HomeHoggaamiyeyaasha Afrika oo ka Qayliyey Afgembiyada Milatariga oo Soo Badanaya

Hoggaamiyeyaasha Afrika oo ka Qayliyey Afgembiyada Milatariga oo Soo Badanaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey mowjado Af-gembiyo Milatari ah oo sannadkii hore si is-daba-joog ah uga dhacay qaaradda Afrika, taas oo sababtay in xubinimada Ururka Midowga AFrika laga saaro waddamada inqilaabka Milatari ka dhacay.

Tirada Afgembiyada Milatari ee Qaaradda Afrika waxa ku yimi hoos-u-dhac la dareemi-karo, iyadoo ay qaaradda ka taabba-galeen doorashooyinka iyo Xukunka oo si nabadgelyo ah loola kala wareego.

Shirka Ururka Midowga Afrika 2022
Shirka Ururka Midowga Afrika 2022

Dalalka Burkina Faso, Guinea, Mali iyo Suudaan waxa sannadkii hore ka dhacay Afgembi Milatari, taasina waxay ay sababtay inaanay dalalkani ka qayb-galin shirka madaxda waddamada Afrika uga socda magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Toddobaadkii hore waxa Isku-day Af-gembi oo dhicisoobay ka dhacay dalka Guinea-Bissau, iyadoo madaxweynaha dalkaasi ku eedeeyey inay ka dambeeyeen kooxo budhcad ah oo maandooriyeyaasha ka ganacsada.

Waddankan ku yaalla Galbeedka Qaaradda Africa, ayaa marin u noqday Ganacsiga Maandooriyaha xashiishadda ee laga keeno dalalka Latin America ee loo iib-geeyo suuqyada qaaradda Yurub.

In kasta oo Shacabka dalalka Galbeedka Africa soo dhaweeyeen Afgembiyada ka dhacay dalalkooda, haddana waxa si weyn looga qayliyey inqilaabka Milatari ee ka dhacay dalka Suudaan oo sababay inay shacabka bannaan-baxyo ka sameeyey jidadka magaalooyinka waaweyn, iyagoo dalbanayay in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah, taasina waxa ay galaafatay nolosha dad badan oo Shacab ah iyadoo milatari xoog u adeegsadeen bannaan-baxayaasha.

Madaxa Golaha Nabadda iyo Xasiloonida ee Midowga Afrika, Bankole Adeoye, ayaa saxaafadda u sheegay in mid kasta oo ka mid ah madaxda dalalka Afrika ee shirka ka qayb-galay ay si aan gabbasho lahayn u cambaareeyeen Inqilaabyada Milatari ee qaaradda Afrika, waxaanu sheegay inaan loo dul-qaadan doonin dowladaha xukunka ku qabsada Inqilaabka Milatari.

Waxa uu Mr Adeoye sheegay in Ururku joojiyey wada-shaqaynta dalalka Burkina Faso, Guinea, Mali iyo Sudan, haseyeeshee, waxa ururka AU lagu dhaliilay sababtay ay xubinimada ururka uga joojin waayeen waddanka Chad ee ku yaalla badhtamaha Afrika oo Milatarigu xukunka la wareegay kaddib markii bishii April ee sannadkii hore la dilay madaxweynihii dalkaas Idriss Deby xilli uu dagaal kula jiray Malleeshiyaad mucaarad ku ahaa xukuumaddiisa.

Golaha Milatariga dalka Chad ayaa madaxweynaha dalka Chad u magacaabay wiil uu dhalay madaxweynaha geeriyooday oo lagu magacaabay Maxamed.

blankInqilaabyada Milatari, ayaa markii u horeysay ka bilaabmay qaaradda Afrika sannado kooban kaddib markii ay madax-bannaanida qaateen waddamo badan oo African ah sannadihii Lixdamaadkii oo ahaa sannadihii ay qaaradda Afrika ka dhaceen Inqilaabyadii Milatari ee ugu badnaa.

Labaatankii sanno ee u dambeeyey qarnigan 20aad, waxa qaaradda Afrika ka dhacay 16 Afgembi, kuwaas oo Lix ka mid ahi dhaceen wixii ka dambeeyey sannadkii 2020-kii.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories