HomeHoggaan Cusub oo loo Doortay Laanta Xisbiga Kulmiye ee Jarmalka

Hoggaan Cusub oo loo Doortay Laanta Xisbiga Kulmiye ee Jarmalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kassel (SLpost)- Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye laantiisa Wadanka Germany ayaa Maanta si Rasmi ah doortay Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye ee Dalka jarmalka Hogaamin doona Muddada labada Sanno ah ee soo socda.

Shirwayne Balaadhan oo ay kasoo qayb galeen Hogaankii hore ee Xisbiga kulmiye, Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Taageerayaasha Xisbiga ee Jarmalka ayaa  Saaka ka Qabsoomay Magaalada Kassel halkaasi oo lagu Doortay Gudoomiyaha Rasmiga ah ee Xisbiga kulmiye Germany oo Cod aqlabiyad ah loogu Doortay Mudane Aadan Cabdi Aleeli,  Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga ayaa isna loo Doortay Mudane Sharmaake Cabdi Maxamuud Qolombi, halka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Laantiisa Germany Loo Doortay Mudane C/fataax Maxamed Ibraahin (Taaxo).

IMG_2128Hogaanka Xisbiga ee Maanta la doortay ayaa Noqon doona Hogaanka Rasmiga ah ee Laantii Xisbiga Kulmiye ee Germany ka saari doona Ku meel gaadhnimadii mudda uu ku jiray Xisbigu.

Gudoomiyaha Cusub ee Loo Doortay Xisbiga Aadan Cabdi Aleeli oo madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahad celiyay Golaha Dhexe ee Xisbiga Xilka ay udoorteen isaga oo illaahay ka baryay inuu ku Asturo Xilka ay saareen.

IMG_2117Gudoomiye aadan ayaa sidoo kale Magacaabay Gudoomiyaha Garabka Haweenka oo uu umagacaabay Saado Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Maxamed Yaasiin Ilkacase, Gudoomiyaha Gobolka Hessen, C/samad Xasan Deex, Gudoomiyaha Gobolka Berlin and Brandbrug Maxamed Axmed Badde, Gudoomiyaha Gobolka Torigen Axmed Dayib Cali, iyo Gudoomiyaha Gobolka Badenwuttenberg Axmed Abu walad.

Waxaanu intaasi Raaciyay inuu Dhawaan soo Buuxin doono Xubnaha Goballada hadhay oo dhan iyo Xubno kale oo muhiim ah oo Kaalin Mugleh kaga jira Xisbiga Kulmiye.

IMG_2125Xoghayihii hore ee Xisbiga Kulmiye Cabdalle ayaanle Cartan oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Doorashada hogaanka Xisbigu si Cadaalad ah udhacday isla markaana uu ku Hambalyaynayo Hogaanka Cusub ee Loo Doortay Laantii Xisbiga ee Dalka Jarmalka, waxaanu kula Dardaarmay in ay udhabar adaygaan Halganka Culus ee xisbigu wajihi doono Doorashooyinka soo socda, kaalintoona ay la garab istaagi doonaan.

 

Kassel/ Germanay

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories