HomeHoggaamiyihii Al-Qaacida ee Gacanta Carbeed oo weerar diyaaraded lagu dilay

Hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Gacanta Carbeed oo weerar diyaaraded lagu dilay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qaahira, (SLpost)- Hoggaamiye sare oo ka tirsan Urur-weynaha Al-Qaacida isla markaana Maraykanka uga diiwaan-gashanaa khatarta ugu weyn ee dalkaasi amaanka gudihiisa baqdinta uga qabo, ayaa maanta la dilay.

Anwar Al-Awlaki oo ururka u qaabilsanaa hawl-gallada ay ka wadaan Gacanka Carbeed isla markaana ah ninka ugu horreeya muwaadiniinta Maraykanka ee CIA-da Maraykanku raadinayso, waxa dilkiisa soo tabiyey saraakiil ka tirsan xukuumadda Yemen.

blankWaxa loo malaynayaa inuu ku dhintay weerar diyaaradeed, in kasta oo aan la kala caddayn Karin in Ciidamada Maraykanka ama kuwa Yemen ay qaadeen hawl-galka weerarka. In kasta oo saraakiisha Yemen hore u faafiyeenu in Awlaki la dilay dhammaadka sannadkii 2009, balse markii dambe warkaasi beenoobay.

Al-Awlaki ayaa ahaa ninka kaliya ee laga yaqaano Al-Qaacidada Gacanka Carbeed iyo weliba isaga oo ka mid ahaa ragga ugu horreeya ee CIA Maraykanu si weyn baadi-goobka ugu jireen.

Qoraal maanta lagu baahiyey warkan ayay wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Yemen ku sheegtay, “Ninkii Argagaxisada ahaa ee Anwar al-Awlaki iyo qaar ka mid ah asxaabtiisa ayaa hawl-gal lagu dilay.” Haseyeeshee, wasaaraddu wax faah-faahin oo intaas ka badan kamay sheegin geerida al-Awlaki iyo cidda dilkiisa fulisay.

Haseyeeshee, xogo laga helay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha qabaa’ilka dalkaas ayaa sheegay in subaxnimadii maanta al-Awlaki ku dhintay weerar diyaaradeed oo lagu qaaday laba baabuur oo marayey deegaan ka tirsan gobolka Marib ee Bariga dalkaas oo Ururka Al-Qaacida xoog ku leeyahay.

blankHoggaamiyahan dhimashadiisa la shaaciyey oo si wanaagsan ugu hadli jiray luqadaha Ingiriisiga iyo Carabiga, waxa la sheegay inuu dhiirrigelin jiray weerarrada lagu qaadayo Maraykanka, waxaana loo arkayey in hindisi kara ama la qaadan karayey fekerkiisa ku aaddan weerarrada Al-Qaacida ku qaaddo dalalka reer Galbeedka.

Waxa la rumaysnaa inuu isku qarinayo deegaanno ku yaala dalka Yemen, waxaanay Maraykanku u arkayeen khatarta ugu weyn ee wax yeeli karta amaanta gudaha dalkaas, maxaa yeelay waxa uu ku dhashay gobolka New Mexico ee Maraykanka isaga oo markii dambena imam ka noqday Masjid ku yaala gobolka Virginia ka hor intii aanu dalka Maraykanka uga haajirin Bariga Dhexe.

Saraakiisha Maraykan ayaa sheegaya in al-Awlaki uu kaalin muhiim ah ku lahaa isla markaana caawiyey isku-dayga weerarkii uu fulinayey wiilkii da’da yaraa ee u dhashay dalka Nigeria, Umar Farouk Abdul Mutallab, kaas oo isku dayey inuu qarxiyo diyaarad isaga gooshaysay qaaradaha Yurub iyo America taas oo bishii Decemebr 25, 2009 fadhiisatay garoon ku yaala magaalada Detroit ee Maraykanka.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories