HomeHoggaamiyeyaasha Caalamka oo ka hadlay Geerida Wasiirkii ugu cimriga Dheeraa Siyaasadda Khaarajiga...

Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo ka hadlay Geerida Wasiirkii ugu cimriga Dheeraa Siyaasadda Khaarajiga Caalamka, Saamayntii uu ku yeeshay iyo Sooyaalkiisii Taariikheed

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Riyaad (SLpost)- Dowladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa Subaxnimadii hore ee Jimcihii Saaka shaaca ka qaadday Geerida Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sucuudiga Amiir Saud Al-Faysal oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda ee ugu muddada Dheeraa Caalamka, isagoo xilkaas soo hayey 40-kii Sanno ee u dambeeyey ka hor intii horaantii sannadkan iska casilin.

Sida uu shaaciyey afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Alle ha u naxariistee Emir Saud al-Faysal oo da’diisu ahayd 75-jir, ayaa Geeriyooday Khamiistii shalay. Afhayeenka oo lagu magacaabo Osama Nugali, ayaa warkan ku shaaciyey Boggiisa Twitter-ka, balse ma sheegin sababta keentay geeridiisa. Haseyeeshee, Amir Sacuud, ayaa dhowrkii sanno ee u dambeeyey qalliinno lagaga sameeyey Dhabarka, qaliinnadaas oo ku sababay inuu u dhutiyo dhaawacyo ka soo gadhay muruqyada isku xidha dhabarka iyo Lugta.

prin saud
Saud Al-Faisal, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sucuudiga

Alle ha u naxariistee, Amir Saud Al-Faysal oo ahaa wiilka labaad ee Carruurta uu dhalay Boqorkii saddexaad ee soo xukumay boqortooyada Sucuudiga, Boqor Faysal Bin Cabdul-casiis oo intii u dhaxaysay 1964-kii ilaa 1975-kii soo xukumay Saudi Arabia, ayaa xilka wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas qabtay sannadkii 1975-kii kaddib markii shirqool Qudh-goyn ah lagu khaarajiyey Aabihii Boqor Faysal bin Cabdul-casiis isla sannadkaas. Balse, muddo-dheer oo uu xilkaas soo hayey, waxa uu ugu dambayntii shaqada uga fadhiistay arrimo Caafimaad bishii April ee sannadkan, waxaana xilka kala wareegay Adel al-Jubeir oo ahaa Safiirkii hore ee Sucuudiga u fadhi jiray Caasimadda Maraykanka ee Washington.

Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo ka hadlay

Emir Saud Al-Faysal oo lagu tiriyo siyaasiyiinta fara-ku-tiriska ah ee soo mara isla markaana ugu muddada dheeraa xilka Wasaaradaha Arrimaha dibadda ee dalalka Caalamka, waxa shakhsiyaaddiisa hoggaamineed iyo tayadii siyaasiyadeed ee saamaynta ku yeelatay arrimaha mandaqadda gobolka ka hadlay Madaxweynaha dalka Maraykanka, Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda iyo Siyaasiyiin kale.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa ammaanay siyaasaddii hoggaamineed ee Saud Al-Faysal. “Wuxuu ahaa Dibloomaasi daacadnimo iyo Garaad-badni isku darsaday. Labadaas arrimoodba wuxuu kaga midho-dhaliyey guulo xagga nabadda ah, haddii ay ahaan lahayd dhex-dhexaadintii uu ka galay dagaaladii sokeeye ee Lubnan ama inuu noqday ninkii bilaabay Qorshaha Nabadda ee Carabta,” waxa uu Mr Obama sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu kaga hadlay Geerida ku timi Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Sucuudiga.

Boqor Faysal Bin Cabdulcasiis/ Boqorkii 3aad ee Sucuudiga
Boqor Faysal Bin Cabdulcasiis/ Boqorkii 3aad ee Sucuudiga

Raysalwasaaraha dalka Ingiriiska, David Cameroon, ayaa isagu tacsi u diray waddanka Boqortooyada Sucuudigu, waxaanu marxuumka ku tilmaamay macalin ay hoggaamintiisu wax bartay siyaasiyiinta reer Galbeedka oo isagu ka mid yahay. “Waan ka murugooday inaan maqlo geeriyioday Amiir Saud Al-Faysal. In badan, oo aan ku jiro, ayaa ka faai’dday murtidiisa weynayd iyo waayo-aragnimadii Arrimaha Caalamiga ee uu ka kasbaday xilka uu wakhtiga dheer u soo hoyay boqortooyada. Waxaan ka tacsiyaydanaysaa Qoyska boqortooyada Sucuudiga iyo shacabka Sucuudiga xaaladda qallafsan ee ku soo beegantay,” ayuu yidhi raysalwasaare Cameroon.

Sidoo kale, waxa shakhsiyaddii marxuumka ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry oo ku tilmaamay inuu ka mid ahaa dibloomaasiyiinta ugu Garashada iyo Garaadka sareeya Caalamka.

Sooyaalkiisii Hoggaamineed

Marxuum Saud Al-Faysal oo hore u soo qabtay xilka Wasiir ku-xigeenka Shidaalka ee Sucuudiga Xilligii uu Aabihii Boqorka ahaa, waxa uu lagu tiriyaa inuu ahaa hoggaamiye Qayb laxaad leh ka qaatay inuu meel sare gaadhsiiyo siyaasadda khaarajiga ee Boqortooyada, isagoo isla markiiba xidhiidho la sameeyey dalka Maraykanka. Sidoo kale, waxa lagu tiriyaa inuu qayb ka ahaa isal markaana uu aabihii ku qanciyey inuu dalka Sucuudiga Saldhig Milatari ku yeesheen Ciidamo Maraykan ah, kaddib markii ay ka cabsadeen in madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen uu Duullaan Milatari ku qabsado Boqortooyada.

Emir Saud Al-Faysal oo falan-qeeyayaasha siyaasadda Bariga Dhexe ku tilmaamaan inuu ahaa Shakhsi dibloomasiyaddiisu qancisay waddamada gobolka, waxa uu goob joog u soo noqday qalalaase siyaasadeed oo Bariga Dhexe soo food-saaray muddada Nus-qarniga ku dhow ee uu xilka hayey, isagoo si weyn uga qayb-qaatay dhex-dhexaadinta dagaalladii sokeeyey ee dalka Lubnaan ka dhacayey sannadkihii 70naadkii iyo 80naadkii, isagoo ka qayb-qaatay dedaallo lagu hirgelinayey wada-xaajoodyo nabadeed oo dhexmaray Carabta iyo Israa’iil, waxa kale oo uu goob-joog u ahaa Duullaankii Ciraaq ku qaadday Kuweyt iyo dagaalkii Gacanka ee ka dhashay duullaankaas 1991-kii, Weerarradii Argagixiso ee Maraykanka lagu qaaday sannadkii 2001-kii, Duullaankii Maraykanku awoodda milatari ugu adeegsaday kuna burburay dalka Ciraaq sannadkii 2003-kii ilaa wakhtiganna xiisaddiisu taagan tahay, Kacdoonkii Shacabka dalalka Carabta ee 2011kii, dagaallada sokeeye ee Suuriya iyo soo-shaac-baxa Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya (Daacish).

Waxa kale oo lagu tiriyaa inuu dejiyey weerarka xulafada Sucuudigu hoggaaminayo ay ku qaadeen Kooxda Xuutiyiiinta ah ee la wareegay awoodda maamul ee dalka Yemen.

Geerida Emir Saud Al-Faysal, ayaa lagu tilmaamay inay soo af-jartay cahdi dibloomasiyadeed ee Boqortooyada Sucuudiga, iyadoo taas lagu fasiray in isaga iyo Aabihii Boqor Faysal dhidibbada u taageen siyaasad fur-furan oo ay ku maamuleen Boqortooyada Sucuudiga oo ah Xarunta Diinta Islaamka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories