HomeHoggaamiye Xisbi oo DIRQI kaga badbadaaday Isku-day Dil lala beegsaday (DAAWO VIDEO)

Hoggaamiye Xisbi oo DIRQI kaga badbadaaday Isku-day Dil lala beegsaday (DAAWO VIDEO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sofia (SLpost)- Hoggaamiyaha Xisbiga DPS ee dalka Bulgaria Ahmet Doğan ayaa dirqi kaga badbaaday isku-day Dil oo lala beegsaday isaga oo Khudbad ka jeedinaya shirweyne Xisbigiisu qabsaday.

Ahmet Doğan oo hoggaamiyaha Xisbiga DPS oo ay ku bahoobeen Qoomiyadda Turkiga ee lagaga tira-badan yahay Dalka Bulgaria ee Bariga Qaaradda Yurub, ayaa weerarkan la kulmay ka dib markii Nin hubaysan uu si lama-filaan ah ugu soo booday masrixii uu ka khudbadaynayey, dabadeed uu madaxa kaga qabtay Baastoolad uu sitay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Dogan assassination attemptMuuqaaladda laga duubay Qaabka uu weerarku u dhacay ayaa muujinaya ninka weerarka soo qaaday oo isku dayaya inuu Siyaasigan madaxa kaga dhufto xabadda haseyeeshee ay dhowr jeer rasaastu ka Kettibtay ka hor intii aanu Ahmet Doğan Iska fogeyn baaskooladda Madaxa ka saarneyd.

Ninka weerarka ku qaaday siyaasigan oo magaciisa la yidhaahdo Oktay Enimehmedov oo 25-jir ah, ayaa markiiba hujuun iyo weerar kala kulmay wufuuddii Xisbiga ee Shirka ka qayb-gashay oo dhulka ugu tuuray ninkan oo isaga leftiisu ka soo jeeda Qoomiyadda Turkiga ee laga tira badan yahay.

Haseyeeshee, ciidamada booliska ayaa markii dambe xaqiijiyey in ninka weerarka soo qaaday uu ku hubaysnaa baaskoolad aan Dhab ahayn iyo laba mindiyood, waxaanay saraakiishu intaas ku dareen in ninka dhalinyarada ah ee weerarka fuliyey uu sitay waraaq Dar-daaran ah oo hooyadii ku socota, taas oo uu hooyadii ku wargeliyey inuu dhiman doono, waxaanu ka raalli-geliyey inaanu dhammaysan waxbarashadiisa.

Daawo Video-ga

Balse Qoriga uu ninkani sitay ayaa dhowr Inj u jiray Madaxa Ahmet Doğan oo madax ka ah Xisbiga Dhaq-dhaqaaqa Xuquuqda iyo Xoriyadda ee Dalka Bulgaria, kaas oo ka hadlayay shirweyne Xisbigiisa.

Mr Doğan oo 58 jir ah oo muddo 23 sanno ah hoggaaminayey Xisbiga dhaq-dhaqaaqa Xuquuqda iyo Xornimada Dadka Turkiga ah ee laga Tiro-badan yahay, ayaa la filayey inuu iska casilo xilka guddoomiyaha Xisbiga, mana jiro wax dhaawac oo soo gaadhay marka laga reebo waxoogaa naxdin ah oo uu weerarkaas ka qaaday.

Dalka Bulgaria oo ku yaala Bariga Qaaradda Yurub, ayaa dadka Turkiga ah ee Ku nool ay boqolkiiba toban (10%) ka noqonayaan Shacbi weynaha Dalkaas oo tiradiisa lagu qiyaaso 7,476,000 (todoba Milyan, Afar Boqol todobaatan iyo Lix Kun) tiroobkii u dambeeyey ee la sameeyey sannadkii 2011-kii.

Firfircoonida qoomiyadda Turkiga ee Dalka Bulgaria oo doorashooyinka kaga qayb-gala Xisbigooda MRF, ayaa u suurto-galisay inay talada dalkaas kaga qayb-galaan dawlad wadaag ah oo talada ku guulaysatay sannaddadii 2001-dii iyo 2009-kii.

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories