoggaansanahay sharcigeeda iyo qawaaniinta dalka u taala, annaguna aanu xaq u leenahay in lanagu ilaaliyo shuruucda dalka,” ayuu yidhi Naasir, waxaanu intaas ku daray, “Maalin dhawayd waxaanu maqleynay in warbaahinta lagu qoray Maxkamaddii iyo Maayarkii baa eexday. Annagu waxaanu leenahay maayarka iyo maxkamaddu noomay eexan, ismana garanayno, Lixda degmo waraaqdii ka koobneyd ee guddida iyo sharciga ururku ku koobnaayeen ayey tix-geliyeen.”
Siciid Xasan Aadan ayaa sheegay in xadhigga hoggaankoodu ka dambeeyey markii ay ku gacan-saydheen dalab loogu soo gudbiyey inay Xilka ururka ku Wareejiyaan guddidii dhawaan la doortay, “ Waxa lagu yidhi wareejiya xilka ururka, sidaasaana loo xidhay. Markii dambe ee taasi socon-weydayna waxa lagu eedeeyey inay mudaharaadyo dhigayaan,” ayuu yidhi Siciid.
Isaga oo ka hadla xubnaha loo doortay Guddida waxa uu ayaa u soo jeediyey inay xaq-dhowraan sharciyadda iyo nidaamka loo maro hoggaanka ururka, “inamada shirka ku qabsaday Imperial ee lagu sheegay shirweynaha Nafaqo, waxaan leeyahay haddii aad hilible tihiin, hilible waa mid oo hal Sharci buu leeyahay oo uu ku dhaqmi jiray, sharcigaasina wuxuu tilmaamayaa nidaamka wax lagu doorto, waxna lagu beddelo. Markaa waxaan leeyahay, Ragga damac wuu galaa, haddii uu damac idin galay si aad xilkan u qabataan, sharci iyo nidaam wax lagu beddelo ayeynu leenahay ee soo mara, dariiqaas aad marteenna maaha sharciga Iskaashatada Nafaqo u dejisan ee waa mid aad ku burburinaysaan dhismaha iyo jiritaanka Iskaashatada, waana mid idiin yaala oo sharciga ururka la idinkaga abaalmarin doono,” ayuu yidhi Siciid.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories