HomeHoggaanka HUBAAL oo Ka Hadlay Qaabkii xayiraadda Looga Qaaday iyo Qabyada Baadhista...

Hoggaanka HUBAAL oo Ka Hadlay Qaabkii xayiraadda Looga Qaaday iyo Qabyada Baadhista Kiiskii Weerarkooda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)-Mas’uuliyiinta Wargeyska Madaxa-bannaan ee Hubaal ayaa maanta ka hadlay xayiraad-ka-qaadista lagu sameeyey wargeyska iyo arrimo kale oo la xidhiidha kiisas hore ugu dhacay oo aan wali natiijadooda la haynin. Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) iyo Tifaftiraha Wargeyska Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef) oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa Si faahfaahsan uga xog warramay qaabkii Xayiraada looga qaaday Wargeyska, iyo cafiskii Madaxweynuhu u fidiyey, kaas oo aan wax shuruud ah lagu xidhin sii dayntooda. Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) oo ugu horrayn halkaas ka hadlay ayaa jananka Ciidanka Bilayska Somaliland ku eedeeyey inuu ku fadhiyo, islamarkaana diidan yahay inuu kiiskaasi gebogeboobo oo laga gungaadho, waxana uu yidhi, ““Bulshada waxaan u sheegayaa kiiskayagii Weerarka Kamaanu wada hadal Masuuliyiinta Xukuumadda, Waayo Kiiskaasi Waxa uu ku dul dhintay Jananka Ciidanka Booliska Cabdillaahi Fadal, oo arrintayadaas sidii aanu ka yeelnay dambiilihii aanu qabanay, ee aanu u ixtiraamnay Sharciyadda aan isagu u ixtiraamin, oo illaa maanta aanaan ogayn Kiiskii Meel uu ku dembeysiiyey iyo wax laga qabtay toona. Kiiskaas annagu jananka aad baan ugu dhaliilayaa” sidaa ayuu yidhi Maareeyaha Wargeyska Hubaal, Mr. Calooley, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka sii hadlay Arrintan, “Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo aanu ka wada hadalnay Kiiskan, waxaa uu noo sheegay in uu Cabdillaahi Fadal (Taliyaha Bilayska) uu kala hadlay sidii uu u soo dhamayn lahaa baadhitaankiisa, balse illaa immika wax warbixin ah kama hayno Jananka”.

Maareeyaha oo iftiiminaya suul-daarooyinka muuqda ee Cabdilaahi fadal qaaday si uu kiiskaas u kala dhantaalo, ayaa yidhi “Hawsha Dhammaatay waa Xayiraadii la saaray Wargeyska iyo xukunkii nagu dhacay laakiin Kiiskii hore waxa uu taagan yahay halkiisii, Sida aynu la wada soconnana dambiyadda Ciqaabta ah Waxa baadhistooda leh laanta dembi baadhista Somaliland ee C-I-D-da, Kiiskayagii C-I-D-da kuma Jiro, Markii Weerarku nagu dhacayna waxaa Loo diray baadhistiisa Saddex nin, kuwaas oo Jananka Bilaysku uu Mid xilkii taliyaha Saldhiga dhexe ka qaaday oo waa Cabdisalaan-Diinqale, Cabdillaahi Xasan Faarax oo isna ahaa Taliye ku xigeenka wuu beddelay oo Gebiley buu geeyay, Halka uu Cabdi-kiin oo Isagu CIDda ka tirsanina uu joogo, halkaas waxaa ka muuqanaysa in raggii loo xulay baadhita kiiskayaga midba meel laga tuuray, taasna waxaanu aaminsanahay in lagu dembabasayo natiijadda ka soo bixi doonta Kiiskayagaas.” Ayaa uu yidhi Maxamed Axmed Jaamac Calooley.

hubaal2(1)Waxa kale oo uu Maareeyuhu ka hadlay isaga oo si kaftan ah uga jawaabaya Sida loo dareemay xayiraada Madaxweynuhu ka qaaday WArgeyska iyo cAfiska loo fidiyeyba, “Tan dembe ee Xayiraada laga qaaday wargeyska ee uu shalay (Axaddii) Madaxweynuhu Cafiska noo fidiyey, Madaxweynuhu waa madaxweynihii qaranka oowaanu ku ammaanaynaa, waxaana aanu leenahay Madaxweyne arrintaas kale ee Kiiskana wax ka qabo. Dee Illaa Xalayna Kaftanku wuu nagu badnaa oo dadku waxa ay lahaayeen Lacagtii keena, mar haddii aad Madaxweynaha soo salaanteen lacag baad qaadateenne!!!. Bulshadda waxaan u sheegaynaa inaanay jirin wax lacag ah oo aanu qaadanay balse ay arrintayadu ahayd uun Saamaxaad iyo Xayiraad ka qaadis”.

 Dhinaca kale Tifaftiraha guud ee Wargeyska Hubaal, Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef) oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa Sharraxaad ka bixiyey waydiimo shareeran oo ku saabsanaa qaabka loo sii daayay wargeyskooda amaba Cafiska loogu fidiyey. Xasan-keefkeef waxa uu sheegay inaanay jirin haba yaraatee wax shuruud ah oo lagu xidhay Cafiskooda, isla markaana aanay jirin wax heshiis ah oo ay saxeexeen. “Horta Heshiis Dhacay Ma jiro, wax aanu saxeexnayna ma jiraan ee Shuruud la’aan baa nalagu sii daayay. Wargeyska Hubaalna Cadadkiisii 264aad ee ugu dembeeyey halkisii baanu ka sii ambo qaadaynaa, bulshaduna sidii bay ugu xidhnaan doontaa” Sidaa ayuu yidhi Xasan-keefkeef, waxaanu bulshadii faraha badnayd ee wargeyska ku xidhnayd u ballan qaaday inay heli doonaan dhamaan wararkii xaqiiqooyinka ahaa ee ay hore uga heli jireen, waxana hadalladiisii ka mid ahaa, “Annagu wax gef ah maanu samaynin sharci-darrona maanu samaynin, bulshadana waxanu u ballan qaadaynaa inaanu u gudbin doono xaqiiqooyinkii ay nooga barteen oo aanaan runta ka leexan doonin,”

Maareeyaha oo iftiiminaya suul-daarooyinka muuqda ee Cabdilaahi fadal qaaday si uu kiiskaas u kala dhantaalo, ayaa yidhi, “ Kiisaska dabmiga ah ee dhaca ee ciqaabta ah waxa baadha CID-da, kiiskayaguse CID-da kuma jiro laan kale oo baadhiseedna kuma jiro, cabdilaahi Fadalna markii uu Kiiskani nagu dhacay saddex nin ayuu u magacaabay baadhistiisa, saddex nin ninka Diinqale la yidhaahdo oo taliyihii saldhiga dhexe ahaa wuu ka qaaday, cabdilaahi xasan faarax oo taliye-ku-xigeenka qaybta ahaa wuxu u bedelay Gabiley cabdi Kiin-na CID-da ayuu joogaa, markaa xataa dadkii kiiskayaga loo saaray ayuu midba meel ka tuuray taas oo muujinaysa sida uu kiiskayga u dambabaysayo ee aanu u doonayn innay wax ka soo baxaan.”

Sidoo kale waxa uu Maareeye Caloolay Arrinta Xayiraad-ka-qaadista iyo Cafiskaba uga mahad naqay Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu yidhi “Arrinta xayiraad ka qaadista iyo xadhigayaga waanu uga mahad naqaynaa madaxweynaha oo madaxweynihii qaranka, waxana aanu leenahay madaxweyne Taayadaa kalena raaci.”

 Waxa kale oo uu Maareeye Caloolay si aad ah ugu mahad naqay Saxaafadda madaxa Bannaan ee Somaliland oo uu sheegay inay Hiil ay Abaalkiisa u hayaan la garab galeen xilliyadii adkaa ee uu wargeysku soo maray, waxana uu yidhi, “Waxanu u mahad naqayaa saxaafadda Madaxa Bannaan ee Somaliland oo laga soo bilaabo bishii April oo ahayd maalintii uu weerarku ku dhacay wargeyska Hubaal ilaa maanta nala garab taagnayd taageero iyo Baahinta Wararkayagu hadba meesha ay marayaan waxan leeyahay aad baad u mahadsan tihiin waana waxa aynu ku wada nahay saxaafadda ee aynu ku midaysannahay.”

SOMALILANDPOST.INFO

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories